HomeXil-ka qaadistii Wasiir Xoog dadweynaha miyey soo dhaweeyeen mise way ka yaabisay?...

Xil-ka qaadistii Wasiir Xoog dadweynaha miyey soo dhaweeyeen mise way ka yaabisay? – W/Q: Adan Yusuf

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

wasiirka caafimaadkaSida uu Qodobka 94aad dhigaayo wasiirku waxa uu Madaxweynaha ka kaalmeeyaa fulinta xilkiisa , isla markaana ay dhamaantood(wasiiradu) iyaga oo wadajir u go’aamiyaan. siyaasadda  guud qorshayaasha iyo …

Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa xilkii looga qaaday wasiiro uu ku jiro wasiirkii Caafimaadka ee horeDr, Hussain Muxumed Mah’ed (Xoog), Isla-markaana xilka-qaadista ayaa ah mid sideedaba iska caadiya in qofka xilka laga qaadi karo , loona magacaabi karo mid kale, waayo xilku waa meerto , Sida uu Qodobka 94aad dhigaayo wasiirku waxa uu Madaxweynaha ka kaalmeeyaa fulinta xilkiisa , isla markaana ay dhamaantood (wasiiradu), iyaga oo wadajir ah,  u go’aamiyaan siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Dawladda.

Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxaa magacaabi kara ama xilka ka qaadi kara madaxweynaha,  wuxuuna magacaabidda ka dib hor-dhigayaa Golaha Wakiilada oo ay fadhigooda joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan taag ah.
ka dib Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.
28July2010 ayey ahayd markii loo magaacabay wasaarada Caafimaadka Dr, Xuseen Xoog xilkaasi ayey dadweynaha S/land aad u soo dhaweeyeen una arkayeen wasiir aqoon u leh cilmiga iyo hawlaha caafimaadka S/land.,Wasaarada caafimaadka ayaa iyadu mudo ku sinayd 11sano hore  aan nasiib u yeelan, inuu hogaamiyo masuul aqoon u lihi,wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr xuseen xoog ayaa isagu ku takhasusay daweynta cudurada guud , gaar ahaana wadnaha ,muddo dheerna waxuu ku hawlanaa daweyntaa , isagoo xarun ku lahaa dhinaca koonfurta magaalada Hargeysa .

Nuxurka Qoraalkayga ayaa ah xilka-qaadista wasiirada sida goonida ah , falaqeynta loogu lafo-guray

isla-markaana lagu raajiyey hadalheynta aragtida laga qabo xilka-qaadistooda, inkastoo aanay ahayn, wax ku cusub masraxa siyaasada ,xilkuna iska yahayba meerto,hadba cidda loo magacaabayo, hadana wasiirada sida aadka laysu weydiiyey ee ku fiicnaa mudadii ay xilka hayeen shaqadooda waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore wasaarada Caafimaadka Dr, Xuseen Maxamud (Xoog).

Wasiirkii hore caafimaadka ayaa isagu kor u qaaday adeegyadii caafimaadka oo waqtigaasi aad u hoseeyey ,dibna u soo nooleeyey, , waxaa aad isugu dayey intii karaankiisa ahayd , inuu kor u qaado tayeynta cisbitaalada guud ee dalka , iyadoo midkasta Haayad samafal oo gaara lagu wareejiyey , si iyada loogala xisaabtamo .

Cisbitaalada guud  qaar ka midda ayaa waqtigaasi markii xilka uu qabtay aad looga deyrinayey , waxaanay qarkaba u saarnayeen inay xidhmaan , Waxaa kaloo uu aad ugu dadaalay  xaqiijinta  dadka ka ganacsada cilmiga caafimaadka , ilaalinta iyo ruqsad siinta goobaha adeega caafimaadka bixiya iyo weliba sidii loo baadhi-lahaa dawooyinka dalka ku soo qulqulaaya ,si khatarahooda loo baajiyo, Isla-markaana loo dhowro caafimaadka guud ee dadweynaha S/land.

Hadaba Wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Xoog ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku daray Liiska wasiiradda Xilka laga qaaday, oo waxa uu wasaaradiisii u magacaabay wasiir kale, Isku shaandhayntaas ayaa ahayd tii ugu weynayd ee dhacda intii uu Madaxweyne Siilanyo xilka hayay ,  iyadoo Isku-shaandhayntani ahayd mid aad loo hadal hayay tallow imisa ayay jiidhi???

Hadaba waxaan leenahay Wasiirkii Caafimaadka ee hore wax badan ayuu ka qabtay dhinaca arimaha caafimaadka mudadaasi uu xilka hayey iyo weliba Shaqo aad wanaagsan marka halbeega la saarayo  dhinaca caafimaadka oo aad u hooseeyey, Isla-markaana Dr, Husein Xoog waxuu ahaa  muwaadin u qalmayey, hawshii uu umadda u hayey ee madaxweynuhu u cuktay, waxuu dalka keenay dhakhtaro fara-badan oo isagoo la kashanaaya jaaliyadaha debada , kuwaasi oo ka fuliyey dalka hawlo badan oo caafimaad , gaar ahaan Qaliinlo kala duwan oo dhinaca indhaha ahaa.

Isku soo wada duuboo waxqabadkii muuqday wasiir Xoog , waa mid ku suntan markabka soyaalka taariikheed ee S/land , gaar ahaana dhinaca caafimaadka  , isagoo mudadii uu xilka hayey aad loo hadal-hayn-jirey waxqabadkiisa , waxuuna ahaa masuul ku suntan inuu u heelanyahay horumar iyo inuu daacadnimo ugu adeego umaddiisa , waxayna ka muuqataa waxqabadka muuqda ee uu ka tegay, mudadii uu xilka hayey.

  Ugu danbeyn Waxuu ahaa wasiir dhinaca shaqadiisa aqoon fiican u lahaa gaar ahaana Shaqada Wasaaradaasi islamarkaana, markiiba ka jawaabi jirey goorkasta cabasho kasta oo ka soo yeedha maamulada Degmooyinka iyo Gobolada Dalka dhinaca imkaaniyaadka  iyo  Adeega Baahiyaha Caafimaadka ee ka jira, taas oo mudadii uu joogay uu Wasiir Xoog cagihiisa ku tagi jirey Goob kasta oo Caafimaadka ah oo laga Soo qeyliyo , Waxuuna ka mid ahaa Wasiirada ku eeg shaqadooda oo keliya, ee aan arimaha kale ku jirin, haddii aan si kale u dhignana, kuwa ugu dedaalka badnaa.

Waxaa lagu bedelay Wasiirka cusub Md, Saleebaan Xaglo Toosiye oo ahaa wasiirkii hore Wasaaradda dibu-dejinta ,isla-markaana ay hortaalo gudashada waajib-adag iyo weliba shaqo aad u baaxad badan , Wasiirka cusubi ma noqon-doonaa masuul si weyn uga soo baxa , hawshaasi balaadhan ee wasiirkii ka horeeyey soo waday???  Waxba ku dheeraan-mayno wasiirka cusub, lakiin Taariikhda ayaan u deyn-doonaa.

 

By, Adan Yusuf Elmi

B,ham/UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories