HomeXeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ka hadlay sababta uu u joojiyey...

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ka hadlay sababta uu u joojiyey Ruqsadda Warbaahinta iyo Nuxurka Warqaddii uu ku Meelmariyey Amarkiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Xasan Aadan, ayaa markii ugu horresay shalay ka hadlay qoraal uu dhawaan soo saaray oo uu ku joojiyey diiwaangelinta Hay’adaha cusub ee Warbaahinta, gaar ahaan TV-yada iyo Wargeysyada, isaga oo ku andacooday inay jiraan Hay’ado Dhukummentiyadooda Wasaaradda Warfaafintu u gudbisay aanay buuxinnin shuruudihii looga baahnaa.

Xeer-ilaaliyaha guud ma cuskannin wax ka weyn inay jiraan qaar diiwaangelin doonaya oo aan buuxin shuruudihii looga baahnaa, marka laga tago Xeerka Saxaafadda oo dhawaanahanba ay Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo si weyn ugu dedaalaysay inay tirtirto ama ay ku soo kordhisay qodobbo cabbudhinaya Xorriyadda Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somaliland ka hawlgala.

Mar uu Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Somaliland Axmed Xasan Aadan maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Warqadda haddii aan ka jawaabo aniga ayaa qoray oo waxay ku socotay Wasaaradda Warfaafinta, ogaysiinnayna Wasaaradda Madaxtooyada oo loo sii marinayay Madaxweynaha. Xafiiskani waxa uu u xill-saaranyahay diiwaangelinta Saxaafadda, ha noqoto TV-yada, Jaraa’idka iyo Idaacadaha iyo wixii la hal-maala. Subaxdii aan arrintaasi qorayay Saxaafaddu diiwaangelintiisii immika baryahan waxa Wasaaradda igaga iminayay Dukummentiyo aan waafaqsanayn sida Xeerka Saxaafaddu dhigayo.”

Hadalkan Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii ay shalay shir jaraa’id oo ay Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku qabteen Huteel Xaraf ay si adag ugaga hadleen qoraalka Xeer-ilaaliyaha oo ay si weyn u cambaareeyeen. Haddaba, qoraalka uu Xeer-ilaaliyaha guud soo saaray 23-kii bishan aynu ku jirno sannadka 2011, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Ku: wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL

Og: Wasiirka Madaxatooyadda JSL

Ujeeddo:- Joojin Diiwaan gelinta Wargeysyada iyo TV-yada, si ku meel gaadh ah.

Waxaan idinla socodsiinaynaa in warbaahinta aad noo soo gudbisaan si aannu u diiwaangelinno aanay buuxinnin aqoontii iyo shuruudihii looga baahnaa, arrintaasi oo aan waafaqsanayn Xeerka Saxaafadda.

Sidoo kale, waxa loo baahan yahay in wax ka beddel lagu sameeyo Xeerkaas, si loo helo Xeer dhammaystiran oo ka turjumaya Saxaafadda oo dhan, Sidaasi darteed, waxaannu idinku wargelinaynaa inaannu si ku meel gaadh ah u joojinnay diiwaangelintooda, illaa inta wax ka beddel lagu samaynaayo Xeerkaasi. Allaa Mahad leh. Xasan Axmed Aadan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.”

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories