Home‘Xawaaladda qaran waxa la xidhay oo ay shaqada joojisay bishii February 18th,...

‘Xawaaladda qaran waxa la xidhay oo ay shaqada joojisay bishii February 18th, 2012, halka Xawaaladda Jubba Express-na Somaliland laga furay February 2010’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Marka hore waxaan jecelahay inaan halkan ka salaamo dhammaan akhristayaasha kala duwan ee kala og ama kala garanaya qoraalka Been abuurka ah iyo ka runta ah,kuwa dhuuniiga iyo dhaqaalaha sida khaldan lagaga doonayo shirkaddaha ganacsiga iyo dadka hantiilayaasha ah.

Hadaba maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2013 ahna yoom Salaasa ha waxaan doonayaa inaan halkan ku caddeeyo kuna fashiliyo beenta iyo aflagaadada aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay caadeysteen qaar ka mida war sidayaasha dalkeena kuwaas oo noqday war xumo tashiilka raba’uun inay dalkooda iyo dadkooda uun markasta ka sheega waxaan jirin.

Sidaa darteed waxan ku soo qaadanayaa qormadaydan warar lagu dacaayadeynayey mid ka mida shirkadaha ganacasiga ee dalka ka shaqeeya gaar ahaanna Xawaaladda Jubboexpress,oo ay ku sheegeen inay tahay Xawaaladii hore la odhan jiray Qaranexpress oo isku badashay ama la baxday Jubbo.

Hadaba waxaan u sheegayaa ciddii qortay wararkaa inuu ka been sheegay oo ay ka khaldantay wixii doonayey maxaa yeelay Xawaaladda qaran waxa la xidhay oo ay shaqada joojisay bishii February 18th, 2012.

Xawaaladda Jubbo express-na waxa la asaasay sannadkii(2010) bishii Febuary, halkaana waxa ku cad in sannad iyo badh iyadoo shaqayneysa, waana shirkad xawaaladeed oo ka mida shirkadaha caalamka ka shaqeeya ee lacagaha caalamka u kala gudbiya. Markaa ujeedada loo asaasayna waxa weeyey ganacsi.

Waxaan shaki ku jirin in mudooyinkan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan xinka iyo risiq maanacnimo oo caado ka dhigtay ama ay caadaba u tahay ii sii anaa waafin,buunbuuninteeda aanu ku jahayneyno dadka shirkadda Jubboexpress,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.

Taas oo ah mid aan waxba u dhimeyn hawlaha ama adeegyada ay shirkadda Jubboexprss umadda u qabato ,taana waxa u daliila xadiiska halkan ku cad, Abu Laysa (RTC) wuxuu yidhi “Sadex ayaan ducadooda la aqbalin,xaaraan cunka,Xanta badsade iyo qalbiga xumaan iyo xaasid nimo ugu haya dadka muslimiinta ah.”

Waxaan aad uga xumahay Dhaqan xumadda, Beenta, Xaasidnimadda ah ee ay la beeg sanayaan Xawaaladda Jubboexpress ,taas oo ay rabaan inay ku sameeyo sharaf dil dhinaca, ganacsigooda,Hantidiisa iyo Dadnimadoodaba.

Sidaa awgeed waxa soo baxaya dad isku sheegaya wariyayaal oo ku qadhaabsanaya qoraalo yar yar oo ay ku soo qoraan qaar ka midda Joornaalada iyo Website-yada ka soo baxa Somaliland gaar ahaan Hargeysa qaarkood kuwaas oo ay ku fidiyaan dacaayado been abuur ah,lana beegsanayaan xawaaladda sarifka lacagaha kala duwan ee Jubba Express.

Ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaan in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Macmiisha ah iyo sumcadaha Xawaaladda Jubboexpress.

Hadaba maxaa kaliifey Beenta, Dagaalka, shirkaddo weerarka, Xumaanta iyo Xinka ay ku hawlanyahiin shaqsiyaad ka midda Bulashdu oo habeen iyo maalin dhisaaya been cad oo sal iyo raad midna aan lahayn. Dadka waxan ku hawlan waxaa ka midda shaqsiyaad mareego ama websites samaystay oo beenta iyo borobagaandadda ku ceesha.

Horaa loo yidhi xaasid maaya aflax haduu aflaxana ma guulaysto markaa waxaan kugula talinnayaa oo aan ku leeyahay yaanu shaydaanku ku marin habaabinin aanu ku odhanin maxay u yeesheen hantida intaa leegl,

Waxaan leeyahay mar dambe Shirkadahu u dul qaadan maayaan weerar hungurigan diciifka ah ee aad la daba taagan tiin maalka iyo hantida ay ragu soo shaqaysteen illeel halkaa waxa ka muuqata oo ay cid waliba dareemi kartaa inaad ka xuntiin Maalka iyo dhaqaalaha ILLAAHAY, siiyey.

Axmed Cismaan, Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories