HomeXidhiidh ka dhexeeya Dhererka Faraha Gacmaha iyo Dabeecadaha Bani’aadamka

Xidhiidh ka dhexeeya Dhererka Faraha Gacmaha iyo Dabeecadaha Bani’aadamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankKoox khubaro ah ayaa daraasad ay soo saareen ku sheegay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya xaddiga dheeli-tirnaanta dhererka faraha iyo xawaaraha orodka ee qofka, waxaana ay baadhitaanka cilmi-baadhistoodan ku saleeyeen natiijo ah ka heleen baadhis ay lagu sameeyey 241 wiil oo da’doodu u dhaxaysay 10 ilaa 17 sanno jir, kuwaas oo ka qayb qaadanayey tartan orod ah oo lagu qabtay magaalada Doha ee waddanka Qadar.

Waxa ay sheegeen inay ogaadeen in kuwii fartooda suulka xigtaa (murdiso) ay ka dheertahay faraha intooda kale ay ku ordayeen xawaare sarreeya iyada oo lagu tartamayey masaafo dhan 50 mitir.

“Wixii ay kuwa kale dheeraayeen waxa uu soo baxay in yar ka dib markii uu tartanku bilaabmay, waxaanu xawaarahoodu ahaa sidii ay ku bilaabeen orodka,” sidaa waxa yidhi John Manning oo ka socday Jaamacadda Southampton ee waddanka Ingiriiska isla markaana hoggaaminayey khubarada daraasadda samaysay.

Cilmi-baadhistan, ayaa noqonaysa tii labaad ee nooceeda ah ee dabeecadaha dadka lagu xidhiidhiyo faraha gacmaha, iyada oo daraasad hore loo sameeyey ay tilmaantay in dhererka faraha laga saadaalin karo Ninka daan-daansiga badan ee dadka gar-darrada ku sameeya, balse daraasaddani waxay sheegtay inay ku kooban tahay oo kaliya ragga isla markaana aan laga saadaalin karin dumarka.

Waxa kale oo daraasaddu sheegtay in ilmaha Fartiisa u dhaxaysa Faryarrada iyo Far-dhexada ay ka dheertahay inta kale ay ku wanaagsan yihiin xisaabta, halka ilmaha Fartiisa ku xigta suulku ay ka dheertahay inta kale ay ku wanaagsan yihiin wax-akhriska iyo qoraalka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories