HomeXildhibaan Rayte oo eedo Kulul u jeediyey shir Guddoonka Golaha Wakiilada,...

Xildhibaan Rayte oo eedo Kulul u jeediyey shir Guddoonka Golaha Wakiilada, kana hadlay aragtidiisa shirka Daallo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shir Guddoonka Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ku edeeyay inuu burburiyey Golihii Wakiilada oo uu ku dhex milmay xukuumada, isla markaana waxa u sheegay in labadii sanno ee u danbeeyay wax shaqo ah ay qaban Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Rayte waxa kale oo uu sheegay in shir Guddoonka Golaha  Wakiiladu uu jabiyey sharcigii dimquraadiyada oo uu ku tilmamay in sharciga dalka ay ku jirin in qof Guddoomiye Urur u ah aanu noqon-karrins hir Guddoon, taas oo uu ku tilmamay inuu Ururka Waddani  uu Guddoomiye u yahay Tageera Xukuumada oo aan ahayn mucaarad.

blankXildhibaan Rayte sidoo lake waxa uu ka hadlay shirka Beelaha Habar-yoonis uga socda Buurta Daallo ayaa waxa uu sheegay inay ula muuqato calaamado aan shacabku ay ka rali ahayn, isla markaana waxa uu sheegay inay ka imman karaan dhibaatooyin ayna shirka beelaha ka danbayso xukuumada oo laga shakiyey anya keenikaraan kala goyn-goynta dadka iyo iyaga oo kala shakiya waxaanaha hadaladisii ka mid ahaa. “Shirarkaas waxaan u arka ifafaalo aan wanaagsanayn, waa calaamado ama astaamo muujinaaya in guud ahaanba shacabku ay ka rali ahayn. Kalsoonidii dawlada iyo nidaamkeenii Siyaasadeed ee aynu dhisanay ee Golayaasha iyo xisbiyada kalsoonidii shacabku ay ku qabeen ay soo yaranayso. Waana calaamad xun oo muujinaysa dib uga noqoshada anu ku soconay ee dimquraadiyada ahay, markaa runtii aniga war-wargaara ayey igalinaysaa sababtoo ah shirarka beeluhu waxay keenikaraan kala goyn-goyn dadkii iyo dareen la isu-nayad samayn, waxaana arkaa inay ka dhalatay jawiga guud ee Siyaasada. Haddii  la kala shiro tuhunkuna wuu badanayaa, danno badan oo la kala sheegtaana way badanayaan oo dhaawac wayn ayey u geesanaysaa midnimada dalka Somaliland. Shiraka Daallo aniga wakhitigan aynu ku jirno ilama wacna oo waxay keenaysaa dhibaatooyin farabadan ayaa ka imman kara shirkaas,”Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay in Golaha Wakiilada waxa uu sheegay inay xukuumadii iyo Golihii ay isku milmeen oo uu ku kacay arrimo sharciga ka hor imanaaya waxaanu yidhi.“Golahayagii labadii sanno ee ugu danbeeyay wax shaqo ah oo uu qabtay way iska yar tahay, waxaana muuqata sida ay dadku sheegayaan ee anaguna tuhusanahay in runtii kaalintii aanu ka lahayn aanu gabnay. Sababtuna dhawr arrimood ayaa jira waa marka ugu horaysa  shir Guddoonkii Golahayaga oo dhex galay ama ku milmay ama isku danaysteen xukuumada. Shir Guddoonka oo laftiisa oo xisbiyadii ku dhexjira oo maanta Guddoomiyahayagii Urur ayuu ka madax yahay isaga oo Guddoomiyihii Golaha ah, taasina waxay ka hor immanaysaa nidaamkii dimquraadiga ahaa ee jiray.  wax sharciga kujira maaha oo Guddoomiyihu waxa uu ku kacay arrimo sharciga ka soo horjeeda. Markaa waxa uu joogaa inuu danaysto oo haddii uu meeshii wax laga goonayey uu joogana uuna tartankii ku jiro dee waa wax aan is qadanayn arrimahaasi.”

Xildhibaan Rayte oo hadalkisii siita waxa uu intaas raaciyey. “Arrinta kale ee Muhiimka ah Golahayagii wiiqday waxa weeye waxaan jirin Golahayaga oo baaba’ay xisbi mucaaradana majiro oo ahayd inay keenaan la xisaabtanka xukuumada. Immika wuu baa’bay Golihii Wakiiladu oo waxa u sabab ah shir Guddonka Golaha wakiilada. Kulmiye waa xisbul xaakim, Ururka Waddaanina isaguna waa xisbul xaakim oo aan xukuumadii ka soo horjeedin oo tageeraaya weeye.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories