HomeXildhibaan Maxamed Sh. C/Raxmaan Oo Iska Fogeeyey Dil 3-dii Bishan Askari...

Xildhibaan Maxamed Sh. C/Raxmaan Oo Iska Fogeeyey Dil 3-dii Bishan Askari Bilays ahi ka geystay Deegaanka Balay-ga Cas ee Woqooyiga Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xildhibaan Maxamed 12Hargeysa (SLpost) – Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa iska fogeeyey dil lala xidhiidhiyey oo 3-dii bishan October 2013  Askari Ciidanka Bilayska ka tirsani ku dilay Alle ha u naxariistee Marxuum magaciisa la odhan jiray Siciid Faacuul, kaas oo uu sheegay inaanu wax shuqul ah ku lahayn.

Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan waxa uu sheegay in Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Balay-ga Cas inuu ahaa mid qadarka Alleh ku dhacay, isla markaana aanu ahayn mid qorshaysnaa, kaas oo tibaaxay in dad uu ku tilmaamay Fidmo wada-yaal ay suuqa u galiyeen inuu isaga ka danbeeyey Dilkaas, si adagna u deedefeeyey wararkaas ka dhanka ah.

Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan waxa uu sidaas ku sheegay Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray, kaas oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Shabakadda Somaliland, isaga oo dhamaystirana u dhignaa sidan:- ”Aniga oo ah Xildhibaan Maxamed  Sh. C/raxmaan  waxaan marka hore Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Faacuul oo aan isagana Ilaahay uga baryeyo inuu Naxariistiisii jano Waraabiyo inagana Samir iyo Iimaan inaga siiyo. Intaa ka dib Ilaahay waxaan intaas u dhaafayaa Aayada Quraanka Kariimka ah ku taal ee uu Ilaahay ku yidhi “Yaa Ayuhuladiina Aamanuu Injaa’a kum Faasiqun inaba’in fatabayanuu antu-Shiibu qawman Bi-jahaalati fa-tus-bixuu Calaa Maa Facaltum Mu’adamiin”.

Intaas waxa aan u dhaafayaa waxa maalmahan Warxumo tashiil Bulshadda kusoo dhextuuray in Dhimashada Alle ha u naxariistee Marxuumkaas aan kor ku soo sheegnay uu dilka loo gaystay ahaa mid loo qorsheeyey, looguna talo-galay. Hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay Sal iyo Raad-toona lahayn hadaladaas Warxumo tashiilku Bulshadeena ku soo dhextuureen ee la dadkeenu beenta loogu sheegayo ee la leeyahay Xildhibaankanaa ka danbeeyey Qorshaha lagu dilay Marxuum Siciid.

Waxaan leeyahay inta Warxumo tashiilka ka dhexwada Bulshadda  Ilaahay ha idin Tuso Xaqa iyo Wanaaga , waxaanan  u sheegayaa Cidkasta oo Arrintaas si qaloocan loo galiyey in Shilkaas uu Marxuumkaas walaalkeen ahi uu ku geeriyooday inuu ahaa mid Qadarka Ilaahay ku dhacay, wax ujeedo ah oo ka danbeysayna aanay haba-yaraatee aanay jirin.

Ugu danbayn waxaan leeyahay dadkeena Ehlu Cilmi wal Caqliga ah oo aan u soo qaadanayaa Qisadii Nabi Ibraahim iyo Aabihii dhexmartay, waxaanan u soo xulay Doodii dhexmartey Nabi Ibraahim Aabihii oo Caabudayey Sanamo, aabo ahaana wuxuu ka mudnaa  waano, wanaag, daryeel iyo darajayn iyo inuu la jeclaado Khayr oo dhan. Sidaa darteed ayuu Aabihii ugu yeedhay inuu raaco Xaqa iyo Islaamnimada, waxaanan soo qaadanayaa Suuratul Maryam Aayadaheeda 40-aad ilaa 45-aad ee “Wadkur Filkitaaba Ibraahiima Inahuu Kaana  Sidiiqan Nabiyaa, Id-qaala Lii abiihi yaa abatii Limaa tacbuduu  maala yasmacu, walaa yubsiru walaa yuqni Canka Shay ah.

Yaa abatii inii qad Jaa’anii minal  Cilmi maalam ya’tiikafatabacnii ahdiika Siraadan Sawiya- yaa abatii laa tacbudu Shaydaana ina Shaydaana Kaana lil Raxmaana Casiya.

Yaa abatii inii akhaafu an Yamsaka cadaabu minal  Raxmaani fatakuuna lil shaydaani Waliya”.

Aayadahaa kor ku xusan wuxuu Allaah ku soo qaatay doodii dhexmartay Nabi Ibraahim iyo Aabihii, wuxuuna ku xusay sida Ibraahim uu ugu yeedhay aabihii xaqa oo ah si xigmad iyo naxariis leh, waxaanu u sharaxay sida uu ugu gafsan yahay Xaqa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories