HomeXeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Hadlay Sababta Xadhiga Laba Suxufi oo...

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Hadlay Sababta Xadhiga Laba Suxufi oo Hargeysa ku Xidhan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa ka hadlay xadhiga laba suxufi oo maalintii labaad ku xidhan magaalada Hargaysa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland ayaa cadeeyay in labada suxufi xafiiskiisu xidhay islamarkaana ay sifo sharci ah ku xidheen, waxa kale oo uu sheegay in maxakamadda uu la tiigsanayo mulkiilihii wargeyska Hubsad iyo tifaftiraha wargeyskaasi. waxa uu sheegay inay soo saareen wargeys sharci darro ah, isagoo ku dooday in wargeysa uu qof kale magaciisa ku diwaangashan yahay, balse iyaga ayaa sheegaya inay iibsadeen.

Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka oo ka hadlaya sababta rasmiga ah ee keentay in la xidho suxudfiyiintan ayaa waxa uu yidhi “Labadaa Wariye Shalay xagan bay iigu yimaadeen, laakiin ka hor waxa soo baxay qoraallo uu daabacay wargeyska HUBSAD. Haddaan taariikh yar wargeyskaa idinka siiyo waxa halkan laga diiwaangeliyey 23/8/2010, anigu wakhtigaasi waxa aan qabtay xilka oo way iga horaysay wakhtigii la diiwaangeliyay, hase ahaatee mudadaa shanta sanno ah wax qoraallo ah oo uu soo saaray wargeyskaasi oo dalka laga akhristay may jirin. Maxamed Nuux Cige nin la yidhaa baa ku diiwaangashanaa, waanna kaa xafiiska diiwaangelinta lagaga diiwaangeliyay. Markaa annaga sidaas buu noogu diiwaangashanaa laakiin wax production ah oo uu soo saaray muu jirin. Imika muddo laga joogo saddex wiig meelahaas waxa soo baxay HUBSAD, jariirradan cusubi maxay ahayd baa na lagu idhi oo nala soo waydiiyey. Nimankii waa la raadiyey oo waa la waayey waxa aannu wargelinay CIDda, wasaaradda warfaafintana waannu ka wada hadalnay in la hakiyo oo aannay dib u soo bixi doonin. Markaa xaq baannu u lahayn in nimankaa la raadiyo oo sharciga lala tiigsado laakiin xagan baa waxa noogu yimid ururka saxaafadda ee SOLJA waxay nagu yidhaahdeen waar nimanyahaw khalad baa dhacay ee yaan la xidhine ha laga joojiyo uun in ay dib u soo baxdo, sidii baa warqad loogu qoray madbacadda. Markaa dacway gaysteen maxkamadda, dacwaddaasi waxay ahayd iyo wax nalaga soo ogaysiiyey iyo mid ay lahaayeen annagaa lehba, waxay doonto ha noqotee, shallay bay xagan iigu yimaadeen. Waxaanna ay igu yidhaahdeen waxa aannu doonaynaa in aannu jariiraddii furanno. Waxa aan ku idhi jariiraddaasi way xidhan tahay oo idinkuba dambi baad ku kacdeen oo waa la idin raadinayee, jarriiiraddaasi horana umay soo bixin imika soo bixi mayso. Waannu soo saaraynaaye waxa aad doontaan ku kaca ayey yidhaahdeen”

 

Daawo Muuqaal Xeer-ilaaliyaha oo ka Waramaya Xadhiga Suxufiyiinta:

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories