HomeXildhibaan Soltelco oo Waxba Kama Jiraan ku tilmaamay inuu Loollan ugu jiro...

Xildhibaan Soltelco oo Waxba Kama Jiraan ku tilmaamay inuu Loollan ugu jiro Jagada Maayarnimada Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyey warbaahinta oo lagu sheegay inuu loollan ugu jiro jagada maayarnimada Caasimadda.

Xildhibaan Soltelco oo caawa soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo warkan, waxa uu sheegay inaanay jirin wax loollan ah oo ka dhex-jira Golaha Deegaanka Caasimadda maadaama Guddoomiyihii ay doorteen uu nool yahay.

Warsaafadeedka Xildhibaan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sida:

soltelco“Waa wax laga xishoodo in qof bina aadam ah laga been abuuro, isla markaana waa wax anshaxa saxaafadda ka baxsan in qof war laga sameeyo iyadoo aan wax laga weydiin.

Wargeyska Waaheen cadadkiisii Sabtidii shalay soo baxay waxa uu daabacay war odhanaya ‘Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo xilkii iska casilay, iyo xildhibaano olole ugu jira buuxinta jagadaas.’

Tartanku waa mid mar walba banaan, laakiin waxa wax laga naxo ah in Been abuur intaas le’eg inta la sameeyo isla markaana magacayga lagu daro iyadoo laygu eedaynayo inaan olole ugu jiro jagada Maayarnimada. Taas oo aanay waxba jirin, isla markaana ah mid dhaqanka iyo bina aadamnimada ka reeban in qof nool oo aanu si xor iyo xalaal ah ku dooranay ilaa haddana ah guddoomiyahayagii Golaha Degaanka Hargeysa uu wargeyska Waaheen nagu masabido inaanu xilkiisii olole ugu jirno.

Anniga oo ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Soltelco, waxaan ahaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee Eng. Yuusuf Warsame Siciid u tanaasula wakhtigaas oo uu igu jiray hankaasi, maantana igama suurowdo dhaqanna uma lihi in wixii aan shalay uga tanaasulay aan noqdo mid daba-fura.

Nasiib wanaag, Xildhibaanada cusub ee Golaha Deegaanka Caasimaddu waa kuwo aragtidoodu ka fogtahay mansab laysku er-eryo, waa kuwo isku ixtiraama aqoonta midba ka kale kaga horeeyo iyo waayo-aragnimadiisa, sidaas darteed ayaanu Maayarka Hargeysa, Eng. Yuusuf ugu dooranay inuu hogaamiyo xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimadda, maadaama oo uu yahay ka noogu aqoon iyo waayo-aragnimaba badan.

Sidaas darted, waxaan halkan ku caddaynayaa inaanu warka wargeysku daabacay ahayn mid jira, isla markaana aanu golaha deegaanka Hargeysa wakhtigan ka dhex jirin wax tartan iyo olole ah, sidoo kalena aanay jirin is-casilaad uu Eng. Yuusuf iska casiley Maayarnimadii. Waxaanan leeyahay waar ha loo tudho xildhibaanadayada cusub oo yaan been iyo jaha-wareer lagu riddin shaqada naloo soo doortay ee aanu diyaarka u nahay inaanu ka midho-dhalino.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)

Golaha Deegaanka Hargeysa 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories