HomeXildhibaan soo Jeediyay in aan Turkigu Dhexdhexaad ka ahayn Wadahadalada Somaliland iyo...

Xildhibaan soo Jeediyay in aan Turkigu Dhexdhexaad ka ahayn Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee Laga Wareejiyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost) -Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sheegay In siyaasadda dibaddu ay horumar gaadhay islamarkaana sheegay in Xukuumadda KULMIYE  kor u qaadday siyaasada arrimaha dibadda, hase yeeshee waxa uu ku dooday in aanu jeclayn in Turkigu sii wado marti-gelinta wada hadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Raygal waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska Dawan. Waxa kale oo uu kaga hadlay xeerkii doorashadda aqalka wakiiladda iyo kala xadaynta degmooyinka Somaliland.

 

“Waxaan u arkaa intii dawladda KULMIYE ay dalka ka   talinaysay in siyaasadda arrimaha dibaddu kortay, waxaanan ku caddaynayaa,  Waa markii ugu horaysay ee calanka Somaliland  iyo calanka Somalia la is garab sudhay meel caalami ah oo 50 dawladood markhaati ka yihiin laguna qoray qoddobka lixaad ee odhanaya Somaliland iyo T.F.G ama cidii bedasha T.F.G waa inay xidhiidhkooda mustaqbalka wada hadlaan beesha caalamkuna gacan ku siiso, taasi waxay sheegaysaa inay tahay laba dal ayaad tihiin ee wada  hadla taana waxa la keenay intii xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo Somaliland hoggaaminaysay,”Ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay in uu ka soo horjeedo in dawlada Turkigu ay sii wadaan wada hadalladda u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi  “Anigu waan ka soo hor-jeedaa in Turkigu  dhex-dhexaadiyo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. sababta aan uga soo horjeedaana waxa weeye  aniga Turkiga uma arko   dhexdhexaad. Waxaan qabaa in dal kale oo dhex-dhexaad ah loo wareejiyo wada-hadalladda.”

Xildhibaan Raygal waxa uu sheegay in cidda kaliya ee sharcigu u ogol yahay inay Somaliland ku matasho wada hadalladu ay tahay xukuumadda, hase yeeshee waxa uu ku dooday in madax-dhaqameedkuna tallo ku leeyihiin iyagoo aan warbaahinta ka hadlaynin.

 

Xildhibaanku waxa uu sheegay in kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka ay noqonayso xadkii uu Ingiirku ka tagay, waxaanu yidhi “Dastuurkeenna haddii aad dib ugu noqoto iyo xeerka 23 ee lagu maamulo gobollada iyo degmooyinka dalka,  waxa ku qoran xeerkaa waa xadkii Ingiriis u dhigay ee uu u kala sameeyay 6-dii degmo ee uu sameeyay boqol sanno ka  hor, ka dibna 5 ka mid  gobolo noqotay laakiin innagu u aragno 6 gobol oo sax ah.Lixdaa gobol markay degmooyinka ahaayeen mid walba xadkeedu meel ayuu joogay. Markaa  xeerkani  waxa uu qorayaa  xuduudaha degmooyinku waa kii lixdankii.”

 
Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal,  waxa uu xusay inay Gole ahaan rejaynayaan inay ansixiyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa Golahooda, waxaanu yidhi “Xeerkii doorashada Golaha Wakiilada wuu na horyaalaa oo ajandaha ayuu  ku jiraa in aanu dhammastirnana waanu rejaynaynaa. daacadna waanu ka nahay in xeerkaa doorashadda wakiiladda meel marino wakhti badan ayaan fadhinay oo toban  sannadood ah umadda jaaniska waa u banaynaynaa.”

 

 

Xigasho- Dawan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories