HomeXildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Dabayso Khilaafkii...

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Ka Dabayso Khilaafkii Ka Dhashay Fadhigii Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha Guddida Dastuurka iyo Shuruucda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, kana mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo shalay loo diiday inuu warbixin ka soo jeediyo kal-fadhigii Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu ka dambayso khilaafkan ka dhashay Golaha, oo doonayso in iyadoo aan laga doodin Miisaaniyadda la ansixiyo.

xildhibaan-siciid

Guddoomiyaha Guddida Dastuurka iyo Shuruucda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay wareysi gaar ah siiyey wuxuu sidoo kale dhaliilo aad u culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay tahay Xukuumad aan dalka lagu aamini karin, oo aan cidna dan ka lahayn, waxaanu yidhi “Bahashii Lacag ahayd ayaa Golihii soo gashay, oo sanqadhii ayaa kal-fadhiga laga dareemayey, madaama Miisaaniyadda loo soo gudbiyey Golaha Wakiilada 26-bisha, ayaa iyadoo Miisaaniyadda is bedel aad u badan u baahan yahay, ayaan waxaan isku dayey in aan Golaha ka soo jeediyo in kharashkan faraha badan ee meelaha aan daruuriga ahayn loogu daray Miisaaniyadda in loogu daro dadkeena ay abaaruhu hayaan, balse sanqadhaas lacagta ee Golaha soo gashay ayaa keentay in la ii diido in aan hadlo, oo Mikiroofanadii ayaa la iga bakhtiiyey, laakiin waxaan leeyahay Xildhibaanada aanu isku Golaha nahay aynu dadkeena u naxno, oo yeynaan eegin shilimaad iyo dano gaar ah, ee danta dadkeena aynu eegno”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu dhaliilo u soo jeedinaayey Xukuumadda ayaa yidhi “Abaartu halkay maanta marayso waanu aragnaa, xaalka dadkeenu sida uu yahay weynu aragnaa, oo waa taas maanta la sheegayo in shuban biyood dilaacay, laakiin Xukuumaddani maaha Xukuumad aragta baahida dalka ka jirta, Xukuumaddani maaha Xukuumad aragta Abaaraha dalka ka jirta ee dadka haysta, Xukuumaddani maaha Xukumad aragta shuban biyoodkaas dilaacay, ee abaaruhu sabab u yihiin, Xukuumaddani maaha Xukuumad og oo xogogaal u ah nolosha dadka,  waxaana sidoo kale run ah in Xukuumaddani aanay ahayn Xukuumaddii dalka gaadhsiin lahayd barwaaqo sooran, kana saari lahayd xaalada uu dalku ku sugan yahay maanta”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey heshiiska Imaraadka ee Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Lacagtii Dubai, ayaa ina soo gashay, Lacagtii Imaraadka ayaa ina soo gashay, waxaynu ogeyn in Dekaddii Berbera wareejinteeda heshiis lagula galay Imaraadka, waxaynu arkaynaa in imikana Imaaradka saldhigyo Milatari laga siinayo dalka, markaas Xukuumaddani dalkii sida ay u galayso weynu aragnaa, lacagaha faraha badan ee ay Dubai ka soo qaadayna wax ay dadka ugu tarayna ma jirto, waxaad mooda in aanay ka war hayn Xukuumaddu abaaraha  dalka ka taagan ee waxay iskaga jirtaa damaashad, balse haddii aanu nahay Golaha Wakiilada dadkayga lexejeclo badan baanu ka qabnaa, oo waanu ka war haynaa, oo waxaanu u yeedhi doonaa Guddida Abaaraha, waanu la xisaabtami doonaa, su’aalana waanu weydiinaynaa”.

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories