HomeXeerdejinta iyo xukuumad isxambaar ah:qalinkii(Boobe Yuusuf Ducaale) Qormadii 7aad

Xeerdejinta iyo xukuumad isxambaar ah:qalinkii(Boobe Yuusuf Ducaale) Qormadii 7aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadii: 7aad

Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,

Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:

Qodobka: 1aad

(Dhismaha Hay’adda)

Laga bilaabo 8da Jeeniweri, 1970ka, waxa la dhisay Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed,

Qodobka: 2aad

(Hawl-wadeennada)

1. Iyada oo la raacayo Amarka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka, hawl-wadeennada NSS-tu waxay ka koobnaan doonaan xubno laga soo wareejiyay ciidanka Xoogga dalka, Booliska iyo qaybaha kaleba,
2. Hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa, Xeerka Anshaxa ee Ciidammada Xoogga dalka iyo wixii Xeerar kale jira. Xeerarkani waxay dhaqan-gal ahaanayaan ilaa inta Guddoomiyaha GSK Xeerar u gaar ah Hay’dda NSS-ta u soo saarayo,

Qodobka: 3aad

(Sharciyadda)

Hay’addu NSS-tu waxay awood iyo sharciba u leedahay in ay ka hawl-gasho dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidaas oo kale adeegyada iyo hawl-gallada NSS-ta haddii ay baahidu timaaddo, waxa lagu fidin karaa dalka dibaddiisa,

Qodobka: 4aad

(Awoodda baadhista iyo qabashada)

Hadddii ay dantu qasabto ama ay baahiduba timaaddo, hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ u qaadan, waxay awood u leeyihiin ama u idman yihiinba in ay baadhaan qof kasta, hantidiisa iyo gurigiisa iyaga oo la wareegi kara hanti kasta. Waa haddii ay sidaa war ku helaan ama uu jiro shaki xoog leh oo tilmaamaya in Qaranka denbi laga galay,

Qodobka: 5aad

(Awoodda ay meelaha ay u baahdaan ku gelayaan)

Hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu waxay awood u leeyihiin ay ku galaan meel kasta si ay baadhis ugu sameeyaan wixii la xidhiidha ammaanka Qaranka,

Qodobka: 6aad

(Awoodda qabashada iyo xidhista)

1. Hawl-wadeennada NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ sidan waxay awood u leeyihiin in ay cid kasta qabtaan/xidhaan,
2. Arrimaha lagu soo qaaday Qodobbada 4aad, 5aad iyo 6aad, waa in iyada oo aan lala daahin ama lala habsaaminba loo gudbiyaa Maxkamadda Badbaadada,
3. Maxkamadda Badbaadada ee xil-gudashadan u idmani, marka ay hesho ogeysiinta Qodobbadan la xidhiidha, waa in ay soo saartaa oggolaansho ay ku amrayso go’aan-qaadasho kama-danbays ah,
4. Golaha Sare ee Kacaanku (SRC) wuxu beddeli karaa ama dhinac iska dhigi karaa, iyaga oo dhan ama qayb ahaan arrimaha lagu xusay Qodobbada sare,

Qodobka: 7aad

(La-shaqayn qasab ah)

Marka laga reebo ergooyinka diblomaasiyadeed ee deggen Jamhuuriyadda Soomaaliya, qof kasta oo Soomaaliyeed wuxu ku qasban yahay in uu la shaqeeyo NSS-ta si ay u gutaan xilalkooda,

Qodobka: 8aad

(Baabi’inta Hay’adihii hore ee jiray)

Marka la dhiso Hay’adda NSS-ta, waxa tir-tirmaya oo baaba’aya Laantii Gaarka ahayd (Special Unit) ee Booliska iyo War-doonkii Sirta ee Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana faylashooda, agabkooda, aarkiifiyadooda, gaadiidkooda iyo qalab kasta oo ay leeyihiinba waxay ku wareejinayaan NSS-ta,

Qodobka: 9aad

(Xuquuqda iyo hawl-gabka)

Inta Xeer u gaar ah laga soo saarayo, xuquuqda iyo hawl-gabka hawl-wadeennada NSS-ta waxa lagu maamuli doonaa Xeerarka lagu xaq-siiyo Ciidammada Qalabka Sida,

Qodobka: 10aad

Xeerkani wuxu dhaqan-gelayaa 8da Jeeniweri, 1970ka, waana in lagu daabacaa, laguna baahiyaa Faafinta rasmiga ah,

Muqdisho, 15ka Feeberweri, 1970ka,

Saxeexa
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka (GSK)

Sarreeye Guuto Maxamed Siyaad Barre

(Tarjumad aan rasmi ahayn oo aan anigu si degdeg ah u sameeyay si aad fikir uga qaadataan xeerkan ummadda Soomaaliyeed ku reebay ma-hadhadan ilaa maanta ku taairiisiga ahaan. Xidhiidhka Mareegta fadlan ka daalaco nuqulkii asalka ahaa ee Ingiriisiga ahaa)

Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre intaas oo keliya iskuma uu koobin, bal se markii uu muddo joogaba baahi ka qarsoonayd ummadda ayaa isaga hadba u muuqanaysay, markaa ayaa lagu dhaqaaqayay in Hay’ad cadaadineed oo sir-doon la sameeyo, waxaana ka mid ahaa Hay’adahaa dhagareed ee ummadda Soomaaliyeed lagu xasuuqay:

1. Guddidii Baadhista ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed,
2. Hangashtii,
3. Halgankii Hoose,
4. Iyo qaar kale oo badnaa oo midiba mid basaasaysay kana daba-shaqaynayay,

Dadweynaha in ay daba-galaan ka-sokow, iyaga ayaa isku maqnaa oo midiba mid daba-guraysay, meelo kala duwanna waa laga kala xukumayay. Ilaa heer gobol iyo degmo ayuu dhismahoodu u soo dhaadhacayay. Ma in ay cidi ka badbaadday ayaad u haysatan. Idinka waa idin ku sheeko.

Qoysaskii is-dhalay ee is-qabay ayaa is-basaasay. Ardaydii iyo macallimiintii wax baraysay ayaa is-basaasay.

(La soco……………………………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories