HomeXildhibaan Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kana tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo...

Xildhibaan Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kana tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, ayaa fiidnnimadii caawa toogasho ku dilay xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Selal.

 

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cismaan Cilmi Boqorre, ayaa la sheegay in lagu dilay meel u dhow gurihiisa oo ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, sida aanu ka soo xigannay warbaahinta magaalada Muqdisho.

xildhibaanka la dilay Cismaan Cilmi Boqorre

Wararku waxa ay intaas ku dareen in Dableyda weerarka fulisay oo watay gaadhi, kuna hubaysnaa Baaskoolado, ay isla markiiba ka baxsadeen goobta dilku ka dhacay.

 

Marxuum Cismaan Cilmi ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaanu Baarlamaanka Soomaaliya ku soo jiray ilaa wakhtigii dowladii Cabdilaahi Yuusuf ee lagu soo dhisay magaalada Nairobi.

 

Marxuum Cismaan Cilmi oo lagu tilmaamay inuu ahaa mudanaha ugu da’da weyn Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa hore u soo qabtay xilka guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee dalkaas.

 

Waxaanu marxuumka ka tirsanaa Xildhibaannada ugu jira Golaha Baarlamaanka saami-qaybsiga magac-u-yaalka ah ee baarlamaanka Soomaaliya looga qoondeeyey Wixii laysku odhan jiray Gobollada Woqooyi ee dalweynihii Burburay ee Jamhuuriyadda Somalia ka hor intii aanay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqon Madax-bannaanideeda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories