HomeXildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland

Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xildhiban Maxamed Warsame Caalin (Tima-cadde) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee degmada Hargeysa, ayaa madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyey go’aanka uu gacanta dowladda dib ugu soo celiyey Hanti-dowladeed oo hore Qandaraas loogu siiyey shaqsiyaad gaar ah.

Xildhibaanku waxa uu Madaxweynaha ku ammaanka go’aanka uu dib gacanta dowladda ugu soo celiyey Hotelka Hargeisa Club oo hore loogu wareejiyey Laba muwaadin oo maalgeshi ay dib-u-dhis iyo ballaadhin ah ku sameeyey. Haseyeeshee, waxa uu xildhibaanku madaxweynaha u soo jeediyey in xukuumaddu dib ugu celiso laba muwaadin hantidii ka gashay.

blank
Xildhiban Maxamed Warsame Caalin (Tima-cadde)

Mudane Tima-cadde waxa uu arrintan ka hadlay qoraal uu warbaahinta soo gaadhsiiyey oo uu ciwaan uga dhigay, “Hambalyo Madaxweyne, Hantida Qaranka ee aad Soo Celisay”.

Waxa uu xildhibaanku qoraalkiisa ku bilaabay sidan:- “Marka hore waxaan si guud ugu hambalyeynayaa uguna mahadnaqayaa, Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, hantida qaranka ee muga leh ee kala duwan ee uu kusoo celiyey gacanta qaranka, taasi oo shaqsiyaad gaara u gacan gashay, isla markaasina, qaranku aad iyo aad ugu baahi qabay in dib loogu soo celiyo.

Marka xigta waxaan halkan si gaara Madaxweynaha ugu bogaadinayaa go’aankiisii dhawaan uu kusoo celiyey, hudheelkii qaranka ee soo-jireenka ahaa ee Hargeisa Club, oo marka laga yimaado taariikhdiisa gaarka ah iyo baahida dawladu u qabtay inay caasimada ku lahaato hotel u gaara oo ay ku qabsato danaheeda dawladnimo ka sakow, wakhti xaadirkan qaranku baahi kasii balaadhan u qabay in dib loogu soo celiyo.

Mudane Madaxweyne waan kugu hambalyeynaynaa inaad xiligii loogu baahida badnaa qaranka usoo celisid hotelka Hargeisa Club, waxaanu noqonayaa hanti qaran oo xukuumadu kaga maaranto inay u baryo tagto hotelada gaarka loo leeyahay ee caasimada, iyadoo isla markaana wakhti xaadirkan aad loogu baahan yahay in si degdega loo dhamaystiro wixii agab iyo dhisme ah ee uu qabyo ka yahay, si hadii qaranku u baahdo loogu isticmaali karo, mashaqadan Covid-19 ee dunida aafaysay.

Dhinaca kale Madaxweynaha waxan usoo jeedin lahaa in muwaadiniintii maalgashanaysay ee hada qaranku kala wareegay, sida ugu haboon loogu celiyey wixii kharash iyo dhaqaale ka galay, isla markaasina loogu bedelo mashruucan ay maalgashanayeen, wixii mashruuc ama jaanis maalgashi ah ee xukuumadu u heli karayso muwaadiniintan hotelka maalgashanaayey, si ay ugu noqoto cawil-naq xitaa haba koobnaatee.

Sidoo kale waxaan kala dardaarmayaa, muwaadiniintii maalgashanaysay ee hotelka hore loo siiyey ee xukuumadu kala noqotay, taasi oo aan leeyahay, hantida qaranka ee hore la idiin siiyey in aad maalgashataan hadii ay timi xaalad kaliftay in la idinkala noqdo oo qaranku u baahday, maaha in aad si kale u aragtaan, qaladna ka fahantaan, waayo hantida gaarka ah ee muwaadinka ayaa hadii ay timaado xaalad kalifaysa in qaranku kala wareego ay waajib tahay in lagala wareego, markaas waxan idiin soo jeedinayaa in aydaan waxba warbaahinta hadalo xanafle marinine aad si milgaha dhaqankeena suuban iyo sharciga qaranka u yaal waafaqsan arintan u martaan kuna dhamaysataan xalinteeda.” Sidaas ayuu xildhibaanku ku sheegay qoraalkiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories