HomeXEEBTII KALGACALKA

XEEBTII KALGACALKA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Badda marka aad cagaha galiso xaaskaagana aad gacanta hayso eed dabaal barayso waa saacadaha kuugu farxadda badan dunid

Iyaba waa yaabe Arooskaygii bil kadib ayaan fasax ka helay xafiiskaygii shaqada waxaanan ku fekeray inaan fasaxaa uga faa’ideeyo xaaskayga ku cusub nolosha qoysnimo. Habeenkii markii aan guriga imi ayaan u sheegay xaaskaygii arinkaan maanta ku fekeray yadna way ku faraxday iina sheegtay inaan Berbera kusoo qaadano fasaxaa gaaban.

blank

Xaaskaygii aan jeclaa ayaa garabka i haysata iyadoo faraxsan ayaan ku idhi ina gali badda, cagtaydii ayaan dacalka badda dhigay iyadna badii ayay dacal ka galisay, qunyar qunyar ayaan u soconay, gacmaha ayaan qabtay oon biyihii isku tuuray si ula kac ah, intay
ku dhex dhacday biyihii ayay hafatay, waan ka dhex saaray biyihii kuna idhi maku dabaal baraa, waxayna igu tidhi Haa..Maya..Haa..Maya.. mar labaad ayaan la quusay Baddii, haddana dib ayaan uuga soo saaray, iyadoo Hiin-Raagsan ayaan gacantayda biyo daray oo wajiga kaga saydhay, yaduna intay dartay ayay igu saydhay, marar dhawra ayaan sidaa ku celcelinay ilaa ay biyihii iga dhex carartay anna waan ka daba cararay oo intaan gacanta soo qabtay kaga bajiyay inaan quusinayo, gadhka intay i qabatay wajigana baabcadeeda ii marisay ayay igu tidhi: Gacaliye ha i quusin. Hhhhh waan qoslay waliba aad ayaan ugu qoslay baryada ay cabsidu ku jirto, inta ay yadna qososhay ayuun bay ku luuqaysay heestii ahayd

Doonidii jacaylka ayn raacnee, haynala dawaaftee ku soo bood,

Dusheedayn isku waraysan doonaayee,

Bacaadka ayaan fadhiisanay. Meel raysa oo ay soo gaadheen biyihii baddu ayaan salka dhigay iyadna way i ag fadhiisatay.Dhulka ayay ku sawirtay wadne, laba indhoodna way ku dhex sawirtay kadibna dhibco aad ilin moodo ayay hoos dhigtay il kasta, intay isoo eegtay ayay tidhi ” Xabiibi waagii aynu haasaawi jirnay Inaan hoy kula galo ayaan ku hammiyi jiray, se maanta ayaan xaqiiqsaday Riyadaydii berigaasi inay ii rumowday”, intaan qoslay ayay yadna oyday, madaxeediina dhigtay laabtayda, labadeeda gacmoodna ka buuxsatay dhexdayda, ilintii ka qubanaysay indhaheeda ayaa ku dhacday laabtayda. Ilin aad moodo falaadh lagu ganay jidhkayga ayaa shuf tidhi bartii uu yaalay wadnahaygu ax… ax… waxaan dareemay xanuunka ay ilmadaasi ii gaysanayso, Wadnuhu dhiig ayuu hibitiqayaa indhahana ilin ayaa i dareeraysa, tifiq inta ay tidhi ilintii ayay dhofoorka xaaskayga dhatalaq ku tidhi, inta ay booday ayay sacabadeeeda ku masaxday indhahayga, ana dhunkasho ayaan labadeedii dhaban kaga siiyay Mac..Mac. iyadna sidoo kale intay madaxayga ka buuxsatay hoosna ii soo gundhisay ayay Dhabanka bidix dhukasho igaga nabtay intay indhaha isku qabatay ayay hadana kii kale ku nabtay kadibna qososhay ana waan u qoslay. Alla dhunkashadu macaanaa ayaa afkayga xoog uuga soo baxday intay dhoola caddaysay ayay tidhi ” yaa ku daawada oo sida burcadka kugu dhaashada”.

Neecaw qabow oo kasoo dul kacday badda ayaa dubkayaga martay. Ka warran jawiga? Ayaan ku tuuray Xaaskayga intay dhooleheedii itustay sidii qof qosol hayo ayay tidhi “aduu kuu eeg yahay” intaan qoslay ayaan idhi “Indho-deeraleeyeey ninka isku helay Neecaawdaa qabow iyo Sheekadaada debecsan ayaa ah mid raga ka horeeya”, xaaji iga kala daa amanta ayay si farxad leh ugu dhawaaqday, neecawdii oo dhacaysa iyo codkeedii cudoonaa oo ii baxaya iyo baddii berbera oo hortayda wadhan iyo indhahaygii oo ka dhexbaxay indhii xaaskayga iyo yadii oo igu dhaygagtay ayaan is idhi: bal dunidu may iska ahaato sidaa! qiyaamuhuna muu ku dhaco sidaa!.

Nabadeey.

W/Q: Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf (Cabdi Dhuux)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories