HomeXeer Iyo Xakame Miyaan Loo Helayn? QALINKA: Wariye Cumar M Faarax

Xeer Iyo Xakame Miyaan Loo Helayn? QALINKA: Wariye Cumar M Faarax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Laba oorya Walaaliyo
Ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin adduunkee
-marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo
ilmahayga ku waayo
-mar aan aayo la’aanta
seedigay ugu aarro oo
walaashay asay qaado
-mar hadday aqalkayga

Haddii layga adkaadiyo
Hadaan raystey idhaahdaba
-mar lay oohin u tahay
bal maxaan istafiiday”

Maansadii ERGO ALLE ha u naxariistee Marxuum- Macalin Maxamed Xaashi Dhammac Gaarriye

Maalin walba dhib hor leh iyo dhiillo  aan loo fadhiyin ayaa si kadiso ah loo maqalayaa. Shilka ummaddayda  ku dhacay ma aha dhacdo cusub’e waa isla Hoggii jaan ee boqolka kun ee jeer laga  soo qaniinay oo aan waxba lagu qaadanayn  aafaadkii  hore .  Ardaayo walaalo ah oo ood-wadaag ah oo maalin walba isku muruxsanaya oo dhiigoodu ku daadanayo  Biyo iyo Baad haddii si walaalnimo leh ay u wadaagi lahaayeen ku filnaan lahaa.

Muran laba qof ama dhawr shakhsi oo kooban ku siman  ayaa isu bedelaya weerar abaabulan oo  laba daraf ah oo hubka iyo baaruudda la isla dhacayaa inta saacado tirsan siidhiga shaydaanka la iskugu dhufto. Halyey aan waxba galabsan  ayaa lagu sadqaynayaa mid  ay hayb guud  wadaagaan, markaas ayay xaajo dhabqaysaa oo colaaddu saamaynaysaa deegaan Nabdoon oo la tacaalaya nolasha adag ee Reer Guurraagga.

Kolkaas ayaa sidii laga arki jiray dhaqammadan gurracan ay is bixin waayaysaa oo xigto iyo xigaalba la hilmaamayaa.

21-kii Bishan August oo ugu dambaysay ayuu mar qudha taarku is-qabsaday, waxa shaqaaqo khasaare badan dhalisay dhex martay laba ardaa oo walaalo ah oo ood-wadaag ah oo wada degan deegaanka u dhaxeeya Oog iyo Gar-adag, waxa dhintay afar qof, halka 7-da kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo  Afar ka mid ah xaaladoodu cuslayd.

Kuye waxa la isku laayay ceel biyood iyo goob xoolaha lagu dhibeeyo oo  dan guud ah oo ay wadaagi jireen. Intii aynu ka adkayn   ee dhaqanka iyo xeerkaba u ahayd Somaliland, gurmadka ayaa hadh-beelay xukuumad, Ciidammadda kala duwan, waxgaradka iyo Madax-dhaqameedba.

Waxaan u ALLE baryayaa EEBE  Naxariistii Jano ha ka waraabiyee Marxuum-Suldaan Barre Warsame Shirre oo ka mid ahaa Salaadiinta dalka oo ku geeriyooday habeen hore dooxa dacar-budhuq ee u dhaxeeya Jidka Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii uu Gaadhigii uu saarnaa daadku qaaday, xiligaasi oo Marxuumku u guuraynayay goobta shaqaaqaddu ka dhacday oo uu ahaa gurmadkii Hargeysa ka baxay.

Waxaan rajaynaynaa in dhibta  intaas lagu xakameeyo isla markaana laga wada  shaqeeyo sidii  labada ardaa ee isku khatalmay bogoodda burcad la isku marin lahaa oo loo kala bogsiin lahaa utunta beerrantay. ILAAHAYNA ha ku guulleeyo inta samaha jecel ee galaan-galka u leh xalinta  Nasiib darrooyinkeenan aynaan kaba korayn ee dhaqanka dabiiciga ah inoo noqotay  madaxdhaqameedkana u noqotay mid maalin walba ay u soo taagan yihiin.

 Mid ka mid ah da’yarta indheer-garadka ah ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo mid ka mid ah goobaha bar-kulanka bulshadda  kaga hadlay sida uu uga xun yahay dhiiga daatay iyo dhibta aan joogsiga lahayn ee kolba gobol ama deegaan ka soo yeedhaysa ayaa soo jeediyay hindise  malahayaga aanay Salaadiinta Somaliland marna isla soo qaadin, haddii ay isla soo qaadeenna aan la shaacin.

“Salaadiinta Somaliland tiro ahaan way badan yihiin, maxaa u diidan inay xeer dhaqan dejiyaan oo ay bayaamiyaan qaraar la xidhiidha “In ciqaab adag lagu fuliyo cidii aano u  khaarajisa cid aan waxba galabsan oo loo dilayo inaadeerkii oo dhagar hore galay”Waxay siday arrintan u xadhayaan ay marka dambe la kaashan lahaayeen Golaha Guurtida oo ah aqalka sharciyan kaalin weyn ku leh ilaalinta nabad-gelyadda oo waxa laga soo dhigi karayaa xeer nidaamiye sharci ah oo la mariyo nidaamkii sharciyeed. Waxa qorshahani uu in uun xakame iyo xadhig adag u noqon lahaa dilalka fool-xumadda ah,”ayuu yidhi Ibraahim Siciid oo gu’ga soo socda 24  jirsanayaa.

cumar faaraxWiilkan dhalinyaradda ah  oo ay kurbo iyo xanuun wel-wel leh ku haysay shaqaaqadani waxa uu  wejigiisa qurxoonaa   la qayirmay sida uu maskaxdiisa uga tuujinayay inuu ka fikiro wax si uun ummaddeena u kala bad-baadiya.

Ibraahim Siciid Saaxiibaddii waxay qabeen in xukuumadda, salaadiinta iyo Golaha Guurtidaba looga fadhiyo inay qaadaan wacyi-gelin balaadhan oo dariiqa loogu xaadhayo sidii loo joojin lahaa shaqaaqooyinka beelaha dibin-daabyo qaran dalka ku haysa. Waxay faaqideyaasha mawduucani ay qiyaasayeen kharashka ku baxaya dhaq-dhaqaajinta ciidammadda  sugida xuduudaha heeganka ugu jira ee kolba laba raas oo diriray la kala dhex dhigayo.

Bal dhugo sida  ALLE ha u naxariistii  macalin Gaariye uu  cidhib la’aanta colaada sokeeye u suureeyay sow kii lahaa.

 “Abley baan ramiyaa
Afeeyaa Shirabaa
Adhaxdaan is jaraa
Oogso baan is-idhaa
afweyntaan u dhaca”

Si kastaba arrintu ha noqotee waxaan ku soo gabo-gabaynayaa qormaddan  Maansadda Nool ee Abwaan Gaarriye tuducyadan hoos ku xusan oo ah kuwo madhaafaan ah oo loo baahan yahay in labadaas raas ay maanka ku haystaan inaanay ka abaal ka dhicin ergadda dul-fadhida ee danta guud nabadda hiilka u ah.

“Aaminaay waan gabyayaa
Nin abwaanana waan ahoo
ereygiisu tuf leeyahay
Hadeydaan i adeecinoo
ergedaan ahay maanta
ka abaal ka dhacdaan
Ilaahay balankii
ibtilaa dhici doonta”

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories