HomeXildhibaan Jamaal Cismaan oo ka dareen-celiyey Guusha uu ka gaadhay Doorashada Golaha...

Xildhibaan Jamaal Cismaan oo ka dareen-celiyey Guusha uu ka gaadhay Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ka mid ah murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku soo baxay Doorashada Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aaddan guusha uu ka gaadhay Doorashadii goleyaasah deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31-kii Bishii May 2021.

Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi ayaa ka soo dhex-baxay 17 murashax oo Xisbiga Kulmiye ugu loolamay Golaha Deegaanka Caasimadda, isla markaana ku soo baxay kaalinta 4aad ee murashaxiinta Xisbiga oo ku helay 6,605 Cod, taas oo ka dhigtay inuu noqdo murashaxa shanaad ee ugu codka badan Xildhibaannada ku soo baxay Golaha Deegaanka Hargeysa.

blankHaddaba, Xildhibaan Jamaal Cismaan oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu ugu horeyn farriin mahad-naq iyo hambalyo xambaarsan diray guud ahaan Shacabka Somaliland ee ka qayb-qaatay Doorashada, gaar ahaanna taageerayaashii codkooda siiyey.

Xildhibaan Jamaal Cismaan waxa uu shacabka degmada Hargeysa u ballan-qaaday inuu si caddaalad iyo sinnaan ugu shaqayn doono isla markaana uu ka midho-dhalin doono kalsoonida ay ugu codeeyeen.

“Waxa guulaystay guud ahaan shacabka somaliland, waxa guulaystay calankeena, waxa inoo qabstoontay doorsho aan hore loo arag oo si Caddaalad ah u dhacday. Waxa ay ahayd doorasho isku sidkan oo Culayskeeda leh, dhamaan gobalada somaliland oo dhana ka dhacday. Waxay ahayd doorasho kii guulaystay iyo kii aan guulaysanba ay ku wada qanceen. Alle SWT ayaa mahad oo dhan iska leh. Sidoo kale, madaxawaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo doorashadan dhaqalaheeda, amnigeeda iyo qabashadeeda ba lahaa wuu ku amaanan yahay,” ayuu yidhi Jamaal Cismaan.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan halkan uga mahad-naqayaa dhammaan tageerayaashaydii. Guusha taarikhiga ah ee aynu gaadhnay waa mid ku timid dadaalkiinii iyo tacabkiinii.

Waxan fulin doona ballan-qaadyadii aan ballan-qaaday wakhtigii aynu ololaha Doorashada ku jirnay Haddii Allah idmo.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi waxa uu farriin u diray murashaxiintii ka qayb-qaatay doorashada ee aan nasiibka u helin inay ku soo baxaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories