HomeXEERKII HORE TUUR KU KALANA DIID Q.3aad

XEERKII HORE TUUR KU KALANA DIID Q.3aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xeerkii hore Doorashada Wakiiladu waa run wuxu ahaa mid saami qaybsiga kuraasida ee gobolada Somaliland loogu talogalay doorashadii wakiilada ee September 2005tii oo keliya. Si looga guuro xeerkaa hore ayaa laftiisu xusayay in la helo tiro koob sax ah oo laga qaado dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan si loo heli karo macluumaad sax ah si loo curin karo siyaasad qaran oo laga duuli karo dhinaca saami qaybsiga kuraasida gobolada Somaliland. Nasiib darro ilaa maanta oo toban sanadood laga joogo doorashadii wakiilada ma jiro wax tiro koob ah oo la sameeyay. Waxa ka daran lama laha xeerkii hore ha lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel gaar ahaan qodobka saami qaybsiga oo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal ay si gaar ah uga biyo diideen balse markii ay qaadaceen fadhigii golaha waxay ugu dambaystii ay noqotay in gebi ahaanba laga saaray ajandahii Kalfadhiga Xeerkii Doorashada Wakiilada si dib loogu soo curiyo Xeer Cusub, sharci iyo sharci darro kii ay doontaba ha noqoto eh. Waxa se run ah ajandaha golaha ayaa ansixiyay Gudoomiyaha 2aad xaq uma laha in uu ka saaro hadii aanu golaha cod ka qaadin.
Marka laga reebo arinta saami qaybsiga lama oga xeerkan cusubi waxa kale uu kaga duwanaan karo xeerkii hore ee daaqadda laga tuuray.
Hadaba arinta Xeerka Doorashada wakiiladu hadii aanay ahayn wax looga gol leeyahay in qiil uu u noqdo muddo kordhin kale oo wakhti lumis uun ahayn intee ayuu ku soo dhamays tirmi karaa kuna soo geli karaa gacanta Komishanka Doorashooyinka?, si loo dhaqaajin karo hawlaha kale ee doorashooyinka oo sida muuqata dhamaantoodba ku xidhmi kara jawaabta sua’aashan oo aan runtii ilaa iyo hadda cid garanaysaa jirin.
Xeerka cusub ee la soo wado waxa la ina leeyahay wuxuu noqon doonaa Xeer aan ku meel gaadh ahayn sidii kii hore doorashadan oo keliya loogu talogelin ee uu noqonayo mid rasmi ah oo si cadaalad ah gobolada dalka ugu saami-qaybinaya kuraasida Aqalka Wakiilada. Waayahay, ha samaato oo ha la helo waana looga fadhiyaa.
Anigu waxan saadaalinayaa in xaalku aanu noqon doonin sida wax la inoogu sheegayo saami qaybsi cadaalad ahina aanu marnaba suurtogeli doonin ilaa la helo tirokoob saxa ama xataa sax u dhaw iyo macluumaad dhamays tiran oo lagu salayn karo siyaasadda qaran ee laga duulayo marka ay tahay sami qaybsiga kuraasida Aqalka Wakiilada ee gobolada Somaliland.
Sidaa daraadeed waxan leeyahay bal aan dhawrno oo indhaha ku hayno cidda ay sharci ahaan hawshani u taal goorta ay wax soo dhamaystirto iyo waxa ay la Shir timaado. Waxa kale oon jecelahay in si gaar ah aan hoosta uga xariiqo in ilaa la helo Xeer lagu dooran karo xildhibaanada Aqalka Wakiilada inta ka horaysa aan lagu kalsoonaan karin inay doorashooyinka is huwan ee madaxtooyada iyo Wakiiladu ay ku qabsoomi karaan taariikhda uu madaxwaynuhu digreetada ku soo saaray ee 28 bisha March 2017ka waxa laga fishaana ay noqon karto muddo kordhin kale weliba marka ay arinka ku darsanno doorashada oo aan ka mid ahayn arimaha ay xukuumaddu siinayso mudnaanta koobaad xiligan ay ku naaloonayso muddo kordhin aan gar iyo daw midna ahayn hadana ay ka fursan wayday in la iska ogolaado markii tii kaleba noqotay tu ka sii xun iyo in la isla wada dego

CALIGUREY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories