HomeXildhibaan Qabille oo Sheegay in ay Baadhayaan Halka uu ku Sal Leeyahay...

Xildhibaan Qabille oo Sheegay in ay Baadhayaan Halka uu ku Sal Leeyahay Khilaafka Hogaanka UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ah xildhibaan xisbiga Ucid ugu jira golaha wakiilada ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan guddoomiyaha Xisbiga ucid iyo musharax Jamaal,waxaana uu hoga tusaaleeyay in baadhis ay ku jiraan, kuna daadagi doonaan halka ay boogtu ka dhaymi wayday.

Xildhibaan Qabiile ayaa Jamaal iyo Faysal ka codsaday in ay joojiyaan hadalada boro-bogaandada ah ee ay hawada isku marinayaan, waxaana uu cadeeyay in ay ka hawl gali doonaan khilaafka xisbiga, isaga oo hadii xisbiga ucid ka bad-baado khilaafka loo aqoonsan doono xisbiga bad-baadinta somaliland.

Qabiile ayaa cadeeyay in khilaafka xisbiga ka taagani uu ka duwan yahay khilaafyadii hore ee soo maray waxaana uu yidhi.

“Waxaan qirayaa in arinka dhacay inuu ahaa mid siyaasadeed oo bahwaynta Ucid ee dalka dibadiisa iyo gudahaba ku nool inuu ku ahaa arrin ka yaabiyay oo siyaasadeed, sababta oo ah khilaafkii hore ee Ucid kani waxa uu kaga duwan yahay wakhti daayacii ayuu dhacay, waxaan jecelay aniga oo ka mid ah wayeelkii xisbiga Ucid ugu tunka waynaa, madaama oo bahwayntii Ucid iyo tageerayiishaba arrinka gacanta ku hayaan inaanan ka hordhicin oon seeska gudihiisa aan ku dhaadhaco.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ayaa sheegay in loo baahan yahay in baadhis la sameeyo lagu ogaanayo cida khilaafka ka dhex bilawday xisbiga Ucid,waxaana uu badka soo dhigay in la isla eegi doono halka ay boogtu ka dhaymi wayday.

“Khilaafkani waxa uu u baahan yahay in la ogaado, ma fara-galin dibadeedbaa timid, ma mid xukuumada ka timidbaa, mise waa mid gudaha xisbiga Ucid ka dilaacday, xogtaas oo dhan waa waxa ay u fadhido in ay ogaato inta ugu tunka wayn xisbiga Ucid.

Geesta kale waxa uu xildhibaanku sheegay in marti looga yahay marka uu arintan dhan walba ka rogo inuu xaqiiqda cadeeyo isaga oo yidhi.”wali waan ku gudo jiraa oo waan may-racayaa arinka madaama oon ku jiro wayeelka xisbiga, salka ayaan u dhigayaa arinta balse Khadra Daahir ayaa hees ay qaado ku odhan jirtay alalaaska aan godol lahaa iyana waxaan kaga gudbaa gobeey liicoo hajabin.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa tilmaamay khilaafka ka dhex taagan musharaxa iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid haduu ka dabaasho xisbiga inuu mutaysan doono xisbigu shahaadadii bad-baadinta Somaliland.

“Markaas waxaan ilaahay ka rajaynayaa inaanu meesha nagu kashifin, hadii aan ahay dadka laga sugayo inaan go’aamada iyo talooyinka laga sugayo keeno oo xisbigu ku bad-baadayo, waxaan odhan karaa labadoodu ha joojiyaan dacaayadaha ay hawada isku marinayaan, isaga oo cadeeyay in gudaha lagu ogaan doono heshiiska ka dhaxeeya musharaxa iyo guddoomiyaha xisbiga ucid.

Gaba-gabadii waxa uu fariin u diray musharaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, waxaana uu ku gubaabiyay labadoodaba in ay joojiyaan bara bogaadada ay hawada isku marinayaa isaga oo faray in salka u dhigaana hadalada ay warbaahinta isku marinayaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories