HomeXeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Tuuganimo Cad ku tilmaamay go’aanka lagu...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Tuuganimo Cad ku tilmaamay go’aanka lagu fasaxay Wargeyska Hubaal ee ka soo baxay Maxkamadda Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Xasan Axmed Aadan, ayaa go’aanka lagu fasaxay Wargeyska Hubaal oo muddo sannad iyo dheeraad xayirnaa ku tilmaamay mid hab tuuganimo ah uga soo baxay garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo Axaddii todobaadkan soo xidhay dacwad loo haystay Wargeyskaas.

xeer ilaaliyeGo’aan shalay ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xayiraad dib loogu saaray Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo Axaddii dorraad maxkamada Gobolku ka qaadday xayirad saarneyd muddo 13 bilood ah oo markii u horeysay la daabacay caddadkiisii u horreeyey wixii muddadaas ka dambeeyey maalintii Isniinta ee shalay oo uu soo baxay.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanay Xeer ilaalintu waxba ka ogayn qaraarka lagu fasaxay Wargeyska Hubaal oo xeer ilaalintu u gudbiyey Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex oo hore u xayirtay Wargeyska Hubaal.

“Hubaal waxa soo Eedeeyey Booliska,Maxkamadda ayuu in Badan ku jiray, Dacwadan Markii hore waxa gacanta ku Haysay Maxkamada Gobolka,Xafiisk Xeer ilaalintana Nin Xeer ilaaliye Ah ayaa Dacwadan oogayay,Marka La doonayo in dacwadda La oogo Dhinacyada Boolisku way isa soo diyaariyaan Xeer ilaalintana waa loo yeedhaa,Markaas Xeer ilaalintu Goob joog kamay Ahayn Meeshaas Hubaal Lagu Siidaayay.” Ayuu yidhi Xeer Ilaaliye Xasan.

Xasan Aadan waxa uu yidhi, “Arrintan Xayiraadda lagaga qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo, oo is waydiin Mudan waana arrin Tuugo Ah,Garsooruhuna waxa ay ahayd Inuu Dacwadda Qaado iyada oo loo dhan yahay,Ka dibna Go’aanka Sheego Hadii uu siidayay iyo hadii kaleba ileen isaga ayaa u madax Banaane,Anagu Anbiil waanu ka qaadan karnaa hadaanu saluugno Sida wax loo xukumay,Laakiin Go’aan qayb ah Ayay soo saartay Maxkamadda Dagmaddu.”

Maxkamadda gobolka ee soo oodday kiiska loo haysto Wargeyska, ayaa go’aankeeda u cuskatay inaanay jirin cid dacwadaasi wada oo dhibane ah, inkasta oo Eedaysanaha Dacwadda lagu macneeyay Qaranka iyada oo Wargeyska loo haysta lagu sheegay Arrimo Qaranka ka dhan ah oo wargeysku baahiyey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo xubno ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee dawladda ayaa qayb ka ah dacwadda loo haysta Wargeyska Hubaal, balse ilaa immika ma jirto caddeymo la horgeeyey maxkamadda oo ku saabsan eedaymaha loo haysto Hubaal, arrintaas oo sababtay in Maxkamadda gobolku soo Ooddo Kiiska, go’aamo iska soo horjeedaa ka soo baxaan hay’adaha garsoorka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories