HomeXildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Iyo Qaar Ka Mid Ah Mujaahidiinta SNM...

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Iyo Qaar Ka Mid Ah Mujaahidiinta SNM Oo Xadhiga Masuuliyiinta falalka Musuq-maasuq loo xidhay Ku Tilmaamay Shirqool siyaasadaysan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargysa, 12 March, 2012 (SLpost)- Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah Aqoonyahanka iyo Mujaahidiinta SNM, ayaa si adag u naqdiyey xadhiga Masuuliyiintii dhawaan loo xidhay falalka Musuqmaasuq ee la xidhiidhay inay raashin Mucaawimo ah lunsadeen, iyaga oo sheegay inuu xadhiga Masuuliyiintaasi ahaa mid shirqool ah oo lagu fadeexadaynayo.

Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan Maxamed oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi Jaraa’id ayaa sheegay inay cadyn u hayaan sifihii loo maray lunsiga raashinkaasi, isla markaana uu badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ahaa ninkii fashiliyey Raashinkaasi, ka dibna isagii lagu eedeeyey, taas oo uu tilmaamay inay tahay mid sumcad dil ah oo la doonayo in sharafta iyo karaamada lagag qaado masuuliyiintaasi.

Xildhibaan Maxamed Sheekh C/raxmaan Maxamed oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“ Madaxweyne waxaan ku leeyahay hadii dhagaha wax lagaaga sheegay indhaha u fur xaqiiqdu way ku hor imanaysaaye, Kiiskanna ma aha wax Hargeysa ka dhex dhashay, waa wax meel ka yimid oo nidaam soo maray, ciddii Musuqmaasuqdayna waanu haynaa cadayntedii , waxaana la is waydiinayaa halkee ayey Masuuliyiintani ka soo galeen falka oo Dalka oo dhan saamaysay, Badhasaaka Gobolkuna waxa uu ahaa ninkii fashilyey arintan, taas ayaana lagu xidhay oo lagu haysataa fashilinta ah, Madaxweyne ku Xigeenka ka horna waxaa soo sheegay dad Shicib ah oo Badhasaaka u soo sheegay , waxaanuu u diray Bileyka iyo dadka shicibka oo uu amray in la qabto cidda waxan wada taas ayaana la waayey meel laga dhaafo, dambigana waa la galayaa oo cidda gashana in la wajahaa waa waajib, waxaa loo baahanyahay in sharciga la hor mariyo oo nimankaas si cadaalad ah Kiiskooda loo qaado, mana aha wax lagu kaftamo, dhamaan wixii cadayn ahaydna waanu haynaa , waxa la doonayaa waxa weyaan cidda dambigan faraha kula jirtaa ma aha nimankan u xidhane waa dad Awood leh oo kaga xuub siibanaya arintaas, waxaanu leenahay cidda falkaas fashilisay waa nimankaas xidhan, mana aha arin hadhaya oo waxa uu tagayaa halkii loogu talo galay, waxaana la samayn doonaa baadhitaan Madax bannan, Madaxweynahana waxaanu ka sugaynaa inuu ka soo saaro halka ay tahay ma aha halka laga eegayee”

C/casiis Aadan Habane (Siisto) oo ka mid ah Ragii halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Masuuliyiinta loo xidhay Musuqmaaqa, waxaanu u aragnaa inay tahay shirqool Cadaawad ah oo aanu u hayno cadayn sidii ay wax u dheceen, waxaanu halkan ku haynaa in Raashinkaas Masuuliyiinta lagu eedeeyey inay linsadeen in laga soo raray Magaalada Berbera, kaas oo ahaa Mun Tan oo ay siday Doonta la yidhaahdo Sky Mukhtaar oo ka soo rartay Cumaan, waxaauna u haynaa dhamaan wixii loo samyeeyey oo ah Cashuur dhaafkii iyo in Hay’adda la yidhaahdo Islaamic Riliif la yidhaahdo in Megiciisa lagu dalbaday, kaas oo uu leeyahay ninka la yidhaahdo Axmed Muxumed Geelle , Maxamed C/laahi Tima Cadde oo ah ninka iska leh Shirkadda la yidhaahdo Gallad iyo ninka kale ee la yidhaahdo Axmed Muxumed Geelle ayaa ka soo qaaday Magaladda Berbera oo Madaxtooyada ayaa Cashuur dhaafka u samaysay, Madaxzweyne ku xigeenkuna waxa uu sheegay in Raashinkaas hore loo soo xaday, ka dibna waxa uu Madaxweyne ku xigeenku u xilsaaray inay dib u soo qab qabtaan Guddoomiyha Gobolka Maroodi-jeex iyo Taliyaha Ciidanka Bileyska, manuu sheegin Madaxweyne ku xigeenku cidda hore u soo xadday iyo Tirada Raashinkaasi ahaa, nimankaas la kala yidhaahdo Axmed Muxumed Geelle iyo Maxamed C/laahi Tima Cadde inuu Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex u soo xidhay falkaasi iyo Bakhaarkii lagu rogayba, waxaana laga sii daayey Saldhiga Daloodho oo waa la damiintay, waxaananu u aragnaa inuu arinka lagu xidhay nimankaas Masuuliyiinta ah uu ahaa mid shirqool ah oo la soo maleegay, waxaanu leenahay ha lagu cadeeyo nimankaas falkaas lagu eedeeye” Ayuu yidhi Ganacsade C/casiis Aadan Habane (Siisto).

Courtesy: SDWO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories