HomeXil wayn hala iska saaro taariikhda Somaliland sidii loogu soo gudbin lahaa...

Xil wayn hala iska saaro taariikhda Somaliland sidii loogu soo gudbin lahaa jiilalka cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[stextbox id=”black”]Maxamed Maxamuud Buureed[/stextbox]

Tan iyo intii ka danbaysay markii Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda laguna guulaystay halgankii dib u xoraynta waddanka ee SNM, wax kastana dib seeska looga soo bilaabay ayaynu ku guulaysanay aakhirkii inaynu haykalka dawladnimada  gaadhsiino  nidaamka doorashooyinka axsaabta badan ee qofku wax dooran karo lana dooran karo.

Arrimahaas ka sakow ayaan la helin in si rasmi ah loo qoro sooyaalkii taariikhda kala duwan ee Somaliland iyo taariikhda halgankii dalka dib loogu xoreeyay ee SNM, hadaba xisbiga talada haya ee kulmiye ayay balanqaadyadiisii ka mid ahay sidii rasmi loogu qori lahaa taariikhda waddanka iyo tii SNM-ba, waxana looga fadhiyaa sidii uu arintaasi ugaga dhabayn lahaa.

Waxa looga baahanyahay inay geestooda iyaguna ku dhiiri galiyaan mujaahidiinta nooli arintaas isla markaana ay u midoobaan, waxana loo baahanyahay in la diwaan galiyo mujaahidiintii (mid dhintay iyo mid noolba), aasaasayaashii, madaxdii, saraakiil, aqoonyahan iyo ciidanba si taariikh looga reebo.

Waxana tani haddii ay inoo hirgasho ay inoo noqonaysaa faa’iido wayn gaar ahaan jiilka soo koraya oo ogaanaya wixii loo soo maray waddankooda, waana in waxmagaratada iyo inta ku baraarugtay nimcadan Somaliland la dareensiiyo oo loo sheego inay geesiyaal u god galeen, isla markaana aynu bulsho ahaan u aqoonsanno guushii rabbi SWT ku guuleeyay  ee keentay xoriyadda lagu naaloonaayo maanta.

Waxa jirta in dawladdii hore ee Daahir Riyaale geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay hoos u dhigga iyo qarinta wax kasta oo la xidhiidha SNM, Tusaale: manhajkii ka horeeyay kan imika la dhigto ee dugsiga dhexe maadadii Taariikh-da ee fasalka 8aad oo ay ku jireen cutubyo ka hadlaya sidii lagu hantay ee lagula soo noqday dawladnimadan Somaliland iyo halgankii horseedka ka ahaa, way badashay manhajkaa waxanay ku badashay mid hay’adaha Qaramada Midoobay inaga iyo Soomaaliya inoogu wada sameeyeen Nairobi, kaas oo aan ka turjumayn baahideenna.

Markii dawladdii hore burburisay islamarkaana baabiisay manhajkii lagu dhiganayay dugsiga dhexe ee ka turjumayay baahideena, taariikhda iyo xaqaa’iqa dalka waxa barbar socotay dagaal hoose oo ay ku qaadeen maalmihii Somaliland laga xusi jiray ee huwanaa xusuusta halgankii dalka dib loogu xoreeyay sida:

20 February=xuska dhagaxtuurkii ardayda 1982kii

6 April=aasaaskii ururka SNM 1981kii

27 May=gudagalkii burco 1988kii

31 May =guda galkii SNM ee Hargeysa 1988kii

17 October=xuska shuhadada SNM 1984kii

Waxana ay ku badashay inay xusto maalmo ajanabi oo ay si wayn ugu ololeeyaan hay’adaha Qaramada Midoobay socodsiindoota sida:maalinta AIDS-ka, Gudniinka, Farxalka, Saboolnimada, Qaxoontiga, Miyuusigga iyo kuwo kale oo aan dhaamin oo lamida.

Hadaba waa inaan lasii haysan wadadii dawladdii hore waana in xusaskooda la wayneeyo oo la qadariyo maalmihii halganka tixgalina loogu daro fasaxyada {Public Holidays} sida 6 April.

Waa inaan la ilaawin marwalba iyo meel walba tixgalinta iyi maamuuska SNM jaraa’idka , TV-yada iyo idaacaddana laga siiyo mawduucyo gaar ah oo ku suntan dib u xorayntii waddanka, waana muhiim in la wayneeyo taariikhdan waayo maxaa loo halgamayay?.

Waxa jirta in rag badan oo u dhashay dalkaasi aynu dariska nahay ee soomaaliya buugaagta ay daabacaan ay si qaawan ugu weeraraan, ka been sheegaan, hoosna ugu dhigaan taariikhdeena iyo qaranimada Somaliland sida ninka la yidhaahdo Cabdiqaadir Oromo, iyadoo kii ugu danbeeyayna uu dhawaan soo saaray Cabdilaahi Yuusuf oo ah madaxwaynihii hore ee soomaaliya.

Waxa hadaba ayaan darro ah wax laga xumaadana ah in bugaagtaasi lagaga ganacsado waddankeena laguna iibiyo suuqyadeena iyadoo dad muwaadiniin ahi ay dhaqaale ka raadiyaan.

Hadaba In ree soomaaliya buugaag daabacaan waa gar inay Somaliland ku aflagaadeeyaana waa gardarro haday dhacdo in laga jawaab celin waayaana waa galabsigeen.

Hadaba si taariikhdeenaa ay ka been sheegayaan dadkaasi  aynu meesha uga saarno waa in aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Somaliland ummaddooda u soo gudbiyaan xogta ay hayaan ee dhabta ah, ganacsatada dalkuna ka caawiyaan kharashka daabacaadda dhinaca Buugaagta.

waxa aan halkan mahadnaq wayn ugasoo jeedinayaa qoraaga ree somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale ‘’Boobe’’oo si hagar la’aan ah uga haqab tiray bulshadiisa usoo gudbinta taariikhda xaqiiqda ku dhisan ee dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadyawga caalamka ku nooli waxay isku dhaafeen oo ay ku kala horumareen hadba siday jiilkooda cusub ay u baraan diintooda iyo taariikhdooda dhaxal galka ah.

Ugu danbayntii waxaan maqaalkaygan ku gunaanadayaa tuducyo uu abwaan Ibraahim Sheekh Saleebaan Gadhle inoogu tilmaamayay siday qiimaha ay u leedahay una tahay muhiimka taariikhdu waxanu yidhi:

Waxaad shalayto mudatiyo   ♦♦      mahadhada xusuusnow

Halkii qorigu kaa muday        ♦♦       mar labaad lugtaadiyo

Cagtu yaanay kula marin       ♦♦       maantiyo dantaadiyo

Yaan mililku kaa lumin          ♦♦        maalmaha danbeeyiyo

                           Wixii maqanna faallee

Maxamed Maxamuud Buureed

smbuureed@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories