HomeXeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah (Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo...

Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah (Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka) – Qormada: 3aad ~ W/Q: Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Beryahaa uu macallinkii Maxamed Siyaad Barre dalka ka talinayay, sidaas ayaa loo yaqaannay Baarlamaan-ku-sheeggii dalka ka jiray.

Intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenna ee aynu samaynay Jamhuuriyadda Somaliland, naanaysaha u baxay Golaheenna Wakiillada waxa ugu mudnaa ama ugu magac-dheeraa, sida aad ka wada dheregsan tihiin magaca ‘Dhaameel’. Waa intii aanay xukuumadda maanta dalka ka talisaa kursiga ku fadhiisan.

Maanta, marka aynu dheehanno xaaladdan aloosan iyo sowraca xeerarkan ay inagu sharciyaynayaan, iyo sida aanay u danaynayn goldaloolooyinka maamulka ku jira, maxaa loo bixin lahaa ama loogu wan-qali lahaa? Malahayga waxa ila fiican in aynu ku deysanno tuduc Hadraawi lahaa oo odhanaya:

 

“Dib baa looga sheekayn,

Ka-daraa u-magac-bixin,”

 

Waxaan hordhacan gole-ka-fuulka ah ee kooban ku soo khatimayaa, tuducyo aan ka soo qaadanayo maansadii Taariikhiga ahayd ee ‘Daba-taxan’ ee 5/1/1997kii Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye, ka tiriyay Shirweynihii Guurtida ee xilligaa ka socday Hargeysa, waxaanu yidhi maalintaas:

“Afartaa dheh: ‘Deelleey,’

Dig siiyee ku soo noqo,

Demmenaha warkiisii,

Dadka waxa ka soo dhacay,

Duruustii la barayoo,

Daarihii burburay shalay,

Waxa maanta kaga daran,

Iimaan-darraantiyo,

Nabaad-guurka Diintiyo,

Kaga dhacay damiirkoo,

Dal waxaan ku noolahay,

Saddexdii dalaaqood,

Lagu furay dadnimadii,

Dal waxaan ku noolahay,

Runtu arag-darraysoo,

Daaddihi la yidhi been,

Hadday dunida ceeb tahay,

Dus-duskiyo khiyaamadu,

Noo dabeecad weeyaan,

Nin dillaala mooyee,

Degmadaan ku noolahay,

Nin daryeel yidhaahdaa,

Dulli buu ka qoran yahay,

Hebel laga ducaystiyo,

Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Mana laha nin dooroo,

Dayaxii u soo baxa,

Daammur baa la mariyaa,

Mooralkaana laga dilay,

Danabyadii u kici laa,

Markii geela loo diray,

Kii maqasha daayacay,

Maanta oo dhan ka geyoon meynno xigashada Gaarriye ee waxyaabaha dalkeenna ka dhacaya ee aynu goob-joogga ka nahay ee aan weliba la iskula yaabayn.
Waxaan is-lahayn, siday ugu soo xiiqeen ee ay ugu xoolo beeleen si ay kursigan u fadhiistaan iyo dareen-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta maanta taagan. Beyd Hadraawi lahaa oo maansadii Gudgude ku jiray ayaa igu soo noq-noqda oo ahaa:
“Gunti furay nin caashaqay haddii, guudka loo sudho e’”,
Waxay ahayd oo xeer iyo xaagaanba inoogu qoran in aynu wax-qabadka iyo hawl-gallada Golaha Fulinta ee Madaxweynuhu hoggaamiyo uga cabanno ugana dacwoonno Golayaasha Xeer-dejinta. Waa se sillan-sugan oo waa sidii kale. Golihii Wakiillada ee aynu u dacwoon lahayn ee aynu Waaxda Fulinta uga caban lahayn, ayaynu Madaxweynihii Waaxda Fulinta u madaxda ahaa uga dacwoonaynaa. Wax walba madaxiisii minjo ayaynu u rognay. Meeday dimuqraadiyaddii baarlamaaniga ahayd ee aynu ku naalloonaynay. Waa Wakiillo dadweynaha ka wakiil ah oo la soo doortay oo ay tahay in ay ra’yiga dadweynaha la shir-yimaaddaan Sidaas ayay Wakiillo ku noqonayaan, illeyn Golaha Wakiillada soo wada fadhiisan meynno oo inama wada qaadayo e’. Iyaguna waxay isu qaateen in la Boqray oo aynu addoomo u hoggaansan nahay. Xildhibaanku marka uu Golaha Wakiillada dhex fadhiyo ayuun buu ina dheer yahay hadalka ama doodda uu ka qayb-gelayo iyo farta uu taagayo. Ma haddii kalaa, waa qof caadiya oo magaciisa loo raacinayo Xildhibaan ee wax kale yaanay isu qaadan. Miskiinnimadeenna ayay arkeen. Fulin iyo Xeer-dejinba innaga ayaa dirannay. Waa in ay inoo adeegaan oo aanay inoo qaadan in aynu innagu u adeegayno. Karaamada iyo Haybaddaba innaga ayaa iska leh.
Gole Xeer-dejineed iyo Gole Fulineed oo isku jiq ah meel ku gaadhi meynno. Laba isu nacamleeyana kob caano leh kaga soo durdurin meynno. Mid waliba xilkiisa si nadiif ah ha u guto oo dadka iyo dalka ha u shaqeeyo ee yaan laga shaqaysan oo aan loo heshiin ma-huraanka maanta la hagranayo, horena loo hagraday, dibna loo hagran doono haddaan laga gurman.
Waxba yaan qalin-taraarin e’, aan meel gaaban oo aan sidaa u sii fogayn ka soo kala fireeyo.

Mowduuceennii Hay’adda Nabadgelyada ku soo noqo:
Hay’addan Nabadgelyada ama Nabad-sugiddu wax adduunka ku cusub ma aha. Dhanka kale marka aad iska taagto, adduunyadu waa ay ku kala duwan tahay aragtida ay ka kala qabto Hay’adahan Nabadgelyada. Siyaabo badan ayaa loogu kala duwanaan karaa ama la iskugu khilaafi karaaba.
Marka mowduucan Xafiiska Nabadgelyda laga murmayo waxa laga kala dhaqaaqayaa aragtiyaha ay ku dhisan yihiin dawladaha kala duwani. Midi iyadu shaki kuma jirto oo waa geed-ka-go’an: Talis milleteri ah oo qori caaradii dal ama ummadba ku qabsaday, Hay’adda nabadgelyo ee uu dhistaa waa mid cadaadin, cabbudhin iyo xasuuq dadweyne loogu talo-galay si aanay uga hor iman nidaamkaa dalka ka talinaya.
Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwa la midka ah ee xukuumadaha qoriga ku qabsada, la yaab ma laha in ay samaystaan Hay’ad Nabad-sugideed oo dadweynaha u cabbudhisa una ciqaabta. Maxaa wacay? Nidaamyada baadi-soocdaa lihi waxay marka horeba halkan soo dhigtaan in aanay xukunka ka deign, haddii aanay weliba marka danbena dhaxaltooyo ka dhigin.
Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay: innagu nidaam ahaan miyaynu sidaas oo kale noqon karynaa? Jawaabtu waa MAYA far waaweyn ku qoran. Dalkan Dastuur ayaa lagu maamulaa, xilkuna waa meerto oo waa muddeysan yahay. Kolka xaal caynkaas yahayna sabab la isu xuuraamo, la isu dabo-galo, la isu dhega-dhegaayaa meesha ma taal. Dastuurkii ayaa dammaanad qaadaya dimuqraadiyad si badheedh ah oo xalaal ah la isugu dhalliilayo, la isugu ololeeyo si uu xilku meerto u noqdo oo aanay cidi ugu dheggenaan. Laba jeer wax ka badan in aad xilka hayso Dastuurka ayaa xaaraantimaynaya. Markaa maxaa looga baahan yahay in dadka guuxooda iyo dareemmadooda laga tarjumo. Mise wax aynaan ogeyn ayaa jira, oo burkaba bahal kama aynaan filan.
Nidaamyada keli-taliska ah waxa ka duwanaan kara sida caqliga fayoobi ina siinayo, Hay’adaha Nabadgelyada ee ay dhistaan xukuumadaha Barlamaaniga ah ee ku dhaqma nidaamka dimuqraadiga ah. Waxyaabaha kale ee lagu kala tegi karo waxa iyaguna ka mid ah:
1. Ujeeddooyinka gude iyo dibadba laga yeelan karo hay’adaha noocan ah,
2. Baaxadda jiidaha ama aagagga laga hawl-gelayo,
3. Miisaaniyadda ama adeegyada la haysto si loo hawl-geliyo hay’ad noocan oo kale ah,
(La soco……………..)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories