HomeXildhibaan Axmed Ku-Caddeeye oo Eedaymo u jeediyey Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda

Xildhibaan Axmed Ku-Caddeeye oo Eedaymo u jeediyey Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Dayib Ku-caddeeye, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay eedaymaha ay  siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka iyo xukuumaddu isugu jeedinayaan qorshaha ku saabsan masuuliyadda dhismaha Suuqa Waaheen iyo gurmadka loo fidinayo ganacsatada xoolahaoodu ku gubteen.

Xildhibaan ku-caddeeye waxa uu sheegay in hab-dhaqanka siyaasiyiinta arrintan ka hadlayaa ay caqabad iyo hagar-daamo noqonayaan gurmadka iyo taakuleynta loogu jiro Ganacsada ku caydhoobay suuqa Waaaheen, waxaanu soo jeediyey in meesha laga saaro ka-hadalka iyo aragtiyaha iska soo horjeeda ee laga bixinayo qorshaha dhismaha suuqa Waaheen.

Sheekh Axmed Dayib oo arrimahan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, waxaanu ku yidhi:- “MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA!

Samato-bixinta dadka tabaalaysan iyo dib udhiska Suuqa Waaheen iyamaa horreeya?!

Waxaan aad uga xumahay eedaymaha iyo jawaabaha ay warbaahinta isu marinayaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbigayga WADDANI, taas oo xagal daacin, turaanturro, caqabad, hagardaamo, niyad-jabin iyo gaagixinba ku ah dadaalka, gurmadka iyo taakulaynta ay ugu jiraan bulshada Somaliland, ta Soomaaliyeed iyo bulshada Muslimka ahba aafadii ka dhalatey dabkii ku habsaday Suuqa Waaheen, 01-04-2022.

Sidaa daraadeed, waxaan leeyahay cidkasta oo ku lugleh ka hadalka dib u dhiska Suuqa Waaheen wey kaa hoostee fikirkaaga iyo taladaadaba la sug amminta iyo goorta la soo gaadho dib-u-dhiska Suuqa, hana carqaladayn gurmadka loogu jiro sabata bixinta dadkii ku caydhoobay ama ay saameysay musiibadii Waaheen oo isugu jira:

1- Dadkii maxaysatada ahaa sida hooyooyinkii muuska, tamaandhada, hilibka, iwm masaariifta kala soo bixi jiray.

2- Dadkii shaqaalaha iyo muruqmaalka ahaa.

3- Dadkii kala duwanaa ee hantidoodii ku waayay dabkaasi.

Waxa aan cod dheer ku sheegayaa cidda maanta ka hadlaysa dib-u-dhiska lagu samayn doono mustaqbalka Suuqa Waaheen in ay tahay cid aan u damqanayn dadka tabaalaysan ee gurmadka degdegga ah u baahan, isla markaana ka carqaladaynaysa gurmadka taakuleynta ah ee gudo iyo dibadba loogu jiro in lagu sabata bixiyo dadkaas tabaalaysan oo ka horreeya dhismaha Suuqaas.

Ugu dambayn, waxaan leeyahay dadkeyga tabaalaysan maanta maaha maalin siyaasadeed ee waa maalintii loo midoobi lahaa gurmadkiina iyo qaadhaan ururinta samatabixintiinna.

NINKA KAA DULGUURIYO

DADKA KII WAX KUGU TARA

MARKEY DANI KU HAYSAAD

DADKA KALA OGAATAA.

اللهم أجرنا في مصيبتنا وأخلف لنا خيرا منها

ALLAA MAHAD LEH

XILDHIBAAN SH. AXMED DAYIB KUCADDEEYE oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories