Home“Xeerka Anshaxu wuu ka fulayaa dhinaca Xukuumadda ee Ha ka fulo dhinaca...

“Xeerka Anshaxu wuu ka fulayaa dhinaca Xukuumadda ee Ha ka fulo dhinaca Saxaafadda”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa saxaafada dalka ku booriyay inay ilaaliyaan sharciyadda dalka si ay u abuurtaan deegaan ay ka dhex shaqayn karaan. Waxaanu tilmaamay inaanay Saxaafaddu ka dhex shaqayn Karin meel aanu sharci ka jirin oo qorigu ka talliyo.

Wasiir Ku xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay Tababar uu soo qaban qaabiyay Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka oo sadex maalmood ah ka socday Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa oo lagu kala saxeexday xeerka anshaxa saxaafadda.

Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu tallooyin u soo jeediyay qeybaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bini’aadmigu haddii uu dabar waayo sida awrka ayuu lumayaa, bini’aadmiguna waa inuu dabar yeeshaa waa in iimaankiisa iyo caqiidadiisa, dhaqankiisa iyo damiirkiisu xidhaa. Saxaafad xor ahi waxay u baahan tahay bulsho xor ah, bulsho xor ahina waa meel ay kala dambayni jirto, waana meel aan qorigu tallinaynin, waana meel aan la kala xoog weynayn.”

“Meesha sharcigu sareeyo ayay ka dhex shaqayn karaysaa saxaafadda xorta ahi,Iyadu markaa inay taas ilaaliso oo xoojiso ayaa looga baahan yahay si ay u abuurato deegaankii ay ka dhex shaqayn lahayd. Meel qorigu taliyo makarafoonkan iyo rikoodhkan yar ee aad sidataan kama shaqeeyo,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafintu.

Wasiir Ku xigeenku waxa uu ku booriyay Saxaafadda inay ku dedaasho sidii ay sharciga u dhawri lahayd, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Markaa waxay ila tahay Saxaafadda ayay sharciga dani ugu jirtaa ee waa inaynu innagu ilaashano. Annagu xukuumad ahaan waxaanu idiin balan qaadaynaa intiina halkan iskugu timid (Saxaafadda) haddii aad isku timaadaan oo aad xeerka anshaxa (Code of Conduct) samaysataan, waanu idinla saxeexaynaaye’ dhinacayaga (Xukuumadda) wuu ka fulayaaye ee dhinaciina ha ka fulo. Isaga uun baanu idinku xukumaynaa ee berito yuu qadhaadhaanin oo hadhowto yaynaan ku murmin.imka wuu macaan yahaye’ berina ha macaanaado. Sharciga ka maarmi maynu ee aynu ilaashano.”

“Meel bilaa sharci ah kuma noolaanayno oo waa xaaraam calayk, qofkii moodaya meel bilaa sharci ah inuu ku noolaado ka yeeli mayno, wax inoo dhaxeeya oo idinka (saxaafadda) iyo bulashadana u dhaxeeya ayaa khasab ah inuu jiro,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir

somalilandpost.netWasiir-Ku-xigeenka-warfaafjnta

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories