HomeXiisad Ka Taagan Doorashooyinka Ugandha iyo Maraykanka oo Sheegay Inuu Ka Walaacsan...

Xiisad Ka Taagan Doorashooyinka Ugandha iyo Maraykanka oo Sheegay Inuu Ka Walaacsan Yahay Xornimada Doorashadaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Uganda(Slpost)-Xiisad ayaa ka taagan magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, kadib markii la xiray hoggaamiyaha mucaaradka oo ka mid ahaa musharrixiinta doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Waa markii 3aad ee toddobaadkan la xiro Kizza Besigye. Taageerayaasha Besigye ayaa dibadbaxyo ka wada Kampala, waxayna xireen waddooyinka.

Xiisadda ayaa bilaabatay markii hoggaamiyaha mucaaradku uu warbaahinta u yeeray si uu u qabto shir jaraadi, balse booliska ayaa isku gadaamay gurigii uu ku jiray, iyagoo sunta dadka ka ilmeysiisa ku riday taageerayaasha Besigye. Booliska ayaa xiray Besigye iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga FDC. Xaaska Besigye ayaa twitter-ka ku qortay in Besigye loo kaxeeyay saldhigga booliska Nagalama.

Dhinaca kale, wali waxaa socota tirinta codadkii doorashada, waxaana ku horreeya madaxweynaha talada haya Yuweri Musaveni, iyadoo uu ku xigo Kizza Besigye.

Dhanka kale xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, waxaa uu madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, u sheegay inuu ka walaacsan yahay dhibaateynta lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka ah inta lagu jiro doorashada madaxtinimada Uganda.

hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka, Kizza Besigye, ayaa la xiray mar ay ciidammada ammaanku duullaan ku qaadeen xarunta xisbigiisa, taas oo iska hor imaad xoog leh ka dhalisay caasimadda kampala.

Maraykanka oo taageero dhaqaale siiya Uganda waxay sheegeen in ficillada bollisku ay su’aal gelinayaan sida la isugu hallayn karayo in doorasho sax ah ay ka dhacday Uganda. Codadka ayaa weli la tirinayaa codbixintii Khamiistii dhacday iyadoo lagu wado in Mr Museveni uu mar 5aad ku guulaysto xukunka

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories