HomeXildhibaan Jarmal Ah Oo Sheekha Azhar Weydiiyey Sababta Islaamku Ninka Muslimka Ah...

Xildhibaan Jarmal Ah Oo Sheekha Azhar Weydiiyey Sababta Islaamku Ninka Muslimka Ah Ugu Fasaxay Guurka Kiristanka Ah, Ninka Masiixiga Ahna Ugu Diiday Gabadha Muslimka Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira (SLpost)- Sheekha Al-Azhar Dr. Axmed Dayib ayaa mar uu salaasadii toddobaadii ina dhaafay ka hadlay xarunta baarlamanka dalka Jarmalka si aad u xiise badan uga jawaabay su’aal uu weydiiyey xildhibaan ka tirsan baarlamanku.

1

Sheekha oo golaha ka jeediyey khudbad ku waajahan dunida oo uu kaga hadlay diinta Islaamka iyo sidoo kale xidhiidhka Islaamku la yeelanayo dunida kale ayaa uu xildhibaanku weydiiyey su’aal la xidhiidha guurka Muslimka iyo Kiristanka, jawaabta uu sheekhu ka bixiyey ayaana ay dad badani ku tilmaameen mid taariikhi ah oo muujinayso xikmad diinta Islaamka.

Su’aasha uu xildhibaanku weydiiyey Sheekh Dr. Axmed Dayib ayaa u dhignayd sidan, “Sheekh waxa aad ka hadashay guurka ninka Muslimka ah iyo gabadha aan muslimadda ahayn, waana arrin aad u wanaagsan, laakiin maxa ay diintiinnu u diiddan tahay in gabadha Muslimadda ahna uu guursan karo ninka aan muslimka ahayn?”

Sheekh Dr. Axmed Dayib, ayaa su’aashaas kaga jawaabay sidan; “Guurku Islaamka dhexdiisa waxa uu ku leeyahay qiime ka sarreeya in uu yahay uun heshiis madaniya, sida aad idinku ka aaminsan tihiin guurka. Islaamku waxa uu guurka u arkaa xidhiidh diini ah oo ku dhisan kalgacal labada dhinac is-dhaafsanayaan. Ninka Muslimka ahi waa uu guursanayaanaa gabadha aan muslimadda ahayn, tusaale ahaan Kiristaanka ah, waayo waxa uu aaminsan yahay Ciise (CS) oo weliba in uu qofka Muslimka ahi Nebi Ciise rumeeyaa (CS) waa shardi ku xidhan dhamaystiranka iimaankiisa. Sidoo kale diintayada Islaamku waxa ay Ninka Muslimka ah faraysaa in xaaskiisa aan muslimadda ahayn uu u fududeeyo gudashada waajibaadka diiniga ah ee diinta ay aaminsan tahay. Xaq uguma yeelanayo in uu u diido in ay Kaniisadda tagto si ay ugu soo cibaadaysato. Waxa kale oo ninkii Muslimka ahaa ay diintayadu ka mamnuucaysaa in uu ihaano iyo xumaan gaadhsiiyo waxa ay diinta gabadhu u arkayso in uu muqaddas yahay, waayo isaguba waa uu aaminsan yahay. Sidaa awgeed kalgacalkii laga rabay in uu ninka iyo gabadha u dhexeeyaa waa uu jirayaa.

Marka gabadha muslimadda ahi ay nin aan muslim ahayn guursato xaalku sidaa waa uu ka duwan yahay. Waayo isagu ma aaminsan rasuulkayagii Muxammed SCW), diintiisuna ma’ amrayso in xaaskiisu haddii ay muslimad tahay uu u fududeeyo gudashada cibaadada Islaamka, iyo in uu ixtiraamo wixii muqaddas ay diinta Islaamku u aragto. Diinta islaamkuna wax xuquuq ah kuma laha diintan uu aaminsan yahay; sidaa awgeed gabadhii waxaa dhib ku ah ixtiraam la’aanta aanu ixtiraamayn diinteedii, iyo rasuulkii ay aaminsanayd ee Muxammed iyo wixii diinteeda xurmada ku lahaa oo uu isagu wax ka sheegayo, arrintaasina waxa ay meesha ka saaraysaa kalgacalkii looga baahnaa in lammaanaha uu u dhexeeyo, waana sababtaas ta uu islaamku u mamnuucayo in nin aan muslim ahayni uu guursado gabadh muslimad ah”

Sheekha Al-Azhar markii uu su’aashaas ka jawaabay ayaa uu su’aal carin ah dib ugu soo celiyey xildhibaannadii iyo dadkii kale ee gola fadhiyey, waxa aanu yidhi, “Haddii hadalkaygaas ay cidi igaga aragti duwan tahay, waxa aan jecelahay in aan maqlo” laakiin cidi kama ay hor iman.

Xigasho geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories