HomeXildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Oo Naqdiyey Siyaasadda Faysal Cali Waraabe, Soona Dhaweeyey...

Xildhibaan Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Oo Naqdiyey Siyaasadda Faysal Cali Waraabe, Soona Dhaweeyey Deedefaynta Jamaal Cali Xuseen Kaga Badheedhay Shirkii Uu Guddoomiyaha UCID Ku Baaqay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xildhibaan Maxamed 12Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Guurtida Somaliland ayaa si wayn u naqdiyey Siyaasadda Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, kaas oo uu uga digay inuu faraha ku sii adkaysto qaban-qaabadda shirkii uu ku tilmaamay talo-qaranka oo uu Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan ku sifeeyey shir-beeleed aan wakhtigan ku haboonayn in bulshadda Somaliland dib loogu celiyo.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah Mudanayaasha ugu firfircoon Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu si wayn u soo dhaweeyey, isla markaana go’aan geesinimo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Musharaxa Xisbiga UCID ee uu ku deedefeeyey Shirka uu Faysal Cali Waraabe hore ugu baaqay, kaas oo jawaabta Jamaal ku tilmaamay mid uu ka muuqdo Bisayl Siyaasadeed. Waxaanus sidaas ku sheegay Xildhibaanku War-saxaafadeed qoraal ah oo uu caawa ka soo saaray Magaaladda Hargeysa, kaas oo si qoto-dheer ugaga hadlay labada fikir ee labadaas masuul ee isku xisbiga ah, qoraalkaas oo dhamaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan soo dhawaynayaa hadalkii murrashaxiinta xisbiga UCID ku caddeeyeen mowqifka iyo siyaasadda xisbiga UCID ee waqtigan, taas oo ay tahay inay iyagu u jeexaan siyaasadda uu xisbigu ku shaqayn doono shanta sanno ee soo socda, waanan ku hambalyeynayaa arrintaasi.

Sidoo kale Faysal-na waxaannu leenahay ha noqon Waraabe ilkihiisana uma roona laf meel taalna uma roona, waayo haddii la eego xeerka ururrada iyo xisbiyada ee xeer Lr.14 qodobkisa 1 – 2 waxay si cad u tilmaamayaan inuu Faysal sidii uu ku waayey murrashaxnimada si la mid ah uu ku waayay Guddoomiyenimada xisbiga, sidaa darteed waa xubin sharaf, wax cod ah oo uu ku leeyahayna ma jirto. Waxaannan kula talin lahaa inuu xisbiga ka ilaaliyo marin habowga siyaasadeed.

Xukuumadda waxa habboon inay ka wada shaqeeyaan hoggaanka cusub ee xisbiga wixii qorshe ah ee looga baahdo xisbiga. Sidoo kale, Guddiga diiwaangelintana waa inay hoos u eegto xeerarka iyo dabagalka ururrada iyo xisbiyada.

Waxa ayaan-darro ah hadalka uu Faysal Cali Waraabe kaga jawaabay hadalkii murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID uu ku caddeeyey mowqifkiisa iyo siyaasadda xisbiga in aannu xisbiga UCID awoodihiisa ahayn, sharciyadda dalkana aanay siin awoodaha lagu qabto shir wadatashi Qaran ah, laakiin cidda ummaddu u dooratay ay tahay xukuumadda, iyaguse (xisbiga) ay ku kooban yihiin dhaliilaha xukuumaddu leedahay inay sheegaan, wixii wanaagsana ku taageeraan.

Haseyeeshee, hadalka Faysal uu siiyey wargeyska Geeska Afrika waxa uu u muuqdaa mid aannu ka fiirsi u odhan, waxaanay u muuqanaysaa in Faysal weli doonayo inuu madaxa kaga duubnaado hoggaanka xisbiga ee u sharraxan hoggaaminta dalka, taasina waxay keenaysaa ceeb”.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories