Home“Xidhiidh Fiican Oo Iskaashi Ayaanu Leenahay Somaliland Iyo Somalia-ba, Waxaanan Isticmaalnaa Dekedaha...

“Xidhiidh Fiican Oo Iskaashi Ayaanu Leenahay Somaliland Iyo Somalia-ba, Waxaanan Isticmaalnaa Dekedaha Djibouti, Berbera Iyo Kuwa Kale Ee Gobalka”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada dhinaca dekedaha ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in dalkiisu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhammaan dalalka gobalka Geeska Afrika.

hayla-maryam

Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo toddobaadkan u waramay telefishanka Aljazeera, ayaa waxa la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan “Mudane Raysalwasaare waxaa jirta qadiyad la xidhiidha dekedaha (Gobalka) oo dadka qaarkood ku tilmaamayaan dagaalka dekedaha. Tusaale ahaan Imaaraadkii waxa uu maalgashanayaa dekedda Casa bee Ereteriya iyo Berbera oo Somaliland ah, Turkigii oo dekedda Muqidisho maalgashanaya iyo Shiinaha oo Jabuuti isna maalgashanayana. Itoobiyana sida aynu la soconno waa dal aan bad lahayn. Markaa sideed aad u aragtaan arrintan oo khatar ku ah dalkiina?

Raysalwasaare Hailemariam Desalegn ayaa yidhi “Dhammaan deriskayaga xidhiidh fiican ayaa aanu la leenahay, marka laga reebo Ereteriya, xidhiidh fiican ayaa aanu la’ leenahay Soomaaliya, iyo Somaliland oo waqtigan hadda la joogo ah maamul madaxbannaan, inta ay madaxbannanideeda dawladnimo helayso. markaa xidhiidh fiican oo iskaashi iyo jaarnimo ayaa aanu la’ leenahay Somaliland iyo Soomaaliyaba, sidoo kale xidhiidh fiican ayaa aanu la leenahay Suudaan, waxa aanuna adeegsannaa dekedda Suudaan, sidoo kale xidhiidh aad u heersarreeya ayaa aanu la leenahay Jabbuuti, waxa aannaan adeegsannaa dekedda Jabuuti, sidoo kale waxa aanu isticmaalnaa dekedda Berbera.  waxa aana noo qorshaysan in mustaqbalkana aanu adeegsanno dekedda Mombasa annaga oo ka faa’idaysanayna xidhiidhka fiican ee aanu la leenahay Kenya.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Qiimayn ayaa aanu u haynaa dhammaan xidhiidhadaas aanu la leenahay dalalka deriska. sidaa awgeed wax dhibaato ah uma aragno maalgashade kasta oo u yimaadda in uu ka shaqeeyo dekedahan, inta aanay taasi khatar gelinayn danahayaga iyo amniga qarankayaga. illaa haddana maalgashadayaasha gobalku wax mushkilad ah ma’ay waajahin. “

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Xaalado colaadeed ayaa meel kasta ka jira laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanu colaad la galno saaxiibbadayo iyo kuwa aanu wax wada leenahay, sidaa awgeedna waxa aanu ka shaqaynaynaa xoojinta xidhiidhka istaraatijiyadeed ee aanu la leenahay deriskayaga. iyo in aanu ku wada soconno ajendeyaal aanu wadaagno oo amni, xasilooni iyo barwaaqo ummadayada u horseeda. wax khatar ama cabsi ahna kama qabo deriskayaga xitaa Ereteriya.”

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories