HomeXildhibaan Shaadhow Nin Calool Galkaagii Ogaa, Haatanse Ciroobey Oo Sir Iyo Caad...

Xildhibaan Shaadhow Nin Calool Galkaagii Ogaa, Haatanse Ciroobey Oo Sir Iyo Caad Kuu Yaqaan Lagama Ceeb-doono

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aniga oo tix raaxaya hadalkii ka soo yeedhay xildhibaan Shaadh oo ka mid ah golaha guurtida kuwooda xalka ah, hadalkiisa oo uu wax kaga sheegay wasiirka Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka S/land  Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo uu Shaadh ku tilmaamay nin danayste ah, wasaarada duulistana sharci darro ku iibinaya.

Hadaba waxaan leeyahay Shaadh waxa kaa qaylaalsiiyey waa la garanayaa, waxaadna kala garan la’dahay in xukuumadda maanta jirta uu hoggaamiye madaxweyne Siillanyo iyo in weli Rayaale Taliye, tusaale ahaan Shaadh wuxuu ka mid ahaa raggii fara ku tiriska ahaa ee dhaameelka ka qaadan jirey xukuumaddii Rayaale.

Maantana layaab malaha Shaadh oo wuxu raaadinayaa wixii uu horey  u bartay mana oga in xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siillaanyo, ay tahay xukuumadda ummadda u shaqaynaysa, balse aanay raali gelinayn shaqsi xaaraani meel tirtay.

Aniga oo aan waxba ku fogaanayn taariikhda madaw ee Shaadh ku leeyahay bulshada dhexdeeda , waxaan odhan lahaa waxaad sheeganaysaa xildhibaaan sharaftii iyo kaaraamadii xildhibaanimona meel baad kaga dhacday, adiga oo aflagaadeeyey masuul qaran oo kaa sharaf iyo karaamo badan adiga oo weliba la qaylinaya wasiir Maxamuud Xaashi dad hay shaqaalayso, BAROORTU QORGIGA KA WEYN.

Ogaw shaadhow in aan qof la iska shaqaalayn Karin iyada oo loo maro sifo sharci taasoo ah in hay’dda shaqaalaha dawladu qofkaa sharci hayso, adna waxaad leedahay oo kaa qaylaal siinaya dad sharci darro ha la iigu shaqaalaysiiyo.

Waxaan kale oo aan kula yaabay Shaadh isaga oo xildhibaan sheeganaya ayaanu haba yaraatee aanu waxba ka garanayn nidaamka dawladnimo, xukuumadda iyada ayaa ka masuul ah hantida danta guud, sidoo kale xukuumadda ayaa awood leh in ay dhulka danta guud iibiso, iibsato, kirayso iyada oo u maraysa habka sharci oo ah in hantida la la iibinayo ay baahiyaan guddida qandaraasyada qaranka, sida ay imikaba gacanta ugu hayaan ee ay u baahinayaan dhismaha waarada duulista Hawada.

Hadaba waxaan odhan lahaa Shaadh anigu magacaaga kuugu dari mayo magaca ku lamaan, waayo afkayga ma soo marin karayo, laakiin waxaan ku leeyahay haddii aad doonaysid in aad wax ka sheegtid masuuliyiinta qaranka ka soo bax meelaha xun xun ee aad ku jirtid haddii aad in uun u tudhayso sharaftaada, ta labaad haddii aad cid wax ka sheegaysid waxba ha ka sheegin in ku o goo dhaqankaaga xun yaqaana, balse wax ka sheeg dadka aan ku aqoon.

Waxaan ku soo koobayaa maqaalkayga  Xildhibaan Shaadhow Nin Calool Galkaagii Ogaa, Haatanse Ciroobey Oo Sir Iyo Caad Kuu Yaqaan Lagama Ceebdoono.

Wasiirka Duulista Hawada ee aad ku khaldan tahay waa wasiir kaa sharaf badan, waa wasiir bulshadu ugu markhaati tahay waxa uu bulshada u qabtay iyo kaalinta uu ugu jiro qaranka.

Maxamed Siciid Axmed { Xidig}

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories