HomeXeerka iyo Dabarka isma-qaatayaasha af-ku-hadalka Soomaaliga

Xeerka iyo Dabarka isma-qaatayaasha af-ku-hadalka Soomaaliga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

 

Qaybo ka mid ah xarfaha aan is qaadan ee ku jira af-ku-hadalka

Xeerka iyo dabarka af-ku-hadalka soomaaligu waa qayb weyn oo ka mid ah hab-dhiska iyo hab-qoraalka af-ku-hadalka soomaaliga.

Xeerku wuxuu kuu jideeyaa inaad si fasho. Dabarkuna waa lidka xeerka oo wuxuu kaa baajiyaa inaad si fasho. Haddaba marka la joogoo af-ku hadalka soomaaliga. In xeer iyo dabar la helaa waxay ina geyaysiinaysaa inaan siyaabaha qaarkood loogu dhawaaqin ama loo dhigin hab-qoraalka af-kan. Buugga xeerka iyo dabarka af-ku-hadalka soomaaliga ee “Baaceed” cutubka uu kaga hadlayo hab-dhiska tuduca waxaa ku cad ereyo aanay suurtoobikarin in magaca soomaaliga ahi ku dhamaado. La arkee in magacyada ka soo tafay af-af-ka kale ay ku dhmaan karaan. Arrintaasna waxaa loo tixgeliyay inay tahay xeer iyo dabar.

Intaas oo keliya kuma eka. Waxaa iyaguna jira shaqallo iyo shibbanayaal aanay suurta gal marrnaba ahayn inay ku kulmaanw eedhaaha dhexdooda.

Inta badan shaqalladu waxay ku googa’anyihiin weedhaha af-ku hadalka soomaaliga iyagoo ka hormara kana dabamara shibbanayaasha.

Shaqalka “I” ha gaabnaado ama ha dheeraado, waxaan suurto gal ahayn inuu shaqalkani ka hormaro shibbanaha “w” iyadoo ay ku-wada jiran hal weedh. Haddii ay dhacdo in la arko iyagoo ku wada jira sida (iiwarran iyo siweyn) Waxaa lagma maarmaanah in weedhaasi ka askumantahay lab eray oo isu tegay. Tusaale: “ii” iyo “warran”. “ii” waxay tibaaxaysaa dirsooce. Kaas oo la shaqeeya magac-u-yaalka aniga. Marka tuduc laga dhigana waxuu u dhismaa tuducaasi sida: (aniga ii warran) waxaa taa la mid ah “si” iyo “weyn”. “si” waxay tibaaxaysaa, u-yaal guud. Waxaana loo dhisaa sida, (waxaan uga helay si weyn) hadaba marka laga yimaado shaqalka “I” iyo shibbanaha “w” oo xeer isu keenay sida tusaalaha sare ku cad waxaa jira ereyo qoraalkooda lagefay.

Waxaa loo baahanyahay in loo feejignaado sida loo dhigayo iyo sida loo dhisayo qoraal ahaan. Waa in lakala saaro weedha ku dhamaanaysa shaqalka “I” ha dheeraado ama ha gaabnaado, iyoweedha ka bilaabmaysa shibbanaha “w”. Waxay fududdaynaysaa in la kala garto. Ma xeerbay ku timi? Ma gef-qoraal dhacaybaa? Mise waa erey afkale ka yimi oo toosintiisa leh.

Tusaale:

Qumman                      Qalloocan

Ii wad                            iiwad

Ii warran                        iiwaran

Mrkii wax                      markiiwax

I waydii                         Iwaydii

Si weyn                        siweyn

Danni-wadaag              danniwadaag

Waxaan iyana suurta gal ahayn in la arko labadan midh ee shaqalka iyo shibbanaha ah ee aynu kor kaga soo hadallay. Oo ku wada jira hal erey sida “wiiwaa” iyo “biwaalid” sidaa darteed waxaynu odhan karrnaa weedh kasta oo lagu arko  hab dhiskeeda iyadoo ka kooban shaqalkan “I” iyo shibbanahan “w” waxaa loo aqoonsanayaa inaanay ahayn ama ka soo jeedin af-ku hadalka soomaaliga.

Waxaynu sidoo kale odhan karrnaa weedh kasta oo lagu arko hab dhiskeeda iyadoo ka kooban shaqalkan “I” iyo shibbanaha “w” oo isla markaana loo aqoonsado in xeer isu keenay waa in la kala saaro si mid-waliba goonnidiisa isu taago.

Shaqallada iyo shibbanayaasha aanay suurta-galka ahayn, inkastoo ay badanyahiin waxaa ka mid ah shaqalka “u” ha dheeraado ama ha gaabnaado iyo shibbanaha “y” oo aanay suurto-gal ahayn in shaqalka “u” uu ka hor maro shibbanaha “y” haddii ay dhacdo taasi waa in ay yihiin laba erey oo xeer isu keenay. Sida: (kuyidhi, kuyaac iyo uguyeedh) waxaa lagama maarmaan ah in weedhani ay ka koobantahay laba qaybood oo kala ah “ku” iyo “yidhi”, “ku” iyo “yaac” labada erey eek u kulmay weedha waxaa midkii walba mesha keenay xeer. Tusaale: “ku” waxay tibaaxaysaa fal-jaheeye ama fal-kaabe. Halka yaacna ay tahay fal suke ah. Sidaa darteed waa in lakala saara marka la qorayo oo aan laysku xidhin.

Waxaan marnaba suurto gal ahayn in shaqalkan iyo shibbanhan aynu kor kaga soo hadallay ay ku kulmaan erey gudihii. Haddii ay dhacdo oo la arko waxaa lo tixgelinayaa. Gef qoraal ku yimi laba erey oo weedh ku kulmay halkii ay ahayd in la kala saaro. Gef-qoraal ku yimi hab qoraalka wedha. Iyo gedmasho ku dhacday asalka ereyga ka dib markii carrabku dooriyay. Haddii ay intaa ka baaqato waxaa loo tixgelinayaa ereygaa ama weedhaasi inaanay ahayn soomaali balse ay tahay weedh ka soo taftay af-af kale.

Tusaale:

Ereyada asal ahaan gedmaday ee carrab-jalaqdu doorisay.

Qumman                      Qalloocan

Qunyar                          quyar

Qoyan                           quyan

Tu’yo                             tuuyo

Intan kuma dhama xeerka iyo dabarka ereyga af-ku-hadalka soomaaligu balse wuu ka ballaadhanyahay.

 

 

W/Q-Xasan Maxamuud Ibraahin “Xasan-Burco”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories