HomeXildhibaan Bukhaari Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Difaacay

Xildhibaan Bukhaari Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Difaacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Xoghayaha Arrimaha dibadda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo eedaymo uu u soo jeediyay xukuumadda.Bukhaari

Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramayDAWAN, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Waddani xidhiidh la leeyahay dawlada Xamar ee dalka Somalia, isla markaana uu doonayo in faro-gelin dibadeed lagu sameeyo Somaliland.isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrintaa uu

yidhi xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga WADDANI xoog ha la nagu soo dhex-galo aniga iyo bulshadda Somaliland, waxay u arkaysaa in xisbiga WADDANI ay tahay ujeedadiisu in Somaliland ugu yeedho gacmo shisheeye oo sida Xamar oo kale dusha laynaga qabsado. horena waan u sheegay fikirka Waddani waxa uu u eeg yahay shaqada Xamar ka socota, waanay wada socdaan”.
“Markaa waxaan u sheegaynaa mucaaridka in aanay Somaliland ku iman farogalin shisheeye, umana baahnaanin, una baahnaan doonin. Ninka doonayaa in shisheeye yimaado dalka, halkaa shisheeyuhu joogo ha ugu tago, halkaas ayuu rabaaye ayaan leeyaay. Somaliland, iyadaa isku tashatay waxa ay ku badbaadayna waa farogalin la’aanta markaa waxa arrintaa u arkaa in xisbiga Waddani dhaawc u keenayso waxaana ay moodayaan waxa ay qabaan in dadku wada qabo qolada muaaradku oo ah in Xamar aynu u eekaano” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.
Sidoo kale Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, waxa uu intaasi ku daray in aan qaranimadda Somaliland looga baaqan xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo. isagoo xusay in warka la sheegay in shebadda Waikiki’s in ay baahisay uu yahay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana uu warkaasi yahay mid been abuur ah.
Waxaanu yidhi “Waxa aan leeyahay looga baaqi maayo Somaliland hogaamiyaheeda iyo ragga la shaqaynaya, in ay shisheeye heshiis la galaan oo dhabar furan go’aankii Somaliland ku goosatay, looga baqi maayo. Arrintaasina ma aha mid jirta, oo sal iyo raad toona ma leh. Waikiki’s waa la baadhay kamay soo bixin wax jirana ma aha.
Waa arrin been abuur ah, dadka Somaliland neceb ayaa sameeyay markaa waxa ayaan dara wixii dadka Somaliland necebi ay sameeyeen in hogaamiyayaasha xisbiyaddu hor ordain iyagoon dadka tusin wax muuqda oo lagu qancin oo warkii suuqa raacaan iyaga ayay ceeb ku tahay.
Dhinaca kale xildhibaan Saleebaan Cawad Cali, waxa kale oo uu sheegay in xisbiyadda mucaaradku wax taageero ah ku haysan umadda isla markaana ay ku milmeen kooxda sharci darrada ah madasha. waxaanu tilmaamay in xisbiga KULMIYE uu yahay ka ugu taageeradda badan dalka uguna taariikhda weyn.
“Xisbyadda mucaaridka ah waxa aan leeyahay sidii Kulmiye markii uu mucaaridka ahaa haddii ay xisbiyo yihiin yaanay madal iyo wax aan sharci ahayn dhex fadhiisan oo aanay ku gaban ee banaanka ha u soo baxaan taasina waxa ay muujinaysaa tageeradda aanay ka haysan shacbiga. xisbiga Kulmiye waa ka ugu balaadhan ee ugu taageerada badan ugu taariikhda weyn hogaamiyihiisuna waa Mensal Mandelaha Somaliland” ayuu yidhi xildhibaanku.

Source: DAWAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories