HomeXildhibaan Xasan Xuseen Codyare iyo Xildhibaan Axmed Inni oo loo dhaariyey Golaha...

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare iyo Xildhibaan Axmed Inni oo loo dhaariyey Golaha Wakiillada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta dhaariyey Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed Yoonis (Codyare) iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Cige (Axmed Inni) oo labadooduba buuxiyey boosas ay ka baxeen laba marxuum oo hore u geeriyooday.

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo la dhaarinayo
Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo la dhaarinayo

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo ka mid siyaasiyiinta Xisbiga Waddani, ayaa buuxiyey booska uu banneeyey Allah ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo bishii January ee sannadkan ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo ka mid ah Xubnihii Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal iska soo sharraxay, balse aan ku soo bixin xildhibaannimada, ayaa isaga laftiisu buuxiyey booska xildhibaan kale oo geeriyooday.

Xasan Xuseen Codyare oo markii dambe noqday Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID, ayaa sannadkii 2005-kii isku soo sharraxay Doorashadii Golaha Wakiillada, isagoo Xisbigii UDUB u metalayey gobolka Awdal.

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo warbaahinta la wadaagay dareenkiisa, ka mid noqoshada golaha wakiillada, ayaa uga mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhammeystirka hawsha buuxinta booska bannaanadaaday oo go’aan ka gaadhisteedu muddo sagaal bilood ah qaadatay.

Axmed Inni oo loo dhaarinayo xildhibaanimada Golaha Wakiillada JSL
Axmed Inni oo loo dhaarinayo xildhibaanimada Golaha Wakiillada JSL

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse (Axmed Inni) oo ka mid ah xubnihii iska soo sharraxay xisbiga UDUB doorashadii Golaha wakiillada ee 2005-tii balse aan ku soo bixin, ayaa buuxiyey booska uu banneeyey Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw-Cali Shabeel oo 14-kii bishan October ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumka geeriyooday ayaa isaguna ka mid ah xildhibaannadii ku soo baxay xisbigii burburay ee UDUB.

Labada xildhibaan ee ku biiray Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa labadooduba lagu dhaariyey Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories