HomeXigtaysiga Xikmadda- Buug Cusub

Xigtaysiga Xikmadda- Buug Cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guud ahaan aadanuhu waxa uu wadaagaa dhawr wax. In uu bashar wada yahay, basharkuna nebi Aadam ku arooro, nebi Aadamna dhoobo laga sameeyay, ayaa u weyn waxa uu wadaago aadanuhu. Kan oo keli ah ma aha. Dadku waxa uu wadaagaa dhaxal guud. Dhaxal uu isagu iska dhaxlo, oo faca isbeddelaya dhex raacda. Dhaxalkan guud lama kala laha. Waa timir xabaal taalla oo ninkii soo gaadhaa uu ka istafiido. Aqoonta iyo ilbaxnimada guud ayaa kow ka ah liiskan. Siyaabaha ay aqoontu uga kala dhex gooshka hal jiil ilaa jiilka kale waxa u weyn iyada oo u sii dhex maraysa kaydka dhigaalka ah iyo kan dhegoodka ah. Cilmi-dhigaal iyo cilmi-dhegoodna waa ay dhahaan e. Midka koowaadi waxa uu raacaa gaadiidka la yidhaahdo waraaqaha, kan labadna waayeelka. Faracyo ay ku kala duwan yihiin labadan waddo ayaa jirta. Balse, dhanka kale, waxa jira wadiiqyo ay iskaga soo dhacaan oo ay ka midaysan yihiin. Kuwan danbe waxa u weyn oo horkacaysa in ay labada habba xambaarsan yihiin xikmado xeeldheer oo furdaamin u noqda cakirnaanta isa shaabahda ee xilliyada.

Xikmaddu, asalkeeda bannaanba, waa dhaxal uu ku abtirsado, sheegtana, qof kasta oo bini-aadan ahi. Waxa ay kaalinta koowaad ku cidhiidhsataa neefta Ogsijiinta ah ee dadka oo dhami wada neefsado. Sida ay yidhaahdaanna, murtidu waxa ay ku hadashaa hal af oo keli ah. Haa, hal af, halkaas afna waxa aynu ku micnayn karnaa in uu yahay mid ka dhashay xaqiiqada ah in idil ahaan xikmaduhu ka wada jawaabaan baahi. Waa halkan meesha ay ka soo gelayso aas-aasnimada iyo caws jiilaal ahaansha ay daruuri tahay in dhaxalkaa aan laga qadin.

Iyada oo arrintaa ka jawaabaya, ayay bahda Xigashowaxa ay dhagax-dhigtay hawl ka soo bilaabantay yagleelidda bog Feysbuugga ah oo lagu faafiyo odhaahyo xikmad ah oo ka soo maaxatay caqliyada lagu majeerto taariikhda aadanaha, bari iyo galbeedba. Weedhahaas waxa loo haltebiyay afka Soomaaliga si qofka Soomaaliga ahi u fahmo, una falkiyo ujeedka odhaah kasta. Hawshu halkaa ayay ka soo bilaabantay horraantii 2015. Bishii Abriil ee isla sannadkaa ayaa ay hawshu u soo gudubtay in a unko degel u gaar ah odhaahyaha ah oo ku biira degellada Internet-ka laga booqdo. Waxa samaysmay xigasho.org. Waxa ay soo gaadhay maanta oo 2016 bilaabmay diyaarinta iyo soosaarista buug cusub oo lagu soo uruuriyay waxqabadkii bahda ee gu’gaa dhawdhaaw.

Buugga Xigtaysiga Xikmadda oo ah ka aynu qormadan ugu talogalnay in ay dadka isku bartaan, ayaa ah mid ay ku kaydsan yihiin ku dhawaad dhammaan murtiyihii intaa mudda ahba la waday. Waxa loogu talogalay in uu u sahlo akhriste kasta oo Soomaaliyeed in uu si fudud uga haqab-beelo xikmadahaas buugga dhex ceegaaga.

Buugga XIGTASIGA XIKMADDA waxa aad ka heli kartaa, isaga oo u diyaarsan qaab E-Book ah, dabarkan (URL):http://www.amazon.com/gp/product/B01B92JS4G/

© Cabdixaafid Mowliid & Cabdicasiis Guudcadde

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories