HomeXiisad ka taagan Go’aan Dhul-ballaadhsi lagu Fulinayo oo Maamulka Kililka 5aad ku...

Xiisad ka taagan Go’aan Dhul-ballaadhsi lagu Fulinayo oo Maamulka Kililka 5aad ku soo rogay degaamo ka tirsan Xarshin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

XARSHIMNXARSHIN (SLpost)- Xaalad u muuqata Sansaan Colaadeed oo hor leh, ayaa shalay gelinkii dambe ilaa Xalay laga dareemayey deegaannada hoos yimaadda degmada Xarshin oo dhowaan dagaallo u dhex-mareen laba beelood oo ood-wadaag, ka dib markii Dawladda Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo laga sugayey go’aan ka gaadhista qodob laysku-afgaran waayey oo qayb ka ahaa heshiis hordhac ah oo dhexmaray labadaas beeleed todobaadkan.

Odayaal ka soo kala jeeda beelaha degmooyinka Xarshin (Sacad Muuse) iyo Dhagax-buur (Ogaadeen) oo ay weheliyaan Maamullada gobollada Jigjiga iyo Dhagax-buur, ayaa heshiish hordhac ah oo ka kooban labada qodob, kuwaas oo kala ah in la kala guddoomo Magta raggii kaga geeriyooday Isku-dhacyo tiraba dhowr jeer dhexmaray labada beelood iyo in laga heshiiyo Madaha (Xadka) u dhaxayna deegaannada labada beelood, iyada oo qodobkaasi ay isku-af-garan waayeen Odayaashii iyo Guddiyadii metalaysay labada beelood.

Heshiiska dhexmaray laba beelood oo ka dhacay tuulada Gadhka War-yuugle oo ku taala xadka u dhexeeya gobollada Jigjiga iyo Dhagax-buur oo deegaannada labada beelood ka kala tirsan yihiin, waxa kulan ka dhacay lagu kala guddoomay Geela loogu kala xukumay aanooyinka soo kala gaadhay todobaadkii hore, haseyeeshee, qodobka ku saabsan halka uu noqonayo madaha u dhexeeya oo dawlad-deegaanka Soomaalidu go’aan ka gaadhistiisa dusha u ridatay ka dib markii ay isku af-garanwaayeen Odayaasha labada dhinac, Isla markaana in muddo ah laga sugayey, ayaa shalay soo war-celisay Odayaashii Deegaanka Xarshimeed, waxaanay ku war-gelisay inay go’aamiyeen in Beesha deegaanka Xarshimeed dib uga soo guurto dhulka ay deggen yihiin, waxaanay maamulka oo go’aanka si khasab ah ku fulinaya ay deegaannadaas keenen cagafyo lagu jeexayo Xuduudka, sida ay Himilo u sheegeen Odayaal iyo Wax-garad ku sugan deegaankaas.

Warku waxa uu intaas ku daray inay masuuliyiinta ka socotay Maamulka Kilika 5aad ku war-geliyeen Odayaashii ka socday deegaanka Xarshin inay saxeexaan go’aanka ay dawlad-deegaanka soo go’aamisay oo dhinac u xaglinaya, arrintaas oo Odayaashuna ku gacan-saydheen, isla markaana xiisad hor leh oo saan-saan colaadeed leh ka abuurtay deegaannada Hoos yimaadda degmada Xarshin shalay ilaa xalay.

“Dhowrjeebay dagaallo soo noq-noqdeen, dabadeed doorkii u dambeeyey markii ay dhacday waxa noo yimi Nimakii maamulka ahaa oo yidhi nabad-baanu wadnaa. Markii la wada-hadlayna waxa la gaadhay heshiis hordhaca oo ah in magtii la kala qaato oo aan ahayn dilkii ballaadhnaa ee Cilmi Xirsi ka dhacay oo kaas waxay yidhaahdeen dawladda ayaa qabta,” sidaas waxa yidhi Oday ka tirsan Wax-garadka deegaanka Xarshin oo khadka telefonka wariye ka tirsan Himilo ugu faahfaahiyey qaabka uu heshiiska labada beelood u dhacay.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Markii ay meesha yimaaddeen Maamulku, waxay yidhaahdeen Madihiinu kama sokeeyo ilaa Xarshin sidaasaananu go’aaminnay, meeshiina waxay keenen cagaf-cagyo, dabadeed odayaashii bay ku yidhaahdeen cagaf-tani waxay jeexaysaa Madahii idiin dhexeeyey ABSAME ee saxeexa, odayaashiina way diideen, markay diideenna way xidh-xidheen. Dabadeed nimankii maamulka ahaa waxay damceen inay cagaftii ku dhex-bilaabaan deegaankii reeruhu degganayeen.”

Dhinaca kale, wararka laga helayo deegaankaas, waxa ay sheegayaan in maamulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu dabada ka riixayo tallaabadan oo loo aanaynayo inay tahay shuruud ku xidhan Bixinta magta dad shacab ah oo ciidamada Liyuu Booliska horaanta sannadkii hore ku laayeen tuulada Cilmi-Xirsi oo ka tirsan degmada Xarshin, waxaanay xiisad kacsanaan ah ka dhex abuurtay deegaankaas iyo shacabka xoolo-dhaqatada ah ee ku dhaqan oo xuduudka Cusub ee laga jeexayo dhulka ay degan yihiin dhexdiida u muuqdo duullaan ka dhan ah noloshoosa, waxaanay arrintani dhalin kartaa kacdoon shacabka xoolo-dhaqatada ahi isku-difaacaan iyo duullaan Ismaamulka Kililka Shanaad iyo Beesha ay garabka saareen ku soo qaadan.

Guddiga Horumarinta Beelaha Sacad Muuse ee lagu soo doortay Shirkii Hoodaale, ayaa habeen hore warbaahinta mariyey hambalyo ku socota heshiiska laga gaadhay colaadda u dhaxaysay Beelaha Ood-wadaagta ah, haseyeeshee, Xubin ka tirsan Guddiga oo Himilo la soo xidhiidhay xalay, ayaa sheegay inay niyad-jab iyo naxdin ku noqotay markii ay maqleen warkan, waxaanu ka deyriyey saamaynta go’aanka ismaamulka Kililka 5aad ku yeelan karo xasiloonida iyo wada-noolaanshiyaha shacabka Xoolo-dhaqatada ee ood-wadaagta.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories