HomeXidhiidhka Kubadda Cagta Oo Sababeeyay Sida Uu Xulka Maroodijeex Koobka Uga Hadhay...

Xidhiidhka Kubadda Cagta Oo Sababeeyay Sida Uu Xulka Maroodijeex Koobka Uga Hadhay Jawaabna Ka Bixiyey Baaqii Xulka ee Maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost) – Xidhiidhka kubada cagta Somaliland, ayaa sababeeyay go’aanka xulka gobolka Maroodijeex lagaga wareejiyay ciyaartii ay la dheeleen xulka gobolka Awdal, waxayna ku doodeen inaanay cabashada xulka Maroodijeex ahayn mid waafaqsan shuruucda Ciyaaraha.

 

Cabdillaahi Khayre Cawaale, guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Somaliland, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Burco ayaa sheegay inaan laga noqon doonin go’aanka dhibcaha lagaga qaaday xulka Maroodijeex “ Xulka Maroodijeex Rikoodhaha markii lagu helay toos ayay u diideen, tababaraha ayaana hawshaa hogaaminayay, wakhti baa loo qabtay, garsoorihii bay dileen, markaa waxay jabiyeen qodobo ka mid ah shuruucdii lagu maamulayay tartanka, taasana keentay in dhibcihii laga wareejiyo,” ayuu yidhi Mr Cabdillaahi.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Xidhiidhka kubadda cagtu wuu ka fadhiistay arrintan, go’aankuna wuxuu noqday in dhibcihii laga qaado, way caban karaan laakiin, arrintaasi waa mid sax ah oo aan ka noqosho lahayn haba yaraatee. Go’aankaa xidhiidhka kubada cagta ee galbeedka maamulayay soo saaray anigoo guddoomiyaha ahina waan ayidsanahay wax ka soo noqonayaana haba yaraatee ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Shirka Jaraa’id ee xulka gobolka Maroodijeex Hargeysa Ku Qabtay Saaka

Masuuliyiinta ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inaanu xulka gobolka Maroodijeex ka hadhin tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland. Waxay sharci darro ku tilmaameen go’aanka xidhiidhka ciyaaruhu ku sheegay in gobolka Awdal soo baxay Maroodijeexna Hadhay.

 

Ciyaartii Boorama ku dhexmartay gobolada Awdal iyo Maroodijeex, ayuu buuq hadheeyay kadib markii gobolka Maroodijeex oo qaybtii dambe ee ciyaarta ku hogaaminaya hal gool lagu qabtay Rikoodhe, waxaanu gobolka Maroodijeex caddaalad darro ku sheegay Rikoodhahaasi, waxaana ciyaarta 20 mirir oo ka hadhsanaa u baaqdeen rabshado garoonka hadheeyay.

 

“Calan wadihii intuu soo cararay ayuu awoodii Garsooraha dhexe (Siidhi wadaha) qabsaday islamarkaana tilmaamay inay kubaddu Rikoodhe tahay, caalamkana arrimaha noocaas ah kumaanu arag. Waxaanu aaminsanahay in gobolka Maroodijeex 6 dhibcood leeyihiin oo caddaalad darro lagaga qaaday. Haddaanu nahay maamulkii gobolka Maroodijeex waxaanu halkan ka caddaynaynaa inaanay waxba ka jirin waxa warbaahinta laga sheegayo. Ma yeelayno mana aqbalayno go’aanka ay soo saareen(xidhiidhka ciyaaraha), waxaanu jecelahay in naloo caddeeyo. Waxaanu aaminsanahay in sababta ay go’aanka u gaadheen tahay cabsi darteed oo ay ka cabsanayeen ammaanka meesha ay joogeen,” ayuu yidhi Isu duwaha ciyaaraha ee gobolka Maroodijeex.

 

Maxamed Maxamuud Diridhaba, tababaraha xulka Maroodijeex  ayaa isna sidan uga hadlay cabashada Maroodijeex“ Walaalayaal sidaad ogtihiin caddaalad darro weyn oo aan adunka lagu arag ayaa gobolka Maroodijeex qabsatay. Taas oo nagaga timid degaankii, xidhiidhkii iyo dadweynihii meesha joogay ba, macaal askarta markaan ku daro, waayo? Lama arag aduunka meel 5 kun oo askari xabbado ridayaan kubad ha socotana la leeyahay. Haddaan amni jirin kubad lama ciyaari karo oo waa la og yahay. Waxa ciyaarta ka hor ba jirtay in dadweynaha reer Awdal oo dhani noo dhaaranayeen anaga oo lahaayeen bal reer Hargeysa waxay garoonka kala tagaan ayaynu arkaynaa. Waanu u dhabar adaygnay  markii ciyaartu bilaamatay waxaa nagu bilaamatay handadaad iyo aflagaado nagaga imanaysa dadweynaha iyo Askarta. Iyadoo ciyaartu socoto ayuu shiidku dhacayay. Iyadoo sidaas ah ayay dhalinyarada Maroodijeex kasbadeen inay ciyaarta ku hogaamiyaan gool iyo eber ilaa 75 daqiiqo. Markii Nasashada(Half time) waxaa lagu soo balamay in rikoodhe lagu qanciyo oo rikoodhe loo dhigo, taasna waxaa sababaya gobolka oo sidiisaba khaakhul iyo dhibaato ay dhex taalo oo dadweynihii mucaarad iyo muxaafad kala yihiin,” ayuu yidhi Mr Diridhaba.

 

Cabdikariin Guji oo ka tirsan xulka Maroodijeex, ayaa sheegay in maamulkii garsooraha dhexe uu maroorsaday calan wadaha koowaad, islamarkaana kubad Siidhi waduhu go’aansaday inay socoto ku khasbay in rikoodhe la dhigo “ Waxaanu u dulqaadanay in nala caayo, waxaanu u dulqaadanay in dhagax nalala dhaco, waxaanu u dulqaadanay in xabad nalagu rido, anagoo intaas oo dhan xamilnay haddana yeel mayno in dhibcahayaga nalaga xayuubiyo oo cid kale oo lagu raali galinayo la siiyo, kubaduna xal maaha ee waa la wada ciyaaraa waa la kala guulaystaa,” ayuu yidhi Mr Guji.

 

Ugu dambeyntiina xildhibaan Ismaaciil Cagayare oo ka tirsan golaha degaanka Hargeysa, ayaa wasaaradda ciyaaraha u soo jeediyay inay sharciga mariso cabashada xulka Maroodijeex haddii Awdal lagu maslaxay guusha Maroodijeexna la caddeeyo.

 

SomalilandPost.net, Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories