HomeXildhibaan Cali-Barre Oo Cambaareeyey Jidh Dil La Sheegay In Aqalka Madaxtooyada Loogu...

Xildhibaan Cali-Barre Oo Cambaareeyey Jidh Dil La Sheegay In Aqalka Madaxtooyada Loogu Geystey Mudane Xasan Cawaale Caynaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo katirsan Aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul u cambaareeyey dhaawacyo iyo jidh-dil la sheegay inay ciidanka madaxtooyadu u geysteen Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isla golaha wakiillada katirsan.
Xildhibaanka oo Xalay Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyksa Hubaal, ayaa sheegay in xildhibaanka Madaxtooyada lagu weeraray u waxyeello aad ah qabo, waxana uu cambaarayn dusha ka saaray dhacdada lagu dhaawacay xildhibaanka,“waxan si aad iyo aad ah u cambaaranaynaa tallaabada taliyaha ciidanka madaxtooyada iyo ciidamadiisu u garaaceen xildhibaan xasan cawaale Caynaan, sida uu xildhibaanku noo sheegayna taliyaha ayaa ugu horreeyey wax gacanta saara, ilaa labaatan askarina way ku gadoodeen oo dhulka ugu tuuray, wasiirka arrikaha Guduhuna goobtuu joogay oo raggii ka qabtay buu kamid ahaa.” Ayuu yidhi Xildh. Cali-barre. Xildhibaan Cali-barre waxa uu sheegay inay ciidamada amaanku caado ka dhigteen waxyeellaynta Mudanayaasha Wakiillada, isagoo intaas ku daray in qaar hore oo dhibaatooyin geystayba aan waxba laga qabinin, waxana uu yidhi, “Ciidanka Booliska iyo ciidanka Madaxtooyadu inay xildhibaanada Gacan saaraan maanta ugu may horrayne dhacdooyin hore oo badan baa jirey wax laga qabtayna ma jirto, xildhibaankuna xasaanad buu leeyahay oo waa astaantii qaranka, wax laga qabtayna ma jirto. Askarigu waxa uu samaynayana madaxdiisuu ka ogyahay hadday tahay wasiirro iyo taliya-yaalba waxanu aaminsanahay inay askarta ku ogyihiin falalka ay samaynayaan.” Waxa uu xildhibaanku wax laga xumaado ku tilmaamay in dhacdadaasi ka dhacdo madaxtooyadii dalka looga talinayey, waxana uu intaas ku daray inay astaan u tahay xukuumad cimrigeedu gabaabsi yahay, “Waxanu ka xunnahay inay arrintaasi madaxtooyadii ka dhacdo, xukuumad la dagaallamaysa Xeer-dejintiina astaamaheeda waa la yaqaannaa oo inay khaatumo darro ku damayso ayey astaan u tahay.”ayuu yidhi Xildh. Cali-barre. Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku sheegay inay gole ahaan tallaabo adag qaadi doonaan, waxana uu farriin u diray madaxweynaha somaliland, waxana uu yidhi, “Goluhu markuu furmo tallaabo sharci ah baanu ka qaadaynaa, Madaxweynahana waxanu usoo jeedinaynaa arrinkaas haddaanad wax ka qaban cawaaqib xumo ayuu ku dambaynayaa, dib dambena ugu dul qaadanmayno haddaanu nahay Xildhibaanada Golaha Wakiillada.”
Source: Hubaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories