HomeXildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo fashiliyey Qorshaha Odayaasha Muqdisho ku yimaaddeen...

Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo fashiliyey Qorshaha Odayaasha Muqdisho ku yimaaddeen Somaliland iyo Ujeeddada laga leeyahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa ka digay wax uu ku tilmaamay shirqool Somaliland ka dhan ah oo laga soo maleegay xafiiska qaramadda midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY, kaas oo xaruntiisu tahay magaaladda Muqdisho ee dalkaasi Somalia.

Xildhibaan Maxamed 12Xildhibaan Maxamed waxa uu ku eedeeyey UNSOM inuu socdaalka ay madaxdhaqmeedka Soomaaliya ku yimaadeen Somaliland inuu soo qorsheeyey NICOLAS KAY, kaas oo xusay in socdaalka madaxdhaqmeedkaasi in lagu majaro-habaabinayo arragtida beesha caalamka ee wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, isaga oo ka xog-waramay qorshaha cusub ee xafiiskaasi oo uu ku dooday inuu damacsan yahay in mustaqbalka dhaw wada-hadalada labada dhinac oo looga wareego wada-hadalo loo furo madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo Somalia.

Xildhibaan Maxamed Xaaji C/raxmaan waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaaladda Hargeysa, kaas oo uu nuqul ka mid ah uu na soo gaadhsiiyey, isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhigmayey sidan:- “Maanta oo bishu 12/5/2014 waxaan si kooban ugu hadlayaa arrintan todobaadadii ugu danbeeyey hadalka bulshadda ee ku jihaysnayd waftiga madaxdhaqmeedka ah ee ka socda Soomaaliya ee socdaalka dhawaan ku yimid Somaliland inay xambaarsan tahay ujeedooyin la rabo in arragtida beesha caalamku wakhtigan kula socotay wada-hadaladii ka socday dalka Turkiga ee u dhexeeyey dawladda Somaliland iyo Somalia ee beesha caalamku goob jooga ka tahay ishana ku haysay sida ay u socdaan wada-hadaladaasi waxa la doonayaa in beesha caalamka laga dhaadhiciyo in maadaama oo qolooyinkii siyaasiyiinta ahaa ee Somaliland u metalayey wada-hadaladu ay sheegeen inay ku shaqaynayaan rabitaanka shacbiga Somaliland, isla markaana aanay waxba ka badali Karin shirarka ay gadh-wadeenka ka yihiin siyaasiyiinta dalku ayaa si loo majaro-habaabiyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira Somaliland waxa bilaabay xafiiska qaramadda midoobay ee UNSOM ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY oo hore loogu sheegay inaanu xafiiskiisaasi Somaliland dan u ahayn, loogana baahnayn inuu Hargeysa xarun ka samaysto, isla markaana sida uu warbixintiisii ugu danbeeyey ku cadeeyey uu golaha amaanka ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u sheegay inaanu xafiiskiisu aanu shaqadii loo baahnaa aanu qabanin isla markaana ay dawladda Somaliland-na ku diiday in Hargeysa laga furo taasina ay keentay inuu hawshii loo sameeyey iyo ujeedadii laga lahaa xafiiskiisaasi aanu qabanin.

Sidaa darted waxaan shacbiga horumarka jecel ee dedaalaya ee reer Somaliland iyo xukuumadda taladda haysaba uga digayaa qorshaha dah-soon ee looga dan leeyahay socdaalka odayaasha dhaqanka ee ka yimid magaaladda Muqdisho, waxaana jira xogo iyo xaqiiqooyin cad-cad oo ku taxaluqa socdaalka odayaasha dhaqanka ee Somalia iyo cida ka danbaysa iyo waliba halka ay ka helayaan dhaqaalaha ay ku baxaya, waxaana sida xogo mihiim ah oo laga helay arrimahaasi ay sheegeen in hawsha odayaashan laga soo abaabulay xafiiska qaramada midoobay ee UNSOM ee magaaladda Muqdisho ee uu madaxda ka yahay NICOLAS KAY, kaas oo uga dan leh inuu ku majaro habaabiyo arragtida beesha caalamku ku eegayso in loo tuso in ismari-waaga Somaliland iyo Somalia ee labadda mawqif kala taagan in laga dhigo in lagu dhamaynkaro xaga dhaqanka maadaama oo ay Soomaalidu aad u ixtiraamta dhaqanka, taas oo xalka kaliya ee jira lagaga dhigayo in xaga bulshadda rayidka ah ee Somaliland laguna qanciyo midnimadii la eeday ee boqolaalka kun ee qof inooga dhinteen, iyada oo uu xafiiska NICOLAS KAY doonayo inuu dunida u tuso sawir muujinaya in bulshaddani ay raali ka tahay midnimo danbe iyo nidaamka ay qaramada midoobay dabada ka riixayso ee Federaalism-ka, maadaama oo dawladda Somaliland la ogyahay inaanay ka hor imankarin rabitaanka shacbiga dalka.

Dhinaca kale waxaan bulshadda u sheegayaa in arrintani tahay shirqool dhagaraysan oo laga soo maleegay Muqdisho, iyada oo qorshaha ugu wayn ee laga leeyahayna yahay in lagu Majaro-habaabiyo hanaanka wada-hadalada Somaliland iyo Somalia si loogu marro arimahaasi xeelado ka duwan qaababkii uu hore caalamku ugu soo daalay, taas oo ah tan uu maanta soo dhoob-dhoobay NICOLAS KAY ee uu doonayo in beesha caalamka la tuso in la bilaabay is-dhexgalkii dhaqanka ee bulshooyinka Somaliland iyo Somalia, iyada oo sida aynu ognahay in imika la qaaday talaabadii 1-aad ee qorshaha NICOLAS KAY oo imika ay Somaliland ku sugan yihiin madaxdhaqmeed ka socda Somalia oo shirar kala duwan la yeelanaya madaxdhaqmeedka deegaanadda kala duwan ee Somaliland. Waxaana qorshahaas ku xiga in marka danbe looga gudbo wada-hadaladaasi in madaxdhaqmeedka labada dhinac ka wada hadlaan hab-dhaqan oo horseeda heshiisyo dhaqan si aakhirka dib loogu abuuro midnimadii Soomaaliyeed ee la eeday.

Ugu danbayn waxaan baaq dheer u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Somaliland, Golle-yaasha qaranka, shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland guddo iyo dibadba iyo xisbiyada qaranku inay ka digtoonaadaan qorsheyaasha cusub ee uu Somaliland u soo maleegayo cadawgeeda oo uu kaw ka yahay xafiiska UNSOM ee magaaladda Muqdisho. waxaana sida xaqiiqada ah lagaga hortagi karaa khatarahaasi cusub midnimda iyo isku duubno, iyada oo dhamaanteed ay waajib inagu wada tahay difaacida madaxbanaanida Somaliland.

 

Waxaan kaga baxayaa oo aan leeyahay xukuumadda Somaliland taladda haysaa arrimahan ha ka ciyaarto doorkeeda oo beesha caalamka ha u bandhigto ujeedada dhabta ah ee madaxdhaqmeedkaasi, iyada dunida laga saarayo shakiga uu xafiiska UNSOM galinayo madaxbanaanida iyo qadiyada dalka, iyada oo aanu socdaalka madaxdhaqmeedkaasi wax isbedel ah marnaba ku keeni karin rabitaanka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories