HomeXildhibaan Kijaandhe Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyey In uu U Sharaxan...

Xildhibaan Kijaandhe Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyey In uu U Sharaxan Yahay Jagada Madaxweynenimo Ee Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Munaasibad Balaadhan oo lugu taageeraayo Musharaxnimada Madaxtinimo Ee Xildhibaan Axmed cabdi Kijaandhe ayaa ka dhacday Hutel Hadhwanaag Ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay Xubno ka mida Golaha Wasiirada Somlailand, Salaadiin, Siyaasiyiin Madax Banaan, Haween, Dhalinyaro Iyo Marti Sharaf Kale oo Aad u tiro badan.
Ugu horeyn waxa Munaasibadaasi Ka Hadlay Xidhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan oo ka tirsan golaha guurtida somaliland“ Waa Arin Meesha Ku Jira oo Afar iyo Labatankii Sano Ee Aynu Dalka Ku Jiray Maanta ayaan hawaysanay kursiga, maantana waa wax lagu farxo inagoo horena isugu Daynay oo xisbi gaara oo aynu inagu madax ka nahay samaysanay  waxaan qabaa in aad guulaysan doonto oo aad soo bixi doonto”.

 

Sido Kale waxa Halkaasi Ka Hadlay Caaqil Xuseen Colaad Jaamac(Halac) Waxaana uu Yidhi “ ninka geela leh waxa la yidhi dadka markuu marti soorayo isagu caanaha Geela Ma Cabo, maanta ninkii geela lahaa ayaa musharax ah waxaan Halkan Ka Sheegayaa nin kasta oo amaah lagu lahaa waan ka sugaynaa waxana ugu horeeya beesha Madaxweyne Silaanyo oo aan leeyahay wixii aan idin amaahinnay Maanta waan idiinka fadhinaa Ayuu Hadalkiisa Ku Soo Gabagbeeyay Caaqil (Halac).
Dhankiisa Waxa halkaasi Hadalo ka soo jeediyey Jamaal Caydiid Oo Ka Mida Golaha Dhexe Ee Kulmiye Waxaana uu Yidhi “ nin ay kaligii soo saarayso xaafadiisu ama beeshiisu ma jirto ee waa la isku Tagayaa sidii uu sheegay caaqil halac  oo wax ayaa la is waydiisan Doonaa anaguna waanu taageersanahay musharaxnimada Xildhibaan Axmed Kijaandhe.
Sahra Maxamuud Oo Ka mida Golaha Dhexe Ee Xisbiga ayaa sido kale soo dhawaysay Musharaxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaadhe Waxaana ay Tidhi:-“maanta farxad Weyn ayey inoo tahay in aan garab istaagno Hanka Musharaxa Axmed Cabdi Kijaandhe, haddii aynu maanta han yeelanay waa wax Alle loogu mahadnaqo, hore waxa u dhici jirtay in aan cid uun u codayno oo aan cid daba socono musharaxa waxa aan u sheegaynaa in aanu cod iyo cududba la dabo taaganahay Musharaxa Madaxweyen Ee Kulmiye.”
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-Nac Ayaa Sido Kale Madashaasi Hadalo Soo Dhawayn Ah Ka soo jeediyay Waxaana uu Yidhi “ Axmed Kijaandhe oo maanta hankiisii isu soo taagay musharax Madaxweyne Waan Soo dhawaynaynaa haddii laynaga Helo waa halkeeda musharax waan ku soo dhawaynynaa waxaan kugu han waynahay in aad ku guulaysan doonto”.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ayaa sheegay in ay taageeri doonaan musharaxnimada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe “ hadaan ka dabo tago hadalada qaar kama daba tagi doono Golaha Dhexe oo qudha waxan ka daba tagaynaa dhamaan cidii aan qaamaha ku lahayn ee aynu hore wax u amaahinay waayo waa wax aan waydiisan doono sulaadiin, Siyaasiyiin , Aqoonyahan dhamaan waan kala tashan doonaa in amaahihii hore aynu u bixinay in maanta layna siiyo”.

 

Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee  Golaha Wakilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed Ayaa isna Yidhi “ Waxaan ka xisbi ahaan soo dhawaynaynaa Musharxnimada xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo aan leenahay waan kugu taageeraynaa hankaaga aad muujisay”.

 

Gabagbadii Waxa Halkaasi u mahadnaqay Dadweynihii Taageeray uga soo jeediyey Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga kulmiye Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe isagoo yidhi:-“waxaan u mahadnaqayaa dhamaan dadka igu Taageeray musharaxnimadayda waxan leeyahay waad ku mahadsan-tihiin Taageerada aad ii muujiseen  waxaan idiin sheegaya dadka qaar ayaa idhaa ina kijaandhe daacad kama aha waxaan sheegayaa in ay iga daacad tahay oo ay iga niyad tahay ”.

Waxa igu kalifay waxa ay tahay waxaan ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye wakhtigii Hore la soo bilaabay sidaa darteed waxaan is idhi ma taageere ayuun baad Noqon waa in aad noqotaa la taageere”.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories