HomeXatooyadda Ayaan Hormarayaa!!

Xatooyadda Ayaan Hormarayaa!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxay ahayd maalin tilmaamteedda iyo tirsigeedaba lahayd,hawlo shaqo oo aad u badan  ayaa ii yaallay oo qaarkood waayi-taankoodu uu Saacaddo  iga xigay.Waxaan eegayaa goor-sheegta,anniga oo ka wel-welsan Wakhtiga kooban ee ii hadhsan iyo hawsha balaadhan ee I sugaysa.Xaafadda markii aan kasoo baxayay waxaan  soo kiraystay TAXI,gaar ahaana noocan ay Bulshadda Raaxadda u taqaano.Waxaan deg-degsanayaan inta uu jidka igula jiro iyo Saxmadd kooban oo aanu kolba galayno.Marka uu Jidku banaanado waxa uu ku soconayaa Xawaare aad u sareeya,isaga oo ka jawaabaya dalabaadkayga is-taba-joog ah ee aan kaga codsanayo inuu wax-ku-darro Xawaaraha gaadhiga,si aanay hawshu iiga baaqan ama aanan Fursadda I sugaysa u seegin.

Telafanakayga gacanta waxa  si is-daba-joog ah ugu soo dhacaya Call-lal,kuwaas oo ka imanaya shaqsiyaad hawsha ila wada oo habsankayga baahsan raagsanaya.An-na taagga waxaan dedaalayaa oo inyar baan soo jiraa iyo saxmadd baanu ku jirnaa,ayaan ugu lab-qaboojinayaa,balse wali dhawaaqii Mobile-ku ma istaagin.Waxaan soo ordaba,kooxdii I raagsanaysay soo gaadhay,waxaanuna si toos ah u gudo-galay hawshii noo taallay.Muddo Saacad ku dhawaad ah ka dib hawshii waxay noogu soo dhamaatay jawi degan oo turxaan la’aan ah.Kooxdii aanu asxaabta ahayn ee hawsha ila waday,ayaan u sheegay inay shaqo kale I sugayso,aanan jeclaa inaanu  sii wada Shaahayno,balse  uu wakhtigu igu yar ah.Hawraarsan iyo guddoon ayay iigu jawaabeen,waxaanuna isu rajaynay kulamo danbe oo xiiso leh,haddii EEBBE Laga helo.

Waa Ilaa 10:15 Daqiiqo ee subaxnimo.Suuqa weyn ee Magaaladda Hargaysa waxa ka muuqda Mashquul Xoogan iyo sawaxan aan xad-lahayn.Waa maalmo khayraad,waxaana badhtamaha lagaga jiraa Tobankii danbe ee Bisha barakaysan ee RAMADAAN,taas oo keentay in dhaq-dhaqaaqa Suuqu uu si weyn kor ugu kaco.

Waddooyinka waaweyn ee Suuqa waxa la deris ah Saxmadd balaadhan oo aan kala go’a lahayn.Ciidankii Baabuurta kala hagi lahaaba goobta ma joogaan.Waxa jira mid mid Is-goysyadda taagan,kaasna tamartiisu ma badna.Dirawaladda Baabuurtu iyagaaba Fursadda isa-siinaya oo jidka isku banaynaya,waxa kale oo jirta qaar iyaga ka mid ah oo sabab u ah saxmadda Balaadhan ee jirta oo waxay kasoo gelayaan Waddooyin qaldan,taas oo keenaysa inay Baabuur badani isku xidhmaan.Qaar ka mid ah Baabuurta,ayaaba isku-dhac fududi soo kala gaadhay,waaxaanay taasi dhabbaha u xaadhay Saxmadd hor leh oo Jidkii ku timid.Dad faraban ayaa si weyn uga wer-wersan hawlo badan oo kaga dayacmaya saxmadda ay galeen ee aanay kusoo talo-galin ee kusoo dariday,waxaaanay si isba-joog ah u tumayaan hoonka Baabuurta ay wataan,taas oo laf-haanteedda ay qaar kale dhibsanayaan dhaqa hoonka baxaya.

Waxaan dhinaca qabsaday oo aan iska laaladiyay mid ka mid ah Basaska dadweynaha ee u kala baxa Xaafadaha Caasimadda,gaar ahaaana kuwa Xaafadda Jig-jiga yar. Marka la eego heerka saxmadda waddada ka taagan,waxaan islahaa Baskaba Lugta ayaad kaga dheeraynaysaa.Balse qoraxdda oo Kulul iyo An-niga oo soomanaa,waxay  Danni I baday in aan baska iska raaco.Inta  badan Gaadiidka dadweynaha dhex-diisa waxa ku badan buuqa iyo sawaxan,iyada oo ay ku kulmaan dad aan qaarkood muddo is-arag iyo qaar is la’aa oo wakhti ay ku kulmaan isu waayay,waxaanay taasi keentaa in sheeko badan oo qolaba dhinaceeda wax u wadato ay Meesha ka dhex-dilaacdo,balse Baskani intaas wuu ka fayoobaa.Haddii laga tagi waayo waxa jira hadalo kooban oo kasoo baxayay Dhawr qof oo isku hawlay inay Darawalka Lacagta rakaabka uga ururiyaan,waayo Basku muu lahayn Inan (Kirish-booy).

Dadku inkasta oo ay u muuqdaan badankoodu qaar aan xalay wakhti badan seexan oo kusoo jeeday SALAADII TAHAJUDKA,haddana weyjiyadoodu wey wada iftiimayaan,mana jirto cid sheeko-wadaag ah oo hawlo-aduun ka hadlaysaa. Inan (Gabadh) dhalinyaro ah oo rakaabka ka mid ah oo Xijaaban,ayaa waxay Mobile-keeda gacanta  ka Shiday Muxaadaro  wacdi ah,taas oo ku saabsan CADAABTA iyo waxa lagu mudaysto,waxaana si dareen-taabad leh usoo jeedinaaya  Sheekh Berberaawi oo ka mid ah Culimadda Caanka ah ee Reer Somaliland.qeybaha kala duwan ee Rakaabku waxay si weyn ugu dheg-raaricinayaan Wacdiga Seekha.Dhinaca kalena,Gaadhigu waxa uu ku  soconayaa xawaare aad u hooseeya,Jidkuna wali waa Mashquulkiisii.Waxaanu soconaba markaanu hormarayno Aqalka Madaxtooyadda Somaliland horteeda,ayaa telafan kusoo dhacay mid ka mid ah dadweynihii rakaabka ahaa.

Kuye; “Hello,haa waan soo socdaaye’,I sug”.

Soo hadlihii: “ dee haaye halkeed maraysaa? Ilaa maanta uun baanu ku sugaynaaye’”?

La-lasoo hadlihii: “ waar na sug niyaw! Meeshan Xatooyadda ayaanu hormaraynaaye’”.

Soo hadlihii: “ Yaa! Xatooyo maxaya? Niyaw maanad Nin weyn ahayn? Maxaad noogu ciyaaraysaa,waanu soomanahaye’.

La-la soo hadlihii “ dee kuuguma ciyaarayee’ waxaan u jeedaa meeshan ay Madaxtooyadda yidhaahdaan,waa Xatooyo’ eh”.

Dadkii khushuucnaa oo qaarkood meel kale qalbigoodu tagay,ayaa mar kaliya ninkii kusoo wada jeestay; mid qosla,qaar is gujiya iyo qaar isaga si toos ah ula hadla ayay kala noqdeen.Mid ka mid ah Dadkii su’aalaha weydiiyay ayaa ku yidhi: “ Waar maxaad sidaas u leedahay? Sawdigan ninka weyn ah ee Ciradda-na leh”?

Isma buu dhibine’ aayar uunbuu ugu jawaabay: “ dee meesha Dalka laga xado miyaanay ahayn? Ee wax walba laga iibiyo”?.Halkaas marka laysla marayo ayaa Baskii ka tagay.

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories