Home‘Xeerarku Waa Xayn-daab Qofka Ka Ilaasha In Uu Isagu Xad Gudbo Ama...

‘Xeerarku Waa Xayn-daab Qofka Ka Ilaasha In Uu Isagu Xad Gudbo Ama Lagu Xad Gudbo’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka qayb galay ballaadhan oo lagu darsayay khilaafaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa soo noqnoqashada arrimaha la xidhiidha khilaafka (Conflict Analysis & Transformation).

Kulankan oo qaatay muddo afar habeen ah isla markaana lagu darsayey khilaafka iyo sidii loo baddali lahaa ama xal loogu heli lahaa soo naqonoqashadiisa ayaa habeen hore lagu soo afmeeray machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay kulankaasi iyo waxyaabhii uu ku saabsanaa waxaanu yidhi “Xalay Saacado kooban ka hor waxaan machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeisa ku soo afmeernay kulan qaatay 4 habeen isla markaana lagu darsayey khilaafka iyo sidii loo baddali lahaa ama xal loogu heli lahaa “Conflict Analysis & Transformation.”

xalinta-khilafka

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaa hubaal ah in marar badan ay dhacdo in dadka meel iskugu yimaada uu dhexdooda soo galo khilaaf, isagoo mid walbi is bidayo in uu saxsan yahay, balse taas macnaheedu maaha in lagu kala taggo ee waxaa suuro gal ah in hadii caqli iyo cilmi lagu daro si fudud looga gudbi karo isla markaana xal loo heli karo.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in bulsho kasta oo meel wada dagani ay leeyihiin hab iyo qaaab ay u xaliyaan khilaafaadkooda, isla makraana ay dhigtaan xeerar dabar u kala noqda, waxaanu yidhi “Ummad walba oo meel degan waxay leedahay hab ama qaab ay u xaliyaan marka khilaaf dhexdooda yimaado iyagoo dhiganaya xeerar dabar u kala noqda.

Xeerarku waa xayn-daab qofka ku gaddaaman oo ka ilaasha in uu isagu xad gudbo ama lagu xad gudbo.Si xeerkaas u dhaqan galo waxaa lagama maarmaan ah in la helo Xaakim marba u kitaab fura dhacdooyinka la soo darsa kuna eega aragti fog iyo fiiro dheer waayo Khilaafku Waa Sida Geedka, Marwlaba inta kuu Muuqata waxaa ka badan inta kaa Qarsoon.

Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh , bogaadina waxaan u dirayaa Mr Jonathan Rudy sida farxshaxanimada leh ee uu u soo gudiyey.

Sidoo kale waxaan u hambalyeynaa asxaabta aan wakhtiga kooban qalin wadaaga ahayn, iyo Jaamacadda suuro galisay kulankan.”

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories