HomeXildhibaan Nacnac: Sooyaalkiisa Nololeed, Farxadaha iyo Naxdimaha Soo Maray, Aragtidiisa Waxqabadka KULMIYE...

Xildhibaan Nacnac: Sooyaalkiisa Nololeed, Farxadaha iyo Naxdimaha Soo Maray, Aragtidiisa Waxqabadka KULMIYE iyo Dardaarankiisa Dhallinyarada!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) waxa uu dhashay 1946-kii, meelo kala duwan ayuu cilmiga ku qaatay meelo kala duwan aabbihii oo askari ahaa ayuu hadba gobol ula wareegi jiray. Hooyadii waa Ardo C/Laahi Diiriye oo nool. Xaaskiisu waa Faadumo Jirde Nuur, tirade carruurtiisu waa toddoba ay lix (afar wiil iyo laba hablood) ka mid ahi nool yihiin hadda. Waxa geeriyootay inantiisii curad.

Taxanihiisa aqooneed sida waxbarashadiisa malcaamadeed, Dugsiga Berbera ee Hoose, Dugsiga Dhexe ee Ceerigaabo iyo dugsiga sare oo Sheekh uu ka baxay waxa uu qaatay intii u dhaxaysay 1953-1967. Isaga oo markaa ku biiray dugsiga xannaanada Xoolaha oo uu dhiganayay laba sanno 1967-1969, halkaas oo uu uga sii gudbay tacliin dibadeed oo uu dalka Nayjeeriya ku qaatay muddo shan sanno ah waxaanu ku soo laabtay dalka oo milatari iyo xukun adagi haysto, markii uu taas u adkaysan waayayna waxa uu u geeddiyay dalka Imaaraadka oo uu muddo deggenaa. Dadka ay isku fasalka iyo saaxiibka dhaw ahaayeen waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Cali Guuleed (Maarshaal).

Yaraantiisii waxa uu jeclaa inuu Milatari noqdo laakiin waxa ka leexiyay dardaaran uu siiyay macallinkiisii Charlton oo ku yidhi, “You Deria, never be a military, because you are rigid (ha noqon Diiriyaw askari waad adagtahaye,” sidaas ayuu ugu leexday xannaanada xoolaha, wuxuu macallinkaasi kula dardaarmay Cali-Maarshaal inuu noqdo Xisaabiye

xildhibaan NacnacKolkii uu halganka SNM bilaabmay, Xildhibaan Nacnac waxa uu ka mid ahaa dadkii qaadhaanka maaliyadeed u soo diri jiray SNM, taas oo gelisay xaalad ah isagoo saddex bilood kaddib loo doortay Guddoomiyeha Jabhadda ee dalkaas. Waxqabad ayay xilligaas sameeyeen reer Imaaraad, dad Somaliland ka soo qaxay oo Kuweyt ku sugnaa ayay Urdun dejiyeen halkaas oo ay qurbaha uga sii dhoofiyeen. Dhacdadii ugu darnayd waxa uu ku tilmaamay xilli dawladdii Soomaaliya ka codsatay Imaaraadka in loo soo gacan-geliyo Nacnac iyo dad kale.

Isagoo si faahfaahsan uga hadlaya xilliyadii ay ugu farxadda iyo naxdinta badnayd waxa uu yidhi “Berigii SNM-tu dagaallamaysay ayay iigu shaki iyo warwar badnayd. Marka qurbaha ay cadaawad iyo warla’aani kugu heshana way dhib badan tahay. Waxa la yidhi xilligaa ha la qabto oo ha la mustaafuriyo, Muqdishana hala geeyo. Waagaa waan dardaarmay, lacagta SNM lama dhigi jirin ee kabadh ayaan ku ridi jiray waxaanay gaadhay Malyan. Xaaskayga ayaan ku idhi haddii la i qabto lacagtaa hebel iyo hebel ku wareeji. Idinkuna haddii aan dhinto meel aan Talaabiib ahayn ha ka degina.. Waxaan idhi waan dhoofayaa xaggaa Yuhuudda ayaan aadayaa. Markaas ayuu Ilaahay iga joojiyay.  Goortaas ayay iigu darnayd. Farxadahaygu way badnaayeen waxa ka mid ahaa markii aan guursaday, kolkii inantayda curad dhalatay anigoo dhallinyaro ahna aan aabbe noqday aad baan u farxay”.

Waxa ay la shaqayn jireen doonyo jidgooyo geli jiray oo biyaha waddanka ka ilaalin jiray shisheeyaha xilligii halganka. Markii waddanku xoroobay waxa ay xukuumaddii Madaxweyne Cigaal u magacawday inuu Nacnac noqdo safiirkii Somaliland ee Imaaraadka shaqadaas oo uu hayay illaa horraantii gu’ga 2005-ta.

Sannadkii 2005-ta waxa uu ka mid noday murashaxiintii u tartamaysay Golaha Wakiillada Somaliland isagoo ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE gaar ahaan Gobolka Hargeysa, astaantiisu waxa ahayd geed timir ah waxaanu odhan jiray “Waa Nacnac iyo Timir oo labaduba macaan, waa isla doonasho Ilaah. Kulmiye ahaan waxa aannu u baahannahay inaad na doorataan, xilalna noo dhiibtaan bulshooy si aad u ogaataan waxa aanu galno iyo waxa aannu gudno”. Waxa uu ka mid noqday Xubnihii ugu codka badnaa ee ka soo baxa Gobolka Hargeysa ee ka mid noqda Golaha Wakiillada Somaliland, isaga oo noqday Xoghayaha Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada. Qaar badan oo ka mid ah ballamihii uu qaaday wakhtigii olalaha wuu fuliyay, isaga oo la dardaarmaya masuuliyiinta ballamaha sameeyay waxa uu yidhi “Waxa aan kula dardaarmayaa xildhibaannada ballamaha qaada inay fuliyaan “Al-cahdu akbar min abuuk” ballani aabbahaa ka weyn, wax yarna ha ahaatee wuxuun ka dhaqaajiya axdiyada aad gashaan”

Deegaankii laga doortay waxa uu u sameeyay waddooyin badan sida mid loogu magac-daray Alle ha u naxariistee inantiisa curad (Nimco-Sagal), imakana waxa uu wadaa dhismaha waddada Balligubadle-Hargeysa oo ay carro-tuulka dhigeen. Waa xildhibaan ka soo baxay hawshii loo igmaday, dheeraad iyo sama-falna ku daray. Hormood ayuu ahaa hawlo guryo loogu dhisay hooyooyinka qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM sida Maxamed Xaashi (Lixle), Maxamuud Haybe iyo kuwo kale. Qaarna cusbitaallo ayuu ka gacan qabtay.

Raggii sida baaxadda leh u abaabulahay guushii Xisbiga KULMIYE ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee 26/June/2010-kii ayuu Xildhibaan Nacnac ka mid yahay, isagoo ka hadlaya waxqabadka KULMIYE waxa uu yidhi “Waxa aan aaminsahay inaanay jirin cid KULMIYE ka wanaagsan oo waddanka soo martay marka la eego waxa aanu qabannay, sida aannu waddanka u hagaajinnay cid na dhaantaa inay joogto ilama aha”. Waxbqabadkiisa waxa uu ku mutaystay maamuus badan iyo billado uu ka helay meelo kala geddisan isaga oo ka mid noqday boqolkii qof ee abaal-marinta Hal-door ku guddoomay barnaamijkii qiimee qofkaaga ee ay soo qabanqaabiyeen Somaliland National Evaluation Center SOLNEC oo uu guddoomiye ka yahay Rashiid Sulub Caalin.

Xildhibaan Nacnac oo aan ugu dambayntii weydiiyay waxa uu kula dardaarmayo dhallinyarada Somaliland waxa uu yidhi “Aad iyo aad adeer, waan ka naxaa wiilasheenna yaryar marka aan arko, habluhu way ladan yihiine, ee ay ku soo tabceen hooyo iyo aabbo sabool ahi ee shaqo la’aanta waddanka ku jooga. Mid kasta waan raacaa karaankayga waan ka caawiyaa helista waxa uu rabo. Waxa aan leeyahay adeerrayaal waynu heli doonnaa waxa ay rabno, Carabtu waxa ay tidhaahdaa man jadda wajada, dedaalaa wuu helaa, noo dulqaata waannu idiin dedaalaynaa shaqooyinna waa imanayaan. Insha Allah dhawaan ayuu batroolka dalku soo baxayaa, ictiraaf baynu gaadhi doonnaa markaa samirku waa fiican yahay ee na suga ayaan leeyahay. Nabad-gelyadeenna ayaa wax kaste ka wanaagsan ee waddankeenna aynu wada ilaashanno ayaan barbaarta ku odhan lahaa.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Maroodi-jeex Schools

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories