HomeXiddigaha Geesku waa inta aynu Geeska iyo Gobolkaba dheer nahay (Qaybtii 2aad)

Xiddigaha Geesku waa inta aynu Geeska iyo Gobolkaba dheer nahay (Qaybtii 2aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xiddigahaCalanyahow la gaafee,

Saddex midab u gaar tahay,

Magac Guulle iyo Nebi,

Guudkiisa lagu qoray,

Kii hore kuwuu gabay,

Iyo gacalladoodii,

Ayaad gaar u noqotoo,

Iyagaa ku geya abid,

Goblan iyo agoon baa,

Geesaha ka joogoo,

Lafo geesi iyo dhiig,

Ayaan kugu gelbinayaa,

 

Heesta, Guudkaan kaa huwanayaa, Muxumed Xaaji Soofe (Kaneeco)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa, 12/4/2015ka,

Qormada: 2aad

Ujeeddada Kooxda Xidigaha Geesku waa in ay horumariyeen fanka ka dhexeeya ummadda af iyo dhaqan-wadaagta ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ka turjumaan dhaqanka suubban iyo hiddaha Soomaalida ee dhowrsan.

Kooxda Xiddigaha Geesku waa Koox da’ yar oo aad iyo aad isugu xidhan. Sidii aynu hore u soo sheegnay dalka gudihiisa iyo dibaddaba waa ay joogaan. Waa dad hees-wadaag iyo suugaan-wadaagba leh. Waa koox xinka iyo xasadkuba ku yar yahay oo isu hura heesaha, codadka iyo suugaanta kale ee ay wadaagaanba. Haddii midkood hees loo diyaariyo oo mid kale ay kaga dhegto, waa dad isu hura oo isu hibeeya.

 

Is-kaashi iyo wax-wada-qabsi ayay la leeyihiin fannaaniinta kale ee aan kooxda ka tirsanayn ee Soomaaliyeed ee gude iyo dibadba ku sugan. Fannaaniintaa qaarkood waxay ka taageeraan xagga suugaanta, codadka iyo miyuusiggaba. Haddii aad i fiirsato heesaha ay fannaaniinta Soomaaliyeed qaadaan gude, dibad iyo dalalka aynu jaarka nahayb in badan ayaad ku arkaysaa Furinle oo miyuusigga u tumaya. Taas ayaa markhaati cad u ah is-kaashiga iyo wax-wada-qabsiga ay wadaagaan fannaaniinta Soomaaliyeed ee kale.

 

Kooxda xidigaha geesku waxay Qaadaan heeso jacaylka waxaana soo raaca
heesaha wadaniga ah oo ay ka mid yihiin- Heesta Tahriibka, Heesta Nabada, Heesta, Ciyaaraha, Heesta Qabyaalada, Heesta Kaluumaysiga, Heesta Cashuuraha iyo Heesta Saxaafada ee Weriye Xor ah.
Heesaha kale ee waddaniga ah ee ay Qaadaan waxa ugu Caansan sida
Gooni-is-taag ereyadii iyo laxankii Laab-saalax, Dabbaal-degga Meey oo ah erayadii Boobe Yuusuf Ducaale, laxankii Mustafe Kiiko,
Heesta Nabada erayadii Siddiiq Burmad, laxankii Laab-saalax, Heesta Xornimo summad leh, Yurub iyo Hodan, ereyadii Laab-saalax laxankii Bk
Heesta iyo Dhulkaagaa lagu hodmaa, ereyadii Siddiiq Burmad.

 

Dhowr arrimood oo togan oo Kooxdan Xiddigaha Geeska baadi-sooc u noqon kara ayaa jira:

  1. Qaabka ay heesaha u duubaan oo ah mid wadareed. Wiilka ama gabadha heesaysa keli laguma daayo masraxa bal se kooxda inteeda badan ayaa la joogsata oo jiib iyo dhiirri-gelinba u samaysa,
  2. Marka la eego fannaaniin da’daas ah oo tiradaa le’eg, waxay ku ammaanan yihiin wada-joogga, is-qaddarinta iyo is-tixgelinta iyaga oo wax badanna isu hura oo isu hanneeya,
  3. Koox ahaan laba qaab ayay u hawl-galaan ama u heesaanba: mar ay adeegsadaan miyuusigga casriga ah iyo marar ay dib ugu noqdaan miyuusiggii hore ee qaaciga ahaa,
  4. Iyada oo ay duruufaha dhaqaale iska adkaan karaan oo aanay jirin dhaqaale badan oo heesaha laga sameeyaa, haddana Kooxda waxa ka muuqata in aanay arrimahaasi ku keenin wax dhibato ah ama is-qabsi ay is-qabsadaan,
  5. Kooxda oo wax-soo-saarkoodu iska fiican yahay in kasta oo uu u badan yahay heesaha, lagana rabo in ay ku soo daraan qaybaha kale ee fanka,
  6. Waxa ka muuqata in ay soo-nooleeeyeen isla markaana casriyeeyeen fanka gaar ahaan heesaha iyaga oo isla markaana kor u qaaday magaca iyo milgaha Somaliland,
  7. Qaybaha badan ee nolosha ayay kaga qayb-qaataan heesaha iyaga oo dhiirri-gelin la dareemay ku samaynaya, sida: dhismaha waddooyinka, dal-jacaylka, ururinta cashuuraha iyo mowduucyo kale oo ahmiyaddooda leh,

Waxa kale oo tilmaan iyo bogaadinba inaga mudan hoggaanka Kooxda ee saddexanka ah. Laab-saalax, Furinle iyo Caydaruus oo ku kala magacaaban xilalka ugu sarreeya ee Kooxda Geesku kuma koobna oo keliya hawlaha hoggaamineed, bal se waxa kale oo ay ku hawlan yihiin hawlaha curineed, abaabul, hoggaamineed iyo farsamoba.

Waxaan jeclahay in aan halkan si gaar ah uga xuso muusigyahan Furinle oo ka gudbay xuduudaha Somaliland, aadna uga muuqda shaashadaha guud ahaanba fanka Soomaaliyeed baahiya.

Kooxdan Xiddiga Geesku waxay hormuud u yihiin Kooxaha ka dhisan Geeska Afrika gaar ahaan dhulka ay Soomaalidu degto. Iyada oo aanan buunbuuninayn waxaan odhan karaa magac iyo milgaba waa ay u soo kordhiyeen dal iyo dadba, waxaanay inaga mudan yihiin dhiirri-gelin, tilmaan iyo toosinba.

Inta badan marka aad war-baahinta ijtimaaciga ah dhex-qaaddo waxyaabaha Kooxdan lagu eedeeyo ama lagu naqdiyaba waxa ugu badan in ay heesahoodu Xamar ka baxaan ama ay TV-ga Qaranka ee Soomaaliya heeso u duubeen. Kooxdan iyo Koox kasta oo Somaliland ku abtirsataba waxa waajib ku ah in aanay ku kicin wax qarannimadeenna lid ku ah. Faafinta iyo fidinta fanka Soomaaliyeed denbi iyo dhalliil midnaba ma aha. Fanku xuduud ma laha. Sida aynu cid walba u dhegaysanno ayay tahay in Soomaalidu innagana inoo dhegaysato.

Gebegebada sheekada waan hanbalyaynayaa Kooxdan aniga oo ku guubaabinaya in ay ilaashadaan wada-jirkooda iyo wax-wada-qabsigooda.

 

Dhammaad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories