HomeXilalka ay daruuri tahay in Goleyaashu Ansixiyaan:

Xilalka ay daruuri tahay in Goleyaashu Ansixiyaan:

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(By) Abdihakim Yusuf Kheire (B.A, M.A) President, Institute of Democracy & Governance, Berbera, Somaliland. abdihakim_365@hotmail.com

blank
Prof. Abdihakim Yusuf Kheire

Isbedellada deg-degga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku fuliyey mudadii koobnayd ee uu xilka hayey xilal xasaasi ah oo cayiman oo qaar distoori yihiin sida; Xisaabiyaha Guud, Taliyaha Ciidanka Boliiska, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Gudoomiyayaasha  Gobollada dalka. Kuwa aan distooriga ahayn sida; Taliyaha Laanta Sirdoonka & Maareeyaha Dekeda Berbera waxay daliil u yihiin in xulashadoodii hore aanay hufnayn. Hadii ay waajib distoori/sharciyana ahaan lahayd in xilalkan laga ansixiyo Golaha Wakiilada (GW) Madaxweynuhu wuxuu magacaabi lahaa saraakiil xilka gudan kara oo u qalma in GW ansixiyaan xil ka qaadistoodana kumuu deg-degeen. Ansixinta saraakiisha qaranku waa shaandho distoori ah oo isku dheeli tirta labada awoodood ee distooriyan ku hirdama siyaasada dalka: fulinta & xeer-dejinta. Baarlamaankana (Wakiilada & Guurtida) fursad u siisa hagista siyaasada Madaxweynaha.

Fikriyan isbedeladan waxaa sabab u ah awooda Madaxweyne ee distooriga ah oo baaxad balaadhan una baahan in sharciyan la xakameeyo. Sababtoo ah intii dawladani jirtay Madaxweynuhu  xilka wali kama qaadin saraakiisha hayadaha gaarka ah ee distooriga ah sida: Xeer Ilaaliyaha Guud; Hanti Dhowraha Guud, Guddoomiyaha Baan-dhexe & Guddoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawladda (Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland: Hay’adaha Gaarka ah; Qodobka; 113).

Xilalka xasaasiga ah ee Madaxweynuhu deg-dega ku beddely:

No. Xilka Tirada Jeer

la beddelay

Waaxda

(Cluster)

Qodobka

Distoorka

1 Xisaaabiyaha Guud 1 Dhaqaalaha 90
2 Taliyaha Laanta Sirdoonka 2 Nabadgelyada

3 Taliyaha Ciidanka Boliiska 1 Nabadgelyada 90 & 124
4 Taliyaha Ciidanka Qaranka 2 Nabadgelyada 90 & 123
5 Maareeyaha Dekeda Berbera 1 Dhaqaalaha  
6 Gudoomiyayaasha Gobollada 3 Siyaasada 111

Hadaba sidee baa arintan xasaasiga ah loo sixi karaa? Akhriste u fiirso sadex ka mid ah lixda xil ee Madaxweynuhu  bedelay waa saraakiisha nabadgelyada: Taliyaha Laanta Sirdoonka, Taliyaha Ciidanka Qaran oo min laba jeer si deg-deg ah loo bedelay &  Taliyaha Ciidanka Boliiska oo taliyihii hore dib loo soo celiyey! Siyaasiyan arrintani waa halis waxaanay daliil u tahay xukuumad aan lahayn istiraatajiyad nabadgelyo & difaac qaran oo hufan. Macnawiyan cadawga Somaliland wuxuu ku soo dhiiranayaa faro-gelinta Somaliland; saxiibada Somalilandna kalsoonida ay xukuumada u hayaan hoos bay u dhacaysaa marka Madaxweynuhu lixdii biloodba mar bedelo Taliyaha Laanta  Sirdooonka ama xilka ka qaado Taliyaha Ciidanka Qaranka! Xidhiidhka Sirdoonka & Gaashaandhigu wuxuu ku salaysan yahay kalsooni & wada shaqayn joogto ah oo dhex mara Saraakiisha Somaliland & Saraakiisha dalalka danuhu inaga dhaxeeyaan sida Ethiopia, Britain, Israel & U.S.A

Golaha Badbaadada Qaranka GBQ: National Security Council. Golahan oo Madaxweynuhu Guddomiye u yahay kana mid-yihiin -Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirada Khaarajiga, Difaaca, Arrimaha Gudaha; Taliyayaasha Ciidama Qaranka, Boliiska & Laanta Sirdoonka. Labada Shir-Guddoon ee Wakiilada & Guurtida & Labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mucaarid. Golahani wuxuu hagi lahaa siyaasada difaaca & nabadgelyda ee dalka wuxuuna ansixin lahaa saraakiisha  sirdoonka, difaaca & nabadgelyada. GBQ wuxuu dejin lahaa siyaasada badbaadada qaranka ee manta baylahsan. Axsaabta Mucaaridka ahna wuxuu siin lahaa fursad ay ka qayb-qaataan dejinta istaraatajiyada badbaada dalka.

Guddoomiyayaasha Gobollada: Distooriyan saraakiishan waxaa magacawda Wasaarada Arrimah Gudaha waxayn gobollada uga wakiil yihiin dawladda dhexe. Xukuumadani way ku nasiib daran tahay saraakiisha ay xilalkan humiimka ah u magacawdo. Tusaale (1) Awdal Badhasaabkii hore todobaad ka dib marku xilka la wareegay buu dhoofay dibna dalka uguma soo noqon. (2) Gebiley: badhasaabkii sadexaad bay maraysaa intii xukuumadu jirta. Miyaan ku talax-tegay? Maxaa talo ah? Madaxweynuhu gobollada haw magacaabo Badhasaabo aan u dhalan. Xilka Badhasaabka Gobolladana ha lagu daro xilalka sharciyan ay waajib tahay in Madaxweynuhu Magacaabo Goleyaashuna Ansaxiyaan (Qodobka 90: sh).

Guul & Gobanimo

Las Soco:

…….Nidaamka Xakamaynta Xisaabaadka & Miisaaniyada Qaranka

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories