HomeXildhibaan ka tirsan Midowga Yurub oo taageera qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland oo la...

Xildhibaan ka tirsan Midowga Yurub oo taageera qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha iyo Masuuliyiin Qaran

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub.

blankXildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Yurub, isla markaana u ololeeyaha qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ayaa kulan wada-jir ah la qaatay Madaxweyne Siilaanyo, Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Mudanahan oo ka mid ah Xildhibaannada Yurub ee u Ololeeya qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si diirran ugu qaabbilay Qasriga Madaxtooyada, waxaanu Madaxweynaha uga warramay dedaalka uu ugu jiro aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland dunida ka hesho, isaga oo ballan-qaaday inuu hawshiisa ictiraaf-raadinta halkaa ka sii wadi doono illaa inta uu ka midho-dhalinayo himiladiisa. Madaxweynaha Somaliland-na waxa uu Xildhibaan Charles Tannock uga mahad-celiyey sida uu heeganka ugu galay in Somaliland beesha caalamku aqoonsato.

blankSidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasoo dhamaystiranna waxa qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa (xalay) Qasriga Madaxtooyada ku qaabbiley Xildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Yurub, Mudanahan oo ka mid ah Xildhibaannada Yurub ee u Ololeeya qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudane Charles Tannock MEP waxa uu Madaxweynaha uga warramay ujeeddada socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay mid ku xidhidhsan dedaalka uu u xaydan yahay ee ah sidii ay beesha caalamku ugu qanci lahayd jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay gacan uga siin lahayd dedaalka ay la timid iyo waxa ay qabsatay. Mudane Charles Tannock MEP waxa uu xog-warran mugleh ka dib Madaxweynaha u sheegay inuu dedaalkiisa halkaa ka sii wadayo illaa inta uu ka midho dhalinayo aqoonsiga Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Mudanaha uga mahad-celiyey dedaalkiisa midabsamida leh ee uu ku taageeray qaddiyadda Somaliland, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu uga mahad-celiyey booqashada uu Mudanuhu ku yimid dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mudanaha xog-waran faah-faahsan ka siiyey qaddiyadda Somaliland, baahida ay u qabto aqoonsiga caalamka iyo waxa ay qabsatay ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo Guud ahaan hanaanka dawladnimo ee dimu-quraadiga ah ee ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankan uu madaxweynuhu ku qaabilay mudane Charles Tannock MEP waxa ku wehelinaayey oo goob-joog ka ahaa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta, Dr. Sacad Cali Shire.”

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories