HomeXildhibaan Madaxweynaha ay isku beel yihiin oo ka Cawday Saamiga Beeshiisa ee...

Xildhibaan Madaxweynaha ay isku beel yihiin oo ka Cawday Saamiga Beeshiisa ee Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa,  (SLpost)- Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si kulul u dhaliilay saami qaybsiga kuraasta Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo tilmaamay in Deegaankii laga soo doortay ee Beeshiisu deganayd laga qadiyay mansabyada Deegaankaas.
Xildhibaan Xariir oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in Deegaanka Caynaba oo laga soo doortay ay Beeshiisu ka goosatay, isla markaana ay ku biirtay Gobolka Buuhoodle degmadiisa Qorilugud, waxaanu ugu baaqay Masuuliyiinta Deegaankaasi inay ka saaraan goobaha ay Beeshiisu degan tahay hawlwadeenada Cashuuraha ee Dawlada Hoose ee Caynaba.
Waxa kale, oo uu Xildhibaan Xariir eed u xambaariyay Wasiirka Duulista Hawada iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka oo uu sheegay inay isku cuna-duubeen mansabyadii Deegaanka Caynaba.
Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa yidhi:  “Deegaanka aniga la iga soo doortay ee Caynabi waxa uu u qaybsan yahay laba qaybood, waa Habarjeclo bari iyo Habarjeclo galbeed. Anigu waxaan ka mid ahay Habarjeclada galbeed, Gobolka Shaqaalihiisii iyo ciddii loo magacaabi lahaa intiiba waxa lagu koobay Habarjeclo bari, kuwii aniga isoo doortay oo xaq u leh qaybtooda hal mansab oo ka mid ah Gobolka oo lagu xisaabtami karo oo loo magacaabay ma jiro, raggii ii keenay waraaqahooda codsiga, Wasaarad kasta oo aan geeyo Wasiirka joogaa wuxuu iigu jawaabaa waxa noo yimi Wasiirka Duulista Hawada iyo Maareeyaha Madbacada Qaranka, waxaanay yidhaahdeen cid aanaan anagu kuu keenin Caynaba laguma qori karo, waxay ila noqotay arrin aad iyo aad u qalafsan, kuwa sidaa leh waxa doortay Madaxweynaha, anigana waxa isoo dooratay ummadii ku dhaqnayd Caynaba, waxa ahmiyada la siiyay nimanka uu shaqsigu doortay, waxaan ahay Xildhibaan ay ummadi soo dooratay ummadiina waxay xaq iigu leedahay inaan jiheeyo.”
Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu dhawr jeer la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana uu kala hadlay arrimaha Deegaankiisa, kaasoo uu sheegay inuu ku hungoobay. Waxaanu yidhi: “Waxaan dhawr jeer la kulmay Madaxweynaha, waxaaanan kala hadlay arrinkan, Madaxweynuhuna ama ha iloobo ama ha ugu talogalee, jawaab aan u baahnahay oo waxtar ii ah kamaan helin. Waxa kale oo jirta in Gobolka la yidhaahdo Cayn, magac aanu lahayn ayaa loo bixiyay.” ayuu yidhi Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale, waxaanu intaas ku daray isagoo ka hadlaya tirada mansabyada Deegaanka loo magacaabay ee ay Beeshiisu ka qaday. “Waxa loo magacaabay Gobolka 18 Isu-duwe, 18-kaasiba waa Habarjeclo bari, waxa dibada ka ah shaqaale hoose, mid dhexe iyo mid sareba kuwii aniga isoo doortay, wax badanna anaa hortaagnaa, markii ay noqotay inaanan waxba u hayna, go’aan ay iyagu qaateen ayaan la qaatay, kaasoo ah inay ka go’aan Gobolka, waxaanay ka mid noqonayaan Gobolka Buuhoodle Degmada Qorilugud, waxaanan farayaa Badhasaabka iyo Maayarkaba in goobaha lagu qaado Cashuurta ee Dawlada Hoose in laga qaado Ciidamada iyo shaqaalahaba, Cashuurta keliya ee la qaadi karaa waa Cashuurta Dawlada Dhexe, Cashuurta laga qaadi doono ee Dawlada Hoosena waa Qorilugud, go’aankana maaha mid aan anigu keligay qaatay ee waa go’aan ay Deegaanku qaateen.” ayuu yidhi Xildhibaan Xariir Siciid Bullaale.

Somalilandpost.net

Editor@somaliland.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories