HomeXeerdejinta iyo xukuumad isxambaar ah:qalinkii(Boobe Yuusuf Ducaale) Qormadii 6aad

Xeerdejinta iyo xukuumad isxambaar ah:qalinkii(Boobe Yuusuf Ducaale) Qormadii 6aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadii: 6aad
Xeerkii Nabad Sugidda ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliya
Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo hoggaaminayay koox saraakiil ciidameed ah, ayaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ku qabsaday inqilaab milleteri 21kii Oktoobar, 1969kii. Inqilaabkan millateri oo aanu dhiig ku daadan, ayaa dalka ka dhacay ka dib markii uu ka talinayay nidaam Baarlamaan-ku-sheeg ahaa oo sagaal sannadood xukunka hayay. Maamul aad u liitay oo musuq-maasuq, eex iyo qabyaalad ku sifoobay oo dal iyo dadba khaati laga joogay ayuu ahaa. Koox yar oo reernimo isku hayasatay ayaa talada dalka gacanta ku haysay.
Cabdillaahi Suldaan, mar uu xaaladdii tagneyd sawir ka bixinayay waxa laga hayaa:

“Iyada oo isku huurtayoo,
Ninba meesha uu haysto,
Hudheelkiisii la moodoon,
Xafiis loogu hagaaginoo,
Cidiba soo hor maraynin,
Haybaddii naga duushay,
Habeenkaanu hellow,”

Cabdillaahi Suldaan, wuxu ka tarjumayaa dareenkii baahay ee shacbiga ahaa ee lagu naawilayay in ay sida roon wax isu beddelaan. Waa tii maansayahnkii Axmed ismaaciil oo loo yaqaannay Qaasim, qudhiisuna saadaasha ka bixiyay ee lahaa:

“Cishadii gashaba waagu waa, caynad gooniyahe,
Caammadu waxay moodayaan, curasho dayreede,
Cilmi Felegga way garan raggii, caalimka ahaaye,
Anigaa se moorada cakiran, kuu caddayn kara e’,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana war buu, sheegay Caliyow e’,
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa, cirirki soo dhaafye,
Carruuraha la dhacay awliyada, laga cadhaysiiyay,
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye,
Caawaa la kala soocayaa, caabud iyo gaal e’,
Casha aan fogeyn waxays beddeli, ciidan fara weyne,
Caaddaa rag koray buu nabsigu, hoos u soo celinne,”

Nidaamka bahaloobay wuxu ku soo af-jarmay dilkii bahalnimada ahaa ee Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo 15kii Oktoobar 1969kii nin askari ah oo ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood. Lix maalmood ka dib, iyada oo ay qoyskii talada dalka maroorsaday iyo intii ku xeerreyd ku shirayaan Xaruntii Xisbigii SYL, ayay ciidammadii qalabkii siday ee Xoogga dalka oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre inqilaab milleteri taladii dalka kula wareegay.
Maansayahankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde, mar uu habeenkaa sifaynayay wuxu yidhi:

“Annaga oo habayaaqnayoo,
Meel fog heeryada saarrayoo,
Qeyrkeen hoos ka marriyo,
Hadda oon is-ogeynoo,
Hog dheer laynagu duugaa,
Heddu waa waqtigeedee,
Hoggay Leego (SYL) gelaysay,
Hugun weyni ka yeedhayoo,
Anaa qaadi hoggaankiyo,
Anaa xoolo huraayiyo,
Hayb saran ka dhashay,
Ninba hoygi ku faanayoo,
Hig tidhoy kala yaacdayoo,
Hormaba gees u dullaantayoo,
Heshiis layska dhex waayay,”

Maxamed Siyaad Barre, taladan dalka ee uu qoriga caaradiisa kula wareegay ma ay ahayn mid ku-soo-booddo ah oo habeen uu seexanayay ku dhalatay, bal se waxay ahayd fikrad uu ka baaraan-degay oo uu soo diyaarinayay tan iyo 1967kii sida ay noo sheegeen looga-qaateenkii abaabulkaa wax ka ogaa.

Si uu dalka u maamulo oo uu gacantiisa ugu jiro, wuxu markiiba sameeyay wax uu ugu yeedhay Golaha Sare ee Kacaanka. Garo’ oo inqilaabkii uu talada kula wareegay ayuu asturay oo u bixiyay ‘Kacaan’, bal se ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba kadeed aan ilaa maanta ka hadhin ayuu u ahaa. Golaha Sare ee Kacaanka afka Ingiriisiga waxa lagu odhan jiray ‘Supreme Revolutionary Council’ oo loo soo gaabsan jiray SRC. Golaha Sare ee Kacaanka waxa loo soo gaabsan jiray GSK. Ereygan ‘Kacaanku’ beryo danbe ayuu baxay e’ maalmihii hore waxa la odhan jiray ‘Towradda’. Labada waxa caan-bacay oo ay dadku inta badan ku hadaaqi jireen amaba hal-hays u lahaayeen ‘SRC’-da. Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre si uu taladii dalka gacanta ugu dhigo isla markaana ay ugu suuro-gasho in uu ummadda sas iyo khalkhal ku abuuro, wuxu samaystay Hay’adihii cadaadiska iyo cabbudhinta ee uu ummadda ku san-dulleyn lahaa. Hay’adahaan cadaadiska waxa ugu horreysay oo dhidibbada loo taagay Hay’addii la eeday ee magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) lagula kufay, oo markii danbena dadku iyaga oo liidaya ay ula baxeen Ninka Suubban Siyaad (NSS) maa daama Axmed Saleebaan Cabdalle oo hay’addaa madax ka ahaa uu qabay Suubban Maxamed Siyaad Barre.

Xeerkan, aan maanta idiin soo tarjumayo waa markii iigu horreysay ee aan indhahayga saaro. Aniga oo ka soo hawl-galay Xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Muqdisho ayay haddana maanta kow ii tahay in aan Xeerkaa Soomaali oo dhan gumeystay markii iigu horreysay arko. Miyaanay Deelleeydii Cabdi Cali Weyd ee ‘Dacawaa cir ku onkoday’ ku jirin tuducan soo socdaa:

“Ninkii dabin libaax dhigay,
Daf u tidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi umaba daban,”

Ma aniga iyo cid baa ku seexatay 10 sannadood oo halgan hubeysan ahaa iyo 21 sannadood oo madax-bannaani la haystay ayaa la isku qabsan doonaa Xeer Sir-doon Qaran iyo magacyadii jaan ee ummadda laga xoreeyay.

Sow tii Raage Ugaas lahaa:

“Anuun baa ‘abeed’ lehe rag sow, ima ilaalaysan,
Sow waxaan illobaba nin xumi, ima ogeysiiyo,”

Aynu u soo daaddegno Hay’adda, Xeerkii lagu dhisay iyo ujeeddooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre ka lahaa.

Hay’addii Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee loo soo gaabsan jiray NSS, waxa lagu dhisay Xeerka lambarkiisu yahay 14 ee soo baxay 15kii Feeberweri, 1970kii. Sharciyayntii Xeerkan waxa lagu ballaysimay, annaga oo soo xiganayna Xeer Lm. 14 laftiisii oo PDF Ingiriisi ku qorani, wuxu ku bilaabmayaa:

Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,

Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:

(La soco……………………………………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories