HomeXildhibaan Dhakool oo ka Waramay Weerarkii Gurigiisa Laascaanood iyo Cidda uu u...

Xildhibaan Dhakool oo ka Waramay Weerarkii Gurigiisa Laascaanood iyo Cidda uu u Aannaynayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadlay weerar habeenimadii Salaasada lagu qaaday gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo uu sheegay in 16 qof oo isugu jira caruur uu dhalay iyo xubno qaraabadiisa ahi aannay waxba ku noqon rasaas badan oo guriga lagu riday.

 

 

Xildhibaanka ayaa ugu horayn sheegay in ka hor weerarka looga soo hanjabay telefoonka  “Anigu waxaan joogay magaalada Laascaanood, markaa dhawrkii maalmood ee aan joogay waxaa la iiga soo hanjabayay Mobile-ka, laba nin ayaa ii soo hanjabayay oo igu lahaa maad ka baxdid waxan aad ku jirto. Ma waxaad doonaysaa in aad garaad Samayayso, ma Raage Garaad Cabdiqani ayaad doonaysaa in aad dalka keento oo aad garaad ka dhigto, arrimahaas maad ka baxdid,” ayuu yidhi Mudane Dhakool oo wargeyska Dawan la hadlay.

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ragga u soo hanjabay magacyadooda gartay  “Raggaas Mobiladooda iyo Zaadkooda ayaan eegay, labadii ninba waan gartay, markaa arrintaas waxba kamaan soo qaadin oo waxaan is lahaa waa iska hadal iyo toro-rog. Ninkaa Hargeysa imaanayaana waa nin la yidhaahdo Raage oo ina garaad Cabdiqani ah, mar hore ayuu yimi Hargeysa, haddana wuu imanayaa cid abaan uga noqonaysaana ma jirto,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xilli uu ka soo maqnaa gurigiisa la wareeray  “Dorraad galab ayaan ka soo baxay magaalada Laascaanood, habeenimadii ayaa gurigaygii la weeraray oo ay caruurtaydii joogto, 16 qof oo isugu jiray waxaan dhalay iyo waxaanu ehel nahay oo halkaas jooga ayaa la weeraray habeenimadii, rasaas  badan ayaa lagu riday. Booliska ayaan u sheegay cidda aan tuhunsan nahay, raggii arrinta lagu tuhunsanaa ayaa la soo qabtay, baadhistiina waa ay socotaa.”

 

 

Geesta kale wuxuu ku dooday in siyaasiyiin Hargeysa joogtaa maalgalinaysay ragga weerarka gaystay  “Rag kale oo siyaasiyiin ah oo Hargeysa joogaanna arrinkaa lug ayay ku leeyihiin oo in ay lacag direena waan hayaa, oo ay lacag u direen raga weeraray gurigayga, oo ay iyagu dusha ka maamulayeen oo raggaas Hargeysa joogaa ay muraaradilaac ka yihiin in uu dalka yimaado Raage Garaad Cabdiqani, ragaas oo aan raali ka ahayn in uu dalka yimaado qof Dhulbahante ah oo magac leh ama aqoon u leh arrimaha dhaqanka iyo arrimaha nabadgelyada.”

 

 

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool waxa uu eedayn u jeediyay Wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada barriga Somaliland, kaas oo uu ku eedeeyay in uu lug ku leeyahay arrintan, waxaanu yidhi “Wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada bariga ayaa arrinkaas ka hadlay dhawr goor oo yidhi xildhibaan Dhakool wuxuu keenayaa Raage garaad Cabdiqani oo uu doonayaa in uu garaad ka dhigo, ninkaas ayaa ka cabanayaa imaanshiyaha Raage garaad Cabdiqani.”

 

 

Mudane Dhakool waxa kale oo uu sheegay in ILLAAHAY weerarkaasi ka badbaadiyay caruurtiisa iyo dadkii kale ee ku sugnaa gurigiisa  la weeraray waxaanu yidhi “ILLAAHAY baa dadkaasi badbaadiye , dadkaasi in la laayo ayaa loogu tallo-galay balse ILLAAHAY ayaa badbaadiyay.”

 

Source-Dawan

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories