HomeXildhibaan Gavin Williamson oo Tallaabo Taariikhi ah ku tilmaamay Heshiiska Dhexmaray Somaliland...

Xildhibaan Gavin Williamson oo Tallaabo Taariikhi ah ku tilmaamay Heshiiska Dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, Baaqna u Diray Dowladda UK

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka dalka UK, ayaa soo dhaweeyey heshiiska is-faham ee ay shalay kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.

Xildhibaan Williamson oo ka mid ah Shaqsiyaadka ugu saamaynta badan siyaasadda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxa uu heshiiska labada dowladood ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiimad weyn ugu fadhida madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaanku wuxuu dowladdiisa UK ugu baaqay inay qaaddo kuna dhiirrato tallaabada Dowladda Ethiopia isla markaana hormuud ugu noqoto sidii ay Qaramada Midoobay laba waddan oo kala madax-bannaan ugu aqoonsan lahayd Somaliland iyo Somalia.

“Sida aad badankiinu ogtihiin, waxa aan muddo dheer danaynayey horumarka iyo barwaaqada Somaliland. Waxa aan si hagar la’aan ah ugu ololeeyey in aan arko Somaliland oo si rasmi ah loogu aqoonsaday waddan u madax-bannaan sida immika yahay.

“Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa tallaabada taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee Itoobiya ay ku noqotay dalkii ugu horreeyay Afrika ee Somaliland u aqoonsada waddan madax-bannaan. Waxaan doonayaa in aan arko UK oo qaadda tallaabo go’aan qaadasho leh oo ku Qasbaysa Qaramada Midoobay inay go’aan ka gaadho arrimaha la xidhiidha Somaliland iyo Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Williamson oo qoraal uu arrimahan kaga hadlayo ku faafiyey ciwaannadiisa baraha bulshada.

Xildhibaanka oo ka hadlayey tallaabooyinka xilligan la gudboon Dowladda Ingiriiska, waxa uu yidhi, “UK waa inuu hormuud ka noqdaa abuurista qaab-dhismeedka aqoonsiga Somaliland lagu gaadhsiinayo adduunka. Waxaynu u baahannahay in aynu aragno waxqabad iyo hoggaamin degdeg ah oo ka timaadda Raysal-wasaaraha UK Rishi Sunak, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Lord Cameron iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta si loo xaqiijiyo Qaranimada Somaliland”.

MP Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibbada Somaliland, waxa uu sheegay inaanay Somaliland Dowladda Ingiriiska ka helin waxtarkii ay ka mudnayd, balse xilligan la gaadhay “wakhtigii aynu si geesinnimo iyo go’aan leh uga hawl-gali lahayn”.

“Aynu hormood ka noqono arrimaha caalamka oo aynu gacan ka gaysanno sidii ay Somaliland madax-banaanideeda uga midho dhalin lahayd,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Gavin Williamson.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal ku shaqo ku jooga dalka Ethiopia, ayaa shalay heshiis is-afgarad la saxeexday Ra’iisal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed.

Heshiiska ayaa dalka Ethiopia u oggolaanaya inay hesho saldhig ay ka hawl-galaan Ciidamadeeda Badda, waxaanay taas beddelkeeda Somaliland helaysaa inay Ethiopia noqoto dalkii ugu horreeyey ee waddan madax-bannaan u aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi oo faahfaahin ka bixiyey heshiiska dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories