HomeXeer laggu kala Xadaynayo waajibaadka Shaqo Ee Hay'adaha Xukuumadda oo Markii u...

Xeer laggu kala Xadaynayo waajibaadka Shaqo Ee Hay’adaha Xukuumadda oo Markii u horeysay laga hirgelinayo Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost) Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo qabanqaabiyey shir qaran oo lagu fallan-qayn doono qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda oo kala xaddayn doona awoodaha masuuliyiinta qaranka iyo hay’adaha kala duwan ee dawliga ah.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, isla markaana si rasmi ah shalay uga furmay Huteelka Mansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday hay’aha madaxbannaan ee dawliga, wasaaradaha iyo wakaaladaha qaranka.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa sheegay in xeerkan qabyadaha marka la isku afgarto la horgeyn doona Golaha Wasiirrada, ka dibna ansixiyaan, u gudbi doona Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).

“Xeerka Nidaamka Xukuumaddu wuxuu ka dhashay khudbadii Madaxweynuhu Barlamaanka ka jeediyey ayuu ku sheegay in ay u qorshaysan tahay in la sameeyo amma sannad gudihiisa lagu sameeyo xeerka nidaamka xukuumadda, taas oo ka dhalatay baahida dalka jirta oo ah in waaxda fulinta ama waaxda xukuumaddu aanu jirin xeer ka dhaxeeya oo maamula, marka la eego hay’adaheeda kala duwan ee wasaarado leh, wakaalado leh ee xafiisyo iyo mashaariic leh,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Iidle oo ka warramay marxaladaha uu xeerkan soo maray.

xeerka-

Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu iftiimiyey in xeerkan diyaarintiisa ay si wada jir ah uga hawl-galeen Xafiiskiisa iyo Wasaaradda Madaxtooyada, waxaannu yidhi “Samaynta xeerkan waxa uu madaxweynuhu u xil-saaray Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Madaxtooyada oo in badan ka shaqaynaayey iskana kaashaday ka wada shaqayntiisa, waxaana la sameeyey daraasad dhawr weji leh markii la samaynaayey qabyo qoraalka xeerkan, taas oo ka koobnayd weji sharci oo guud iyo mid gaara oo la xidhiidhay xeerarka dalka siday u maamulayaan marka laga soo bilaabo sida dastuurku uu u dhisay dawladda.”

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Md. Ibraahim Iidle Saleebaan waxa uu xusay in dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladdu u soo gudbiyeen macluumaad ku saabsan waajibaadka shaqo ee ay dalka u hayaan, isagoo ujeeddada xeerkan ka dambaysa ka hadlayayna wuxuu yidhi; “Ujeeddada uu leeyahay ee laga rabo xeerkan waa mid guud oo aan u jeedinaayo inta shirkan ka baxsan ee dibada joogta ee sida tooska ah amma aan tooska ahayn xeerka ula socota, taas oo ah in xeerkan ujeeddo ahaan laga leeyahay in la helo xeer saldhig u ah oo aasaas u ah dhammaan hay’adaha xukuumaddu ka kooban tahay; in xeerkaas kala xaddeeyo xilka iyo waajibaadka wasaaradaha, hay’adaha iyo wakaaladaha ee uu u sarreeyo Madaxweynuhu illaa agaasimaha heer gobol oo ah silsilad isku taxan. Waxa mid ah ujeeddada laga leeyahay Xeerka Nidaamka Xukuumadda tayeynta maamulka dawladnimada, waayo dawladnimadu waxay ku shaqaynaysaa siyaasad hoggaaminaysa xeer iyo maamul, xeerkan waxa kale oo uu iftiimin doonaa xadka u dhaxeeya masuuliyiinta heer siyaasi iyo masuuliyiinta heer maamul, halkee buu ka bilaabmaa masuulka siyaasadeed amma maamul, waa maxay xilka iyo waajibaadka ka dhaxeeya.”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Md. Bashiir Cabdi Xariir, ayaa tilmaamay in guul weyn ay ahayd abuurista xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, isagoo soo dhaweeyey xeerka Nidaamka Xukuumadda, waxaannu yidhi; “Xeerkan waa xeer muhiima laba shay baana la inooga baahan yahay, kulankiinana waxa ka muuqan doonaa aqoonta iyo waayo-aragnimada ku jirta masuuliyiinta iyo agaasimayaasha hay’adaha madaxa bannaan iyo ragga la midka ah ee xukuumaddu u igmatay, waxaana ka muuqan doona sawirka xikmada iyo waayo-aragnimada aqoonta ay u leeyihiin maamulka dadka halkan isugu yimi, waxaannu xeerkan innaga furan doonaa muran, khilaaf iyo caqabado badan oo wasaaradaha iyo hay’adaha shaqada isugu imanaya ku dhex mari jiray oo xukuumadda u soo gudbaayey, waxaannu caddayn doonaa kaalinta masuuliyiinta qaranka.”

Wasiirka Wasaaradda Shaqadaha iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Garaad, ayaa xubnaha fallanqaynta xeerkan ka qayb-galay ku tilmaamay in haddii xeerku guulaysto ay noqon doonaan dad taariikhdu xusto, waxaannu yidhi; “Waxaan ilaahay ka rajaynayaa in xeerkani noqdo mid inaga qabyo tira waxyaabaha innaga qabyada ah, tusaale ahaan Wasaaradda aan joogo waxa la yidhaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay hore u ahaan jirtay Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, dawladda cusub markay dhalatay ayaa la beddelay kelmada qoyska oo waxa lagu soo beddelay shaqada oo wasaaradda caafimaadka ka mid ahayd, balse wax digreeto ah oo lagu abuuray wasaaradda oo xafiiska taala oo la odhan karo kulamaan wareegin, waajibaad ay leedahayna kulamaan wareegin, taasina waxa weeyaan in wasaaraddan hawlaheedu qaybo tahay, sidaa darteed waa inaad qeexdaan idinka oo u arkaya qarankan curdinka mustaqbalkiisu inuu noqdo qaran leh xeer nidaamiye kala qeexa waajibaadka Wasaaradaha, Wasiir iyo Wasiir-ku-xigeen, Wasiir iyo Agaasime.”

Shirkan oo socon doona laba maalmood waxa masuuliyiinta ka qaybgalaya ay ka doodi doonaan qaybo qoraalka xeerkan, ka dibna waxa uu Garyaqaanka Guud u gudbin doona Golaha Wasiirrada.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories