HomeXiisaha Qiso-Jacayl ah oo Xiisad-dibloomaasiyadeed ka dhex Abuurtay Laba Waddan oo Dhaqamada...

Xiisaha Qiso-Jacayl ah oo Xiisad-dibloomaasiyadeed ka dhex Abuurtay Laba Waddan oo Dhaqamada iyo Caadooyinka Bulshooyinkoodu Xaynaab-siyaasadeed kala Dhex-dhigeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sanca (SLpost)- Gabadh Dhalinyaro ah oo u dhalatay Dalka Sucuudiga, ayaa maalintii Axadda ee todobaadkii hore Maxkamad ku taala dalka Yemen ka dalbatay in loo ogolaado joogitaanka Dalkaas iyo inay la mataanowdo Jacaylkeeda, ka dib markii xabsiga loogu taxaabay inay sifo Sharci-darro ku soo gashay dalka Yemen, iyada oo iska dhega-marisay u hoggaansanaanta Caadooyin iyo Xeerar-dhaqan oo u dhexeeya Labadan waddan (Sucuudiga iyo Yemen) oo ay adagtahay inay shacbigoodu si fudud isugu tallaabaan.

Huda Al-Niran oo da’deedu tahay 22-jir Jacayl darteed u jabisay xeerkii qoyskeeda iyo dalkeeda u jabisay, ayaa xuduudka labada waddan wadaagaan uga soo talowday inay la midowdo, xaaskiisana ay noqoto wiil 25-jir ah oo lagu magacaabo Arafat Mohammed Tahar oo ku nool caasimadda dalka Yemen ee Sanca. Balse nasiib-darro waxa isla markiiba gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka oo ka war-helay inay tahay muwaadinad u dhalatay dalka Sucuudiga oo sifo sharci-darro ku soo gashay dalkooda, waxaana loo gudbiyey hay’adaha Sharciga markii ay dhowr maalmood baadhis lagu waday awgeed ay u xidhneyd.

Qisadan oo ay warbaahinta Bariga Dhexe si weyn u qaadaa-dhigeen soo jiidatay indhaha bulshada caalamka gaar ahaan ururrada ka dhisan dalalka reer Galbeed u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Dumarka iyo kuwa Bani’aadnimada, ayaa lagu tilmaamay mid san-saankeedu u dhowdahay Qiso Jacayl ah oo dalalka Carabta iyo caalamkaba ku fidday ee dhexmartay Qays iyo Layla oo u dhashay Jaziiradda Carabta.

HUDA AL-NIRAN, Maxkamadda markii la geeyey, waxa ay Garsoorihii dacwaddeeda Qaadayay ka dalbatay in loo ogolaado joogitaanka dalka Yemen iyo inay Guursato Ninka ay Jeceshahay. Intii ay dhegaysiga Dacwaddeedu socotayna waxa maxkamadda horteeda bannaan-bax ka dhigayey taageerayaal la dhacsanaa badheedhaheeda, kuwaas oo sitay boodhash ay ku xardhanaayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen “Waxaanu la dhammaantayo la Jirnaa HUDA”.

huda

Badheedhaga Jacaylka gabadhan da’da yari waxa uu xiisad iyo hadal-hayn laysku bariidiyo ka abuuray labada waddan ee Sucuudiga iyo Yemen, iyada dhiirranaanteedu fejeciso ku abuurtaytay bulshooyinka labada dhinac. Waxyaabaha fejecisada ku abuuray dadka ayaa noqday inaanay ka soo horjeedsan oo kaliya Rabitaanka Qoyskeeda oo u diiday inuu Arafat Tahar Guursado, balse waxay ku dhiirratay inay ka tahriibto dalkeeda una raacdo dalkiisa YEMEN oo xeerar iyo caadooyin soo jireen ahi ka dabrayaan inay kala guursadaan labada shacabka labada dhinac oo inta badan xuduudka u dhexeeya ay ku teedsan yihiin Qabaa’il Carbeed oo ku ad-adag Caadooyinkooda.

Waxa kale oo layaab noqotay inay ku gacan-saydhay Inuu u doodo Gar-yaqaan Sharci oo ay u qabatay Safaaradda Sucuudiga ee ku taala magaalada Sanca, iyada oo ka baqaysay cadaadis lagu saaro inay dib ugu noqoto dalkeeda, laakiin waxa ay ogolaatay inuu metelo Looyar uu u qabtay urur aan dawli ahayn oo ka dhisan magaalada Sanca kaas oo lagu magacaabo HOOD, kaas oo sheegay inuu dacwadda ka rejaynayo natiijo ka farxisa gabadha Jacaylkeedu xuduudaha ka tallaabay. “Arrintu waa Kiis Bani’aadamnimo, mana aha inay xiisad ka dhex abuurto labada waddan,” sidaa waxa yidhi qareenka HUDA oo lagu magacaabo Abdel Rakib al-Qadi.

Garyaqaan Abdel Rakib Waxa uu tilmaamay inay dawladda Yemen Cadaadis kala kulantay Masuuliyiinta Boqortooyada Sucuudiga oo dalbaday soo-celinta HUDA oo wakhigan xadhig rumaan ah xabsiga ugu jirta sharci-darro ay ku gashay dalka Yemen, taas oo haddii lagu helo jidaynaysa in loo tarxiilo dalkeeda. Waxaana fadhiga labaad ee dhegaysiga dacwaddeeda loo ballansanaa Maanta oo bishu tahay 1-da December, in kasta oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, haseyeeshee waxa kiiska soo faro-geliyey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR oo dalbanaysa in magan-gelyo la siiyo Gabadhan Da’da yar.

“Waxa ay cabsi ka qabtaa inay jidh-dil kala kulanto qoyskeeda oo ay sheegtay inay hore u Karbaasheen, haddii lagu celiyo Dalka ay u dhalatay ee Sucuudiga,” ayaa lagu sheegay Baaqa ka soo baxay hay’adda HUMAN RIGHTS WATCH. Kiiska Dacwadeed ee HUDA waxa uu soo jiitay isla markaana arrinkeeda soo faro-geliyey ururka xuquuqda Aadamaha u dooda ee HUMAN RIGHTS WATCH oo fadhigiisu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, kaas oo baaq uu soo saaray 19kii bishii hore Dawladda Yemen ku boorriyey inaanay dalkeeda ka mastaafurin Gabadhaas, islamarkaana ay tirada ku darsadaan in ku celinta qoyskeedu ay nolosheeda khatar gelin karto. Wakiilka UNHCR ee Yemen ayaa xaqiijiyey inay HUDA dalbatay codsi magan-gelyo oo u saamaxaya inay sii deggenaato Yemen, kaas oo haddii ay ku guulaysato masuuliyiinta dalkaas ka horjoogsanaya inay u mastaafurinayaan dalkeeda Sucuudiga.

Somalilandpost.net

Sanca

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories